|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2161 | October 04,2009 Shawal 15,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Dadka Xajaya Ugu Baaqday Inay U Duceeyaan Soomaalida Muqdisho, October 4, 2009 (W.Wararka) - Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Somalia ayaa ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee sanadkan gudanaya Waajibaadka xajika inay u soo duceeyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay ku heysato dagaalada aan kala joogsiga lahayn ee ka socda guddaha Somalia.Sida uu warsaxaafadeed uu ku sheeay afhayeenka gobolada dhexe ee ciidamada Ahlu Sunna Sheekh C/risaaq Max’ed Mire Al Ascari ayaa waxa uu ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan xujeyda sanadkan u suurta galaysa inay soo xajiyaan ugu baaqay in xiligii ay halkaasi tagaan ay u soo duceeyaan ummadda Soomaaliyeed in illaahay dhibta ka dul qaado. Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay soo foodsaareen abaaro dagaalo iyo nolol xumo Saameyn ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed mudada 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu xujeyda kula taliyey inay booqdaan qabriga nabiga islamarkaana ay u soo duceeyaan Ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed. Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee gobolada Dhexe waxaa uu Umadda oo dhan ugu baaqay in ay joogteeyaan ducooyinka Alle si dhibaatada heysta uu ugu dulqaado. |