|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2161 | October 04,2009 Shawal 15,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kulmiye Oo Boorama Ku Qabtay Kulan Lagu TaageerayoHeshiiskii Ay Saddexda Xisbi Ku Soo Afjareen Khilaafkii Siyaasadeed "Waxa Guuleystay Sharcigii Iyo Dimuqraadiyaddii, Ninkii Loo Taagwaayeyna......, Beesha Caalamka Waxa Aanu Leenahay Hanaga Tegina, Marnaba Kalsooni Kuma Qabno UDUB” Mud Oomane “Saleebaanow Arinta Ceel-bardaale Miyaad Dhamayni, Mise Adduunkaad Ugu Qayshan" Ismaaciil Muumin Aare Boorama, October 4, 2009 (Haatuf) - Xisbiga Mucaaridka Kulmiye ee Gobolka Awdal ayaa maalintii shalay kulan lagu taageerayey go'aanadii beesha caalamku usoo jeediyeen khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ee dhawaanta ay kala saxeexdeen saddexda xisbi Qaran ku qabtay xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Boorama. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, masuuliyiinta maamulka xisbigaasi ee heer gobol, Salaadiin iyo taageerayaasha xisbigaasi ee deegaanka Boorama iyo Selel, Garabyada haweenka iyo dhallinyarada xisbigaasi, ayaa ugu horayn lagu furay Aayado quraan ah kadib waxa halkaasi ka hadlay qaar ka tirsan masuuliyiinta xisbigaasi ee heer gobol iyo xubno ka tirsan Golaha dhexe, kuwaas oo dhamaantood ka waramay ahmiyadda heshiiskaasi u leeyahay qaranimada Somaliland, amniga dalka iyo guud ahaanba degenaanshaha dhinaca siyaasadda. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Geelle oo yidhi “Waxan halkan isugu nimi in aan taageerno heshiiskii dhawaan Axsaabta qaranku ku soo afjareen khilaafkii siyaasadeed. Waxaan amaan u jeedinayaa cid kastoo heshiiskaasi kasoo shaqaysay, kuwaas oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha guurtida Suleeman Maxamuud Aadan iyo xitaa golaha wakiilada, madaxweynaha oo aan markii hore ad-adayg ka dareensanayn. Waxa kale oo iyaguna kasoo shaqeeyey labada guddoomiye xisbi mucaarad oo kala Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siillaanyo. Somaliland weligeedba markay yaabto ragbaa usoo baxa oo ka saara xaaladdaasi, ilaahayna wuu la garab galaa, sidaa darteedna waa inaan ku taageerno". Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Sida horeba loo sheegay xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal aadbaan ugu faraxsanahay inaan maqallo heshiiskaasi, anan bogaadino hawlihii laba bilood iyo laba sanadoodba la isku haystay. Wax qof leeyahay la iskuma dilo. waxaan ku faraxsanahay in kurbabadii dalka ka baxday. Guriga madaxtooyada waxa ka muuqday waad arkayseen, waana ka muuqday wixii dalkani ku dhisnaa ee ahaa wada tashi iyadoo ay ka muuqatay waddanimo, haddaan Kulmiye nahayna sidaan doonaynay ayey ku dhamaatay, ciyaar ciyaarna kuma iman, qaybaha bulshaduna uma kala hadhin iyadoo Ramadaan lagu jiray, intii ka shaqaysay allaha ka jasaa’i siiyo. Waxa si gaar ah loo xusay sida guurtidu arintaasi u fulisay aadbaanan ugu hambalyeynaynaa mar haddii ay dalka badbaadiyeen. Wadashaqayn uunbaan wax ku nahay. Waxaanan maamulada gobolada, ciidamada iyo masuuliyiinta dawladda hadd iyo jeerna xisbiyada mucaaradka moodayaa inay yihiin cadow dalka kusoo degay u sheegaynaa inay arkaan xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo dawladda sare. waxa hoggaankii dalka iyo xisbiyada mucaaradka ka dhexeeya ee ah waddaninimo. Waddadii caddayd ayuu cagta saaray dimuqraadiyaddii mana oggolin cid doc ka wareen ku samaysa. Haddaan kulmiye nahay waxa waajib ah in mar haddii heshiiskaasi dhacay, waxaan diyaar u nahay inaan dadka usoo bandhigno waxqabad xisibigu ku talo jiro iyo isbeddelka uu maaggan yahay Xagga saxaafadda, waa la korey, waa loosoo halgamay waxayna maanta ku biireen xoogagga nabadda raadinayey, sida Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo C/laahi Cukuse, waaxse maalmahan jiray in Haatuf naga faafiso warar aan Sal iyo raad toona lahayn. Weriyaha Boorama labadayada guri way isku dhawyihiin, Ismaaciilbaa lagu celceliyey, wuu i weydiin karayey waxa afar cisho ka hor uu faafiyey. waan ka xumahay, waxaan leeyahay walaalkay naga ilaali isku dhufashada oo nabadda nala tol. Guddoomiyaha guurtida ayaan baaq u dirayaa. Baaqaas oo ah Ceelbardaale Saleebaanow miyaad dhamayni, mise beesha caalamkaad ugu yeedhi, raggii xuquuqal insaanka ee Somaliland aadbaan u dhaliilaynaa sida ay uga aamuseen wixii ka dhacay jidgooyadii Kalabaydh iyo Dila, arrintaasi nabadda geeska Afrika ayey wax