|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2161 | October 04,2009 Shawal 15,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sheekh Shariif Oo Sheegay In Aanay Shacabka Somalia U Afduubanaan Doonin Dagaalyahano Shiyeeye Iyo Shaqaale Ajanabiya Oo La Sii Daayay Muqdisho, October 4, 2009 (W.Wararka) - Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo boqollaal dadwayne kula hadlayey magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in shacabka Somaliyeed hadda laga bilaabo aanay u afduubnaan doonin dagaal yahano shisheeye oo gacan saar la leh argagaxisada caalamiga ah, waa sida uu hadalka u dhigaye. Madaxweyne Shariif waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay xaalad adag loona baahan yahay Jaaliyadaha Soomaaliyeed inay dowladooda taageeraan si ay u sii shaqayso dowladda Soomaaliya ugana hortagto halista Soomaaliya ay la damacsan yihii shisheeyaha danaha gaarka ah ka leh dalka Soomaaliya ee kiraystay calooshood u shaqaystayaal Soomaali sheeganaya. Mar uu ka hadlayay dhismihii Maxkamadaha Islaamiga ayaa madaxweyne Shariif ayaa waxa uu sheegay in fikraddaasi ay ka timid shacabka, lana arkay waxa ay qabatay, wuxuuna intaasi ku daray in markii dambe ay ku soo biireen dad fikrado halis ah ku shaqeynaya oo aanan u adeegeynin danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Xilligii maxkamadaha xittaa waajireen fikrado halis ah oo naloo keenay waanse iska ilaalinay” ayuu yidhi Sheekh Shariif oo intaasi ku daray in xaaladda markii uu xumaaday oo dagaallo ay dhaceen ayuu Sh.Shariif Sheegay in ay u carareen dalka Eritrea halkaasina ay kudhiseen Isbaheysi inkastoo isbaheysigaasi markii dambe uu ka shaqeyn waayay dowladda erirea. Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlayay xidhiidhka kala dhexeeyay isaga iyo Dowladda Eritrea ayuu sheegay in Eritrea ay is hortaageen in ay heshiis la galaan dowladda Soomaaliya si siyaasadooda ay u xoogeysato lakin dowladda Eritrea ayaa sheegtay in arrintaasi aanay u cuntameynin isla markaasina aysan heshiis la geli Karin. Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in la sii daayay ilaa seddax qof oo Ajanabi ah, kuwaasi oo muddo ka hor kooxo hubaysan ay ka soo Afduubteen gudaha degmada Mandheere ee dalka Kenya. Shaqaalahaani ayaa waxaa la sheegay in abaaro 11-kii barqanimo ee shalay ay ka duuleen Garoonka degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaana sii deynta Shaqaalahaasi Idaacada Shabelle u sheegay saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo iyagu gacanta ku haya degmada Luuq oo ah halka Shaqaalahaas laga dhoofiyay. Ilaa iyo hadda lama Cadeyn qaabka soo liidaayay shaqaalahaani balse waxaa mudooyinkii ugu dambeeay jiray Wahadalo u dhaxeeyay Masuuliyiinta hay’addii ay u shaqeynayay Shaqaalahaasi Ajanabiga iyo Kooxaha gacanta kuhayay iyadoo sidoo kale aan la cadeyn in ragaasi madax furasho la siiyay iyo in kale. Saraakiishaan u shaqeynayay hay’adda Safamalka ee ka howlgasha degmada Mandheere iyo magaalooyinka kale ee dalka Kenya ayaa waxaa loo duuliyay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya sida ay Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Dadkaani ajabiga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kooxaha hubaysan waxaa ay ku heysteen deegaano ka tirsan gobolada Kuufureed ee dalka Soomaaliya iyadoo maanta ay u suura gashay in laga sii daayo gacanta kooxihii heystay. |