Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2162 October 05,2009                                   Shawal 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guddoomiyaha UCID Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo Magacaabi Doonaan Wakiilkoodii Hore, Soona Bandhigay Nuxurka Natiijooyinkii Ka Soo Baxay Kulankii Madaxdtooyada Ay Kula Yeesheen Rayaale

“Anagu mar hore ayaanu wakiilkayagii bedelnay,  waa inaanu qofku noqon kuwa yidhaahda habeenkii baa lanagu soo degaa,  madaxweynahana waxaanu isku afgaranay inaanu dedajino fulinta heshiiskii aanu kala sexeexanay” Faysal Cali waraabe

Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in aanay bedelaynin wakiilkii Komishanka doorashooyinka ugu magacawnaa Khadar Maxamed Guuleed, kaas oo maalintii doraad iska casilay xubinimadii Komishanka doorashooyinka, isagoo intaa ku daray in kulankii Madaxweyne Rayaale iyo hogaamiyeyaashooda mucaaridka ee Madaxtooyada ay shalay ku wada yeesheen ugu qabsoomay jawi is afgarad iyo fulinta dhamaan qodobadii lixda ka koobnaa ee ay todobaadkii hore wada jirka u wada saxeexeen, isagoo tilmaamay in kulankaasi ay isula qaateen in muddo laba maalmood ah lagu soo dhamaystiro magacaabista xubnaha Komishanka doorashooyinka ee bedeli doona Komishankii hore.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu tilmaamay in aanay ka aqbali doonin wakiilkoodii komishanka iscasilaada, isla markaana ay maanta si rasmiya u soo magacaabi doonaan xubinimadiisa Komishanka cusub.   

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo xalay khadka Telephone-ka aanu kula xidhiidhanay ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulankii ay maalintii shalay hogaamiyeyaashooda labada xisbi mucaarid Kulmiye Axmed Siillaanyo iyo UCID Faysal Cali Waraabe ay Madaxtooyada madaxweyne Rayaale ku wada yeesheen, kaas oo uu noo xaqiijiyey in kulankaasi aanay cid kale dhex joogin kagana wada hadleen arrimo ku saabsan fulinta heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee ay todobaadkii hore kala sexeexdeen iyo arrimo kaloo ku saabsan dhismaha xubnaha komishanka cusub ee ay soo magacaabi doonaan.

Isagoo ugu horayn gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Kulanka wadajirka ah ee aanu labadayada gudoomiye xisbi mucaarid iyo madaxweynuhu waxa uu ku saabsanaa sidii aanu u sii ambaqaadi lahayn fulinta hashiisyadii lixda qodob ka koobnaa ee aanu kala sexeexanay jawi wanaagsan iyo niyad- furan ayaanu noogu qabsoomay, in si dhakhso ah aanu u wada fulno heshiiskaasi ayaanu isla waafaqnay kulan danbe oo aanu ku sii ambaqaadayno dhamaystirka fulinta heshiiskaana waanu u balanay”

S. Magacaabistii komishanka cusub ee doorashooyinka ma iskula soo qaadeen kulankaasi ?

J. Runtii xubnaha komishanka doorashooyinku lix ka mid ah ayaaba iscasilay, taasina waxay noo fududaynaysaa sidii aanu usoo magacaabi lahayn xubnihii komishanka cusub mana aha in qadiyada komishanka la siyaasadeeyo, iyadoo ah arrin farsamo oo la xidhiidha doorashada.

S. Waxa la sheegayaa in wakiilkiinii hore ee komishanka doorashooyinka Khadar Maxamed Guuleed oo sabatidii doraad iscasilay aad doonaysaan in aad mar labaad  usoo magacowdaan xubinimadii komishanka, iyadoo heshiisna lagu wada gaadhay in la wada bedelo todoba xubnood oo cusubna la soo magacaabo arrimahaasi maxaa ka jira?

J, Anagu xisbi ahaan wakhti hore ayaanu bedelay marxuum Axmed Maxamed X Daahir Alla ha u naxariistee, wakiilkayaganina waa cusub yahay oo waxaanu soo magacownay badhtamihi bishii July 2009 oo wuu ka danbeeyay eedihii komishanka aanu uga jeedinay xil gudasho la’aanta iyo hawshii diiwaangelinta codbixiyayaasha wax dembiya oo uu ku lahaana haba yaraatee may jirin, iscasilaada uu qaatayna ka aqbalimayno waananu soo celinaynaa waana nin buuxin kara shuruudaha aanu iskula waafaqnay kulankayagii shalay oo aanu u dajinay xubnaha cusub magacaabistooda oo ay ka mid yihiin inaanu qofka loo magacaabayo jagadaasi aanu noqon qof balwad leh oo musqmaasuq ku sifoobay, bilaa camalna aanu noqon, wakiilkayaganina waxa uu u shaqayn jiray hay’ada UNDP  waana shaqsi sharaf ku dhex leh mujtamaca dhexdiisa shuruudahaasina buuxinaya

S Ma waxaad leedahay wakiilkayagu saamayn kuma laha go’aanka lagu bedelay komishankii hore ee uu ka tirsanaa?

J. haa oo wax dembiya kuma laha eedahaasi lagu oogay komishankii hore waanu cusbaa wax shaqo ahna muu qaban, shuqulna kuma laha eedihii aanu uga soo jeedinay hawlihii diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo khilaafyadii ka dhex taagnaa komishankaa hore.

S. Kulankaa aad madaxweynaha wada yeelateen heshiis cayiman ma kaga gaadheen muddada aad ku soo magacaabaysaan xubnaha kimishanka cusub, muddo intee leeg bayse qaaadan doontaa dhamaystirka iyo ansixinta xubnaha komishanka?

J. Anagu Isha allaahu maanta ayaanu soo magacaabaynaa xubinta komishanka waxana aanu kulankaasi iskula qaadanay in qolo kastaa xubnaheeda komishanka si dhakhso ah u soo magacowdo Arabacada iyo Khamiistana ay wakiiladu ansixintooda dhamaystiraan, maalinta sabtida ee todobaadka soo socdana ay shaqadoodii si toosa u bilaabaan

S. Muxuu kaga duwan yahay ayaad is odhan kartaa kulankii shalay kulamadi hore ee aad wada yeelan jirteen hogaamiyayaashiina mucaaridka iyo madaxweyne Rayaale?

J. Inkastoo aanu jeclayn inaan la noo kala tagin hadana madaxweynuhu ballanqaadkiisii uu noo soo jeediyey maalintii heshiiska aanu kala sexeexanay oo uu soo jeediyay in wixii heshiiska ka danbeeya aanu anagu dhamaysan doono wuu fuliyey wuxuuna noo balan qaaday inaanu wada tashano oo wada shaqano, markastana kulano wada tashi isugu nimaadno, anaga iyo madaxweynuhuna wax kale oo aanu isku haysanaa ma jiro’e balse waxaanu ku kala aragti duwan nahay dariiqa hala maro iyo kaasa ka fiican

S. Waxaad sheegtay in shuruudo aad u dajiseen xubnaha cusub ee la soo maacaabayo oo aad tilmaantay inaanu qofku noqon ruux balwad leh, balwadaasi ma ku jiraa qofka qaadka cuna?

J. Qaadka waa la iska cunaa balse waxa aanu sheegaynaa waa qofka saqda dhexe qaadka cuna ee yidhaada waa la igu soo degaa shuruudihuse waa qodobo dhawra oo aanu isla qaadanay oo ay ka mid yihiin dhexdhexaadnimo, dhawrasnaan, karti, aqoon iyo daacadnimo in qofku ku sifoobo.