Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2161 October 04,2009                                   Shawal 15,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Masuuliyiinta Wajaale Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Hantidooda Ma Guurtada Ah Si Deg-Dega U Sharciyeystaan

Wajaale, October 4, 2009-(Haatuf) - Maayarka degmada Tog –Wajaale ee gobolka Gebilay Maxamuud Muxumed (Maxamud weyne) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay sharciyeyn doonaan lahaanshaha dhismayaasha iyo jagooyinka degmadaasi uguna baaqay shacbiga hantida ma gurtada ku leh magaaladaasi inay sida ugu dhakhsaha badan u sharciyeystaan hantidooda.

Gudoomiyaha degmada Tog- Wajaale Maxamud Muxumed (Maxamud wenyne) oo  Haatuf jimcihii toddobaadkii hore   ugu waramayay xafiiskiisa  ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha cusub ee lagu sharciyaynayo hantida maguurtada ah, waxa uu yidhi “dhismayaasha magaalada Wajaale ku yaalaa ma sharciyeysna  isla markaana magaaladu malaha  town plan rasmi ah sidaa darteed waxa aanu  samaynay nidaam casri ah oo internetka laga helayo kaas oo imika laga bilaabo uu qof kastaa si dhib yar u ogaan koro halka uu dhisme kastaa kaga yaalo magaalada, taas oo haddii lagu guuleysto  yarayn doonta is qab qabsigii dhulka ee muranka badan ka dhalan jiray sidaa darteed waxa aanu dadweynaha reer Wajaale  ka codsanaynaa in ay hantidooda ma guurtada ah sharciyaystaan. Kharashka yare ee  aanu  dadka ka qaadaynaa waa mid ay ku shaqaynayaan dadka hawsha fulinaya oo waa xaqal shaah yar,  waana qiime aad u jaban .

Dhinaca  kale xoghayaha magaalada Wajaale Cabdi Abiib Warsame oo isagana aanu wax ka weydiinay qorshahan cusub, ayaa  dadwaynaha ugu baaqay in ay hantidooda sharciyaystaan , taasi oo uu sheegay in aanay dawlada hoose ee wajaale hanti ku urursanayn  balse ay dadweynaha  ugu  danaynayaan.

Xoghayuhu isagoo arrintaa ka hadlaya   waxa uu  yidhi “waxan dadweynaha reer Wajaale u sheegi lahaa in nidaamkan  sharciyeynta hantidu uu yahay mid inoo wada dan ah waayo dhulkii la isku qabsan lahaa ayaa meesha ka baxaya waana nidaam magaalada qurxinaya anagu isma lihin dakhli ha idinka soo galo ee magaalada uun baanu u danaynaynaa , oo aanu qurxinaynaa , waana waxba kama jiraan hadalada suuqa la galiyey ee la leeyahay dawlada hoose hanti bay urursanaysaa”.

beryahan dambe ayaa waxa  ka jiray magaalada Wajaale, khilaaf xoogan oo u dhexeeya guddoomiyaha Wajaale, Maxamuud Muxumed  iyo xoghayihiisa, Cabdi Abiib, taas oo la sheegay inuu  khilaafkoodu ku salaysan yahay wada shaqaynta iyo kala amar qaadashada

Guddoomiyaha Wajaale oo aanu wax ka weydiinay warar la xidhiidha   khilaaf la sheegay inuu  u dhexeeyo  isaga iyo xogahayaha oo ku saabsan xaga wada shaqeynta, waxyaabaha ka jira, ayaa isagu ka war wareegay inuu si cad u bayaamiyo khilaafka dhabta ah ee u dhexeeya labadooda, wuxuse si kooban u yidhi guddoomiye Maxamuud weyne, “ waa run oo wuu jiraa khilaaf, hase ahaatee ma doonayo in aan ka hadlo, waayo maadaama aan ahay madaxii u sareeyay  waxay la mid tahay nin reerkiisii ka sheekeeyay, markaa waxba ka odhan maayo khilaafkaasi”..

 Oday Cabdi Saleebaan Xasan oo ah gudoomiye ku xigeenka guddida odayaasha Wajaale ayaa isagoo Haatuf u waramaya waxa uu yidhi “magaalada Wajaale waxa lagu tilmaamaa inay tahay dekada qalalan ee soomaaliland waana isha labaad ee ugu dhaqaalaha badan dalka hadana degmadu way ka aradan tahay dhamaan adeegyadii bulshada sida biyaha caafimaadka wadooyinka, maamul kasta oo magaalada loo soo magacaabaa waxba kama qabto baahiyaga”

Magaalada wajaale oo ku taala xuduudka kala qaybiya Somaliland iyo Itoobiya isla markaana ah magaalo ganacsigeedu uu aad u camiran yahay ayaa inta badan dadweynuhu waxay maamulada ay xukuumaddu usoo magacowdo degmada ay kaga cawdaan in aanay waxba ka qaban baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Oo dhaliilo badan looga soo jeediyo maamulada degaankaasi loo magacaabo wax qabad la’aan iyo musuq maasuq la xidhiidha ku takri falka dhaqaalaha kasoo baxa degmada iyadoo degmada Wajaale lagu tilmaamo magaalo ganacsi uu dakhli cashuureed oo badani kasoo baxo balse lagu tilmaamo mid ka aradan dakhligaasi dhaqaale ee kasoo baxa.

dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haatan ka taagan Wajaale ayaa waxa ka mid ah, xuduudka oo  furan taas oo mar kasta ay xadka kasoo gudbaan dad si sharci daro ah kusoo gala dalka.

Inkasta oo hawl wadeenada  waaxda socdaalka (immigration control) ee Wajaale ay si weyn ugu dedaalaan in aanay dadku sifo sharaci daro ah dalka kusoo gelin hadana waxa horyaala caqabado ay ka mid yihiin gaadiidka oo ku yar, taas oo laanta socdaalku ay leeyihiin gaadhi keli ah isla markaana aanay haysan gawaadhi ay ku hawl galaan haddii arrin deg deg ah ku timaado.