|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2161 | October 04,2009 Shawal 15,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dowlada Canada Oo Xukun Kuriday Nin Soomaali Ah Oo Qirtay Inuu Maaganaa Falal Argagixisonimo Toronto, October 4, 2009 (W.Wararka) - Wasaarada Arimaha dibadda ee dalka Canada ayaa shaaca kaqaaday in nin asal ahaan ka soo jeeda Somalia xukun lagu riday, kaas oo magaciisa lagu sheegay inuu yahay Cali Maxamed Diiriye, laguna eedeeyey inuu falalka laxidhiidha inuu weeraro argagixiso uu ka fuliyo gudaha dalkaasi. Cali Maxamed Diiriye oo ay maxkamadu sheegtay in lahayo cadaymo dhab ah oo muujinaya in uu Qaraxyo kamaleegayey gudaha dalkaasi cadaymahaasi oo ay ka mid yihiin in hub si sharci daro ah uu kusoo geliyey gudaha dalkaasi ayaa lagu xukumay 7 Sano oo xadhig ah. Inkastoo xukunka ay Maxkamadu riday, iyadoo sheegaysa inay hayso cadaymo dhab ah ayaa hadana Cali Maxamed Diiriye uu qirtay dhamaanba eedeeymaha loosoo jeediyey iyadoo sidoo kalena eheladiisu ay sheegeen in wiilkooda muddo fog kunoolaa dalka Canada, kaas oo ay sheegeen in aanay ku ogayn dhamaanba waxyaabaha lagu eedeynayo islamarkaasna aanu wax lug ah kulahayn. War murtiyeed ay arintan kasoo saatay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Canada ayaa sidoo kale lagu sheegay in lawado baadhitaano arimahani laxidhiidha, kuwaasi oo lagu samaynayo shaqsiyaad kale oo isla dalkaasi ku dhaqan oo iyana lagu tuhmayo falal kuwan lahalmaala oo iyana haddii cadeeymo lagu helo sidan oo kale sharciga lala tiigsan doono. |