Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2161 October 04,2009                                   Shawal 15,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Kala Jiidashada Ardayda Jaamacadaha Dalka Ka Qalin Jabisay Ee Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE  Iyo Dareen La’aanta Xisbiga Talada Haye Ee UDUB!!!!­­

Qalinkii: Farhan Mahamed Eggeh

Hirdanka axsaabta Somaliland oo galay marxalad aad u xiisa badan ka dib markii uu  loolankooda  siyaasadeed ee ku waajahan kasbashada iyo soo bandhigista barnaamijooda siyaasadeed uu la galay aradayda haatan uun  ka qalin jabisay jamaacada dalka, xisibiyada UCID iyo KULMIYE oo midba habeen gaar ah u sameeyey ardayda xaflado aad loo soo agaasimay ayaa ku soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadee ee ku aadan aqoon yahankan cusub ee  dalka ku soo biiray.

Ugu horayn siddii caadada u ahaan jirtay xisbiga UCID oo sanad walba u sameeya ardayda ka qalin jabisa JAAMACADA HARGAYSA ayaa xaflad martiqaad ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ugu sameeyay MAANSOOR HOTEL aradayda sanadkan ka qalin jabisay jaamacad hargaysa, balse waxaa sanandkani uu kaga duwaan kuwii ka horeeyay waxaa iyan la soo casuumay ardayda sidoo kale ka qalin jabisay ADMAS iyo jamacada GOLIS. Waxaa habeenkaas lagu soo bandhigay siyaasda xisbiga UCID ee ku jihaysan tacliinta sare, waxaa masuuliyiintii kala duwanaa ee goobtaas ka hadashay ay hoosta ka xariiqeen in ay aqoon yahankani  yihiin kuwii badli lahaa dalka gaadhsiina lahaa horamar waara, waxaa tusaalayaashii daxalgalka ahaa ee goobtaasi lagu xusay ka mid ahaa sida JAPAN ay uga faa’iidaysatay  koox tiro yar oo ka mid ahaa dadkii diba uga soo noqoday kuwaas oo dalka ku soo kordiyay cilmi anfaca dhamaan dadwaynihii japan gaadhsiiyayna hormarka japan ay haysto maanta, waxaa lays tusay inay aanay waxaba ka duwan kuwaas japan hormarka gadhiisyay.

Si kastaba ha ahaantee waxaa martiqaadkii uu sanad walba samayn xisibiga UCID xiisa gaara u yeelay soona jeediyay indhaha faaloyahanka siyaasada Somaliland ka dib markii uu sidoo kale xaflad martiqaad u sameeyay xisbiga KULMIYE isla ardaydii ka qalin jabisay jamaacada HARGAYSA, ADDMAS,iyo GOLIS. Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimiya laguna qabtay isla goobtii uu ku qabatay xisbiga UCID oo ahayd MAANSOOR HOTEL ayaa xisbiga kulmiya ku soo bandhiga siyaada uu ka leeyahay tacliinta sare iyo doorka uu kaga jiro jaamacad dalka iyo guud ahaanba siyaasad xisbiga ee ku waajahan hanashad talda dalka.

Hase yeeshee dadka u dhuun daloola siyaasadah asxaabta somaliland ayaa ku tilmaamaya inay tahay marxaladii ugu qiimaha badan ee dhex marta axsaabta somaliland isla markaana ay waji cusub yeelaytay siyaasada xisbiyada mucaarad ee somalind.iyadoo aan la ogayn cida hanan doonta quluubta aqoon yahaynkan soo kacaya ayaa hadan waxaa muuqata in xisbiga talada dalka haye ee UDUB uun door muuqda ku lahayn tartanka cusub ee dhex maray xisibyada UCID iyo KULMIYE, mid ka mida aqoon yahandii  ka  ka qalin jabiyay jamaacadaha dalka ayaa ku tilmaamay in xisbiga UDUB uu u muuqdo mida aan danaynayn jiilkan cusub ee dalka ku soo biiray.

Hadaba kala jiidashadan ardayda jaamacadaha dalka ee labadan xisbi ayaa lagu tilmaami karaa inay ka danbayso hogaamiyaasha labada xisbi kala hogaminaya oo ah dad aqoon fiican u leh xaga cilmiga waxaa tusaale ku filan in xisbiga KULMIYE uu hogaaminayo daqaale yahan (economist) aqoon fiican ku leh bahda waxbarashda halka xisbiga UCID uu hogaaminayo khabiir ku xeel dher xaga cilmiga Engineering ahna aqoon yahan macruuf ka ah bahda waxbarshada, waxay halkaas laga soo dhex bixi kar  bay yidhaahdeen ardayda qalin jabisay in masuuliyiinta xisbiga UDUB aanay waxa aqoon ah oo fiican lahayn haday jirtana aanay dareen gaar siinayn jiilkan cusub.

Ugu danabyntii  waxaa xusid mudan in qaar ka mid masuuliyiinta xisibga UDUB ay uga qayb galeen si aradaynimo ah xafladaas  balse ay ka gaabsadeen inay sheegaan sababta uu xisbigood dhega uga furaytay aqoon yahaynkan cusub.

Waxaa biyo kama dhib caan ah inay guushu raaci doonta xisbiga ay taageenaan aqoon yahankan cusub oo xambaarsan aqoon,fakir, isbadal iyo horumar dagdag ah (immediate change and development).

Wabilaahi tawfiiq

Qalinkii: farhan Mahamed Eggeh

Education and Research Academy (ERA)

Farxaan42@hotmail.com

Hargays, Somalilnd