|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2162 | October 05,2009 Shawal 16,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dagaalo U Dhexeeya Al-shabaab Iyo Xisbul Islaam Oo Markale Dib Uga Bilaabmay Kismaayo Kismaayo, October 5, 2009 (W.Wararka) – Dagaalo culus oo u dhexeeya kooxaha Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa markale dib uga qarxay deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose.Dagaaladan ayaa abaara 5-tii galabnimo ee shalay mar kaliya ka bilowday deegaano katirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose, gaar ahaan Deegaanka Wadajir oo ilaa iyo 30-KM dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo. Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa waxa ay tilmaamayaan in dagaalku uu dhaxeeyo Ciidamada kooxda Al-Shaab iyo Ciidamadii uu horkacayey Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe. Labada dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyo ayaa wararku waxa ay tilmaamayaan inay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan. Xidhiidh ay Warbaahinta ka hawlgasha Somalia ay la samaysay Madaxa Warfaafinta ee Maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa waxa uu xaqiijiyey in dagaalkaasi uu socdo islamarkaana khasaaraha dagaalkaasi ka dhasahay aanu xaqiijin Karin. Sidoo kale Ururka Xisbul Islaam ayaa iyana waxa ay sheegeen in dagaalkaasi uu soconayo inkastoo iyana aanay sheegi Karin khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu wali yahay mid soconaya. Dagaaladan ayaa waxa ay imanayaan xilli labada Ciidan ee haatan dagaalamayaa ay dhawaanahan isku hor fadhiyeen deegaanka Birta Dheer oo ilaa 30-KM dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose islamarkaana dhawaan qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo uu dagaal culus ka dhacay. Dhinaa kale Wararka ka imanaya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in gobolkaasi ay ka taagan tahay xiisad kulul oo u dhaxaysa Al-Shabaab iyo kuwa ururka Xisbul Islaam ciidamadaas oo hore gobolkaa u wada joogay si nabad ah. Xiisadan ayaa kadambaysay kadib markii ciidamada Al-shabaab ee kusugan degmada Tiyeegloow ee isla gobolkaasi Bakool ay amar deg deg ah siiyeen ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee halkaasi kusugan amarkaasi oo ku saabsan inay Xisbul Islaam gebi ahaanba iskaga baxaan degmadaasi Tiyeegloow iyo deegaanada kale ee gobolka. Wararku waxa ay sidoo kale tibaaxayaan in saraakiisha Xisbul Islaam ay arintaasi kabiyo diideen, isla markaana ay bilaabeen in ciidamadooda ay isku urursadaan gudaha gobolka gaar ahaan degmada Tiyeegloow oo xiisada ugu darani ay hada kataagan tahay. Saraakiil katirsan Xisbul Islaam ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil arintaasi kabixiyaan iyadoo sidoo kalena xubno kale oo labadaasi dhinac ka madax banaan oo ka mid ah xoogaga Islaamiyiinta oo kusugan magaalada Baydhabo ayaa iyana inoo sheegay inay hada isku dayayaan inay kala dhexgalaan dhinacyadan inkastoo ay shaki muujiyeen oo ku aadan in wadahadal ay wax ku xaliyaan. Dadka ku dhaqan gobolka oo kamadaxbanaan dhinacyada ay xiisadu u dhaxayso ayaa sheegaya in gobolka Bakool guud ahaan ay kajirto xiisad kacsanaan iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo meel walba lagu arkayo gaadiid dagaal iyo ciidan u diyaargaroobay dagaal waxaana tani ay noqoneysaa mowjad cusub oo calaadeed oo kafurantay gobolo hor leh taasi oo udhaxaysa labadan urur. |