Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2161 October 04,2009                                   Shawal 15,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Joog Iyo Jacayl Qaybtii 2aad

C/Laahi Xassan Budul

Aakhirkii isaga oo siddii wax daalan ah ayuu seexday, intii aanu gam’in waxa qalbigiisa ku leexaysanaysay Hibo, kolba waxa uu is daawadsiinayey caynkay ahayd iyo hadal dabacsaanta shacniga, nuurka iyo Ixtiraamka ku xeernaa, waxay cajaladiisu kolba dib u soo celinaysay muuqaalkii gabadha iyo hadal macaankeedii akhlaaqda ku dheehna oo uu ku masaalay gabadhii loo tiriyey maansadii ay midhaheeda ka mid ahaayeen “Habka luqunta heensaha hanaanka iyo laafyaha, talaabada habsamidiyo haasaawaheeda malyuun hibo la siistaa”.

Filan-waaga jacaylka falaadhii u horaysay ee saaqday C/raxmaan iyo Hibo ayaa noqday mid labadoodaba qalbiyadooda dhex maaxday, hase yeeshee boholyowga jacalka iyo isu soo hilowga xidhiidhka jacayla ka dhex beermay ayaa markasta oo Ardayda dugsigu u soo dareerto nus-saacaha ay kulmi jireen oo caado u noqotay waxoogay sheeko ahina dhex mari jirtay, iyadoo qof waliba dhiniciisa uu ku nafisi jiray qadarka yar ee ay is hor joogaan.

Cabdiraxmaan saaxiibkii Xasan oo ay isku fasalna ahaayeen waxa uu dareemay silsilada jacayl ee ugubka ku ah saaxiibkii, isaga oo la kaftamayana waxa uu ku yidhi “Maalmahan saaxiib sidaadii hore ma tihid ee wax baa jira ee bal ii waran, maxaa soo kordhay? Ma waxa ku haleelay qalbi dilihii rag hore geerida u horseeday ee iilka jiifiyey,  inuu kugu raran yahay waan arkayaa, balse wax kale ku odhan maayo ee Rabi ha kuu sakhiro oo ha kuu fududeeyo geedku waa daran yahay’e oo kiniin iyo cashar midna waxba kama taro’e” Sidaa ayuu yidhi, waxana uu intaas ugu sii daray sheekada “Sida aan taariikhda ku hayo rag badan oo uu ka mid yahay Cilimi Boodhari, oo qisadiisa laga wadda dheregsan yahay ayuu iilka dhigay jacaylku iyo qaar kale oo badan, oo ay hablihii ay jeclaadeen la fahmi waayeen oo kali uun uu ku noqday, ka dibna waddadii geerida uu ku riday”.

Ka dib ayaa C/raxmaan oo dhoolo-cadaynayaa una bogay qisadaas saaxiibkii uga waramay, kaas oo yidhi “Saaxiib horta waxaad tahay indheergarad, waanad fahamtay anigoon waxba kuu sheegin, arrinkan aad sheegtayna waa jiraa waanu igu cusub yahay haddiise aan kuu sii taataabto oo aan wax kaaga sheego saaxiib tu yar oo wax kale kuma masaalayo oo aad moodo sida dhool gu’yoo da’ay ayaa igu dhalisay hawlahan jacaylka ee ugub, iyada lafteeduna waa sidoo kale oo wuu hayaa jacayl”.

Cabdiraxmaan isaga oo sheekadii saaxiibkii Xasan u sii wada waxa uu intaas ugu daray, in gabadhu ka mid tahay ardayda sanadkan dugsiga soo gashay ee form one-ka ah, balse aanay hore isu aqoon ee markii ay iskuulka soo galeen ay isbarteen halkaasna uu ka bilaabmay is aragoodii u horeeyay “Saaxiib horta gabadha waxa la yidhaahdaa Hibo waxay ka dhalatay waalidiin magac iyo maamuus ummada ku dhex leh, isla markaana waa qoys hanti leh, iyada haddii aan aragto kolay waan ku tusi doonaa dhankasta oo aad ka eegto waa xubno cudoonley yacnii xubin jidhkeeda ka mid ah oo aad diido ma leh waa duuduub igu wada liq  quruxdeedu, aragii iigu horayusay ee aan arko-ba waxay igu soo gantay falaadh caashaq” kolkii uu sidaa yidhi ayuu Xasan yidhi “ anigu wax kale garan maayo laakiin waxan kuugu ducaynayaa inaad noqotaan kuwii is hanta ee ka midho dhaliya jacaylooda ee nacab kala dhex galin aanu kala dirin xaasidka jacaylka ee u xusul duuban dad is jecel kala dilkooda, arrimahaagana hiil iyo hooba waan kula garab taaganahay ee sidaa la soco”.

Hibo waxay ku wargelisay C/raxmaan in habeen danbe oo jimce ah uu jiro aroos gabadh ay saaxiib yihiin uu ka dhacaya Hotel la yidhaahdo Cawo, isla markaana ay ku marti qaaday waxayna gacanta ka gelisay kaadhkii uu ku soo galayey arooska, waxayna ku tidhi “C/raxmaanow habeen danbe fursad dahabi ah oo saacado doora aynu ku wada sheekaysano ayaynu haysanaa ee aan ka faa’iidaysno, waxa la aroosayaa gabadh saaxiibaday ah oo aanu aad isugu dheernahay lagana yaabo inaan minxiisad u noqdo, laakiin aan ka cudur daaranayo inaan minxiisada u noqdo oo waalidkayna ay ii ogolaadeen inaan ka qayb galo arooska, markaa waxaan jeclastay inaad adiguna igala soo qaybgasho ilayn waa habeen wacane” sidaas markii ay tidhi, iyada oo aad u faraxsan oo wajigeeda farxadu hadhaysay ayaa C/raxmaan inta uu isaga laftiisuna farxad iskala garan waayey uu yidhi ‘waa fursad dahabi ah Hibooy ee haye haye, waan kaa aqbalay marti-qaadkaas aad ii fidisay waana jaanis xabiibi in badan aynu ku wada sheekaysan karno oo hawlaheena aynu ku faaqid karno ilayn rubuc saacan iskuulka ee aynu isk arki jirnay wakhti aynu wax ku bogan karnaba muu ahayne”.

Labadooduba iyaga oo aad moodo farxada iyo raynraynta ka dhacysa ayaa jalaskii iskuulku dhacay inta ay isku eegeen indhayaal indho caashaq ayay labada gacmood ee midigtana isku dhiibeen ayay is nabad galyeeyeen iyaga oo jecel inay sii wada joogaan balse wakhtigu u saamixi waayey ayay ku ballameen saacada Hotelka uu ka dhici doono aroosku.

C/raxmaan waxa u bilowday bayj cusub oo jacaylkiisan sii xoojiyey wali Jaanis nusaacaha iskuulka ka badan oo uu kula sheekaysto Hibo ma uu helin, balse fursadan arooska ay ka qayb gali doonaan waxa uu u arkaa fursadii ugu dahabisanayd ee soo marta tan iyo intii jacaylku ku beermay qalbigiisa, waxanu hoosta ka xariiqday kana qadayaa heestii ahayd “Igu dheere inantani waa taan dhursugayee dhuuniga u diidee hurdo uga dhaqaaqee, dheeheeda midabka leh waa mid loo dhameeyoo maba kala ..maba kala dhalantaalee”.

Habeenkaa C/raxmaan waxaad moodaysaa nin ay xumadii faraha badnayd ee yabaalku wehelinayay inay intii hore ka yarayd oo xanshashaqii badnaana uu hoos uga dhacay, qalbigiisa waxa hadheeyay farxad jacayl waxana uu ilaabi laahayay ilaa hada sida wacan ee ay galabta ula balantay Hibo waxanu dareemay inay iyada lafteedu ka sii daran tahay oo ay ilaalinayso jacayla dhexdooda ka hillaacay.

Hibo lafteeda waxa galabta u sii dheer sideedii hore balantan habeen danbe ay C/raxmaan is arkayaan oo ay aad u doonaysay jaanis ay ku kulmaan waxayna u aragtaa fursadan mid faa’iido weyni ugu jirto labadoodaba habeenkaas waxay ahaayeen dad ay ka yara go’een warmo cashaq oo ku tagnaa, Hibo waxayna rajaynayasaa in habeen danbe ay guul weyn u yahay kulankoodu oo qodoxo badan oo ku hareeraysnaa ay ka guri doonaan googol xaadhna u guda gali doonaan hawlaha jacaylkoodan bilowga ah ee ay jaanta isla heleen. Wali waxaanay iloobin Hibo galabtii u horaysaye C/raxmaan is arkeen barashadii bilowga ahayd dhulku siduu galabtaa ahaa iyo jawiga ku xeernaa roobabka iyo codadka shimbiraha dhegihii maqlaa ku raaxaysanyeen iyo neecawdii macaanayd ee dabaysha caashaqu waday….. 

La soco………….