yeeshay, welina lagama jawaabin falkii dhacay, xukuumaddaa lahayd waajibkaadka, waanay faylgarowday, ee Saleebaanow ama caalamka ugu yeedh ama xal keen. Axmed Xuseen oomane Wasiirkii horre ee Kalluumaysiga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isna yidhi “Ujeedada aan isugu nimi waa la sheegay oo waa bogaadinta heshiiska dhacay. Hehsiikaasi kuma iman si sahlan kuma iman, waa loo soo halgamay, habeen iyo maalinbaa loo soo jeeday, qaylaa afka lakala waaxay. Halkan waxaan ka maqlayey qolooyin aan hambaloyo mutaysan oo la hambalyeynayey. Saleebaan iyo ragaasi way mutaysteene, waxaan leeyahay hadday garteen inay baqaan way mutaysteen in la bogaadiyo, markay daaqadda ka arkeen mujaahidiintiin oo tuute sidata, ayaa heshiiska la aqbalay. Waxa aan intaa ku darayaa, waxaan maqlaa yaa guulaystay yaa se laga guulaystay. waxaan leeyahay waxa guulaystay Somaliland, waxa guulaystay sharcigii iyo dimuqraadiyaddii ee cid kale ma guuleysan. Sanad iyo badh wixii la isku hayey ayaa fanali ninkii lasoo qaban kari la'aa oggolaaday. soo joogso ninkii laga waayey soo jiifso ayaa laga ahelaa. Waxaa lagu heshiiyey ee lixdaa qodob ah, gacantii qaadqaad barata gumudkaa dhaqdhaqaaqa, kalsooni kuma qabo UDUB, beesha caalamkana waxaan leeyahay waar ha naga tegina Shakibaan ka qabaa. in wixii uu saxeexay uu fuliyo ninkaasi, horaanu usoo aragnay, shalay markii la galay qodobkii u horreysayba meel aan meel ahayn buu istaagay, waxa uu yidhi hala eryo gebi ahaanba Komishanka halkii laga eryi lahaa afartii nin. haddii kale allaahu yaclam waxay noqon doonto”. Xoghayaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal Cawil Cali Bile oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa golaha guurtida oo raacay ama go'aansaday inay fuliyaan waxay shacbigu doonayeen. shacbigu wuu ka cadhaynsaa kordhinta. Waxa kaleen oo aan hambalyo u dirayaa Madaxda xisbiyada qaranka. anigoo ku hadlaya magaca xisbiga Kulmiye, waxan dhambaal ka sidaa daweynaha gobolkaasi Selel oo hambalyo u diraya golayaasha iyo xisbiyada qaranka. anigoo ku kasloon in Kulmiye maanta hormood u yahay masiirka dalka. Waxan ku dardaarmayaa in komishanka la magacaabi doonaan noqdaan rag Ilaahay ka baqaya ,oo diinytooida u daacad ah ,way dhaaranayaan nin dhaartayna waa inuu ta ilaahay fuliyo .Go'aankaasi ciddi ka noqotaana innaga maaha". C/laahi Ismaaciil Oogle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "waxan hambalyo u dirayaa Suleemaan maxamuud adan ,waxanban cambaareynayaa ninka la yidhaa Boqor Buur madow ,oo noqday makarafoon isagoo dhawaan soo hadalaqaaday arrimaha komishanka .ragga ,moodaya in Rayaale gobolkan wax u tarayoow ogoow inaanu irbad dun u gelinin ' Wakiilka xisbvga Kulmiye ee Gobolka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " waxdan ogaanay inaanay jirin cadaawad ka dhaxcaysa xisbiyada qaranka ,waanad arkayseen siday isku salaamayeen markii ay heshiiska saxeen.asalkaba lama helo waxaad doonayso inaad sidiisa u hanato ,wax tanaasulaasd la yidhaa bayaa la sameeyaa oo lagu gaadho guusha .waxasn ku niytadsannahay dhaqangelinbta heshiiskaasi inay dhinacyada\ saxeexay fulin doonaa,.dastuurka soomaaliland wuxu leeyahay ,shareecada islaankaa wax kasta oo maamul ah la hoos keenayaa .in taloo wadaag lagu qaato go'aanada ,isku dheelitirka golayaashahoos u daadejinta maamulka dawladda ee madaxweynaha uun xil kasta loo tiriyo ,khayraadka dabiiciga ah oo la qaybsado .si loosoo celiyo kaslsoonidii dawladnimada waa inaan qodobadaasi loo tarjuman nin kastbaa sida uu doonayao ,xasaasiyadbaya keenaysaa,hana loo daayo fulinta heshiiskaasi dhinacyada uu khuseeyo sida xisbiyada iyo golayaasha. ugu doonayaa inaa ka hadlo warbaahinta ,oo an ka doonaynno inay u adeegto shacbiga,hadii wax la iga sheego waan soo dhaweynayaa ,madaxbannanideedana waxa barbaryaalla masuuliyad ,kamasoo bixin xilkeedii oo ninkii dembiga lahaa dembigiisa ma caddayso.dadweynaha waxana leehaya hadii xaqiiniin la oggolaaday ,haka faaiideystaan .gopbolka awdal waxan leehaya an iskusoao dhawan no innagoio kala xisbiyo ah ,xukuumadduna waa inay noogu wada\adeegto si siman ,hana la daayo xasaaasiyaddaiyo qabyaaladda.. warbixin ku saabsan qaabkii loosooa gaasimay xafladdaasi ,iyo ujeedootinkii laga lahaa ayaa waxa halkaasi ka jeediyey axmeduxmed geelle ,kana mid ah masuulyiinta xisbiga Kulmiye ,iyadoo dhinaa kale munaasabaddan lagasooa jeediuyey suugaan kala duan oo lagu ammanayo xisbga iyo kuwa wacyigelin ahaa. |