Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2162 October 05,2009                                   Shawal 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Maxaa Keenay In Mucaaridku Mar Kasta Wakiiladooda Komishanka Ugu Magacaabaan Xubno Kasoo Jeeda Beelahooda?

Faallo: Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Somaliland ayaa sida la ogyahay waxay maraysaa marxalad ka duwan tii haysatay laba bilood ka hor, isla markaana dadweynaha, dawladda, golayaasha iyo xisbiyada mucaaradkuba welwel ka muujinayeen aayaha Somaliland, Kadib waanwaan caalami ah oo ay ka qayb qaateen dalalka saaxiibada iyo qaadhaan bixiyeyaasha oo lagu soo afjaray khilaafkii taagnaa, ayaa durba la dareemay qabow siyaasadeed oo leh mustaqbal wanaagsan, balse bilaha ama wiigaga soo socda la fili karo isbeddel jiho kale u socda oo mar kale kaga qaylisiiya Somaliland oo dhan.

Sida la ogyahay waxa durba la gudogalay qaar ka mid ah lixdii qodob ee loo soo jeediyey dhinacyada Somaliland siyaasaddeeda isku hayaa inay fuliyaan, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Komishanka muranka badani ka taagnaa iyo in doorashadu ku dhacdo diiwaangelin.

Saddex garab ee siyaasadda Somaliland maanta looga dambeeyo ayaa dhinaca kale  ku faraxsan sida uu ku dhaamaaday khilaafkii, balse mid kastaba u  siyaasado kale iyo xeelado kale oo kaga guulaysan karo mid kastaaba ku hamiyayo.

Haddaba marka loo dhabogalo qodobada heshiiskaasi ayaa waxa ugu xasaasisanaa qodobka Komishanka doorashooyinka Qaranka oo la beddelo, mid kalena la sameeyo.

Komishankii xoogga badnaa ee uu hor kacayey Jaamac Isweden ayaa qaar kalena intaan looba iman ama baneeya meesha la odhan horeba ugasii kacay, isla markaana iska casilay xubnimaddii Komishankaasi, halka nin keliya weli sii fadhiyo, inkastoo la sheegayo inuu xalay fiidkii isna ku dhawaaqay inuu iska xasilay mansabkii uu ka hayey Komishanka.

Waxa la ogyahay dhibaatadii iyo dib u dhicii ka dhacay Komishanka haatan ee isaga laftiisa xisbiyada, shicibka iyo xukuumadduba ciilka badeen bilo fara badan.

Komishankan oo isaga laftiisu aan isku roonayn ayaa aakhirataankii siddii ay ku yimaaddeen si ka duwan meesha u banaynaya.

Siddii lagu soo magacaabay Komishankaasi ayaa reer Somaliland oo dhami ogaayeen wixii ka dhacay, waxaase muddan in la xusuusto in Komishankani ay soo kala magacaabeen saddex qaybood oo kala aha Madaxweynaha, Guurtida iyo Xisbiyada mucaaradka.

Inkastoo saddexdaa dhinac mid kastaaba jecel yahay inuu Komishanka u magacawdo nin wax ka celin kara dhinaca siyaasadda iyo guusha doorashooyinka, waxayna saddexdaa dhinac ku kala duwan yihiin qaabka loo magacaabo.

Sida la ogyahay Somaliland way ka gudubtay nidaam beeleed, waxaanay ku dhaqantaa nidaamka xisbiyada badan oo lagu galo doorashooyin kastoo dhaca. Madaxweyne Rayaale  ayaa komishankaasi u magacaaba saddex xubnood oo uu isleeyahay waxbay kaa celin karaan, laakiin kasoo jeeda beelaha dhexe, halka xisbiyada mucaaradkuna dib ugu noqdaan beelaha ay kasoo jeedaan.

Ilaa shalay oo uu  albaabka sii dhaafayo komishankii hore ayaa waxa durba soo baxaya in xisbiyada mucaaridku durba ay dib ugu laabteen beelkhii ay kasoo jeedeen si ay usoo raadiyaan nin shaqo ay kasiiyaan komishanka oo haybtooda ah, hore ayaa loo ogaa raggii xisbiyadaasi qaranka ee mucaaradka ah kaga jiray Komishankaasi, inkastoo aya islahaayeen, waxay idiinka hiilinayaan dawladda Rayaale, haddana la arkay xubnihii ay magacaabeen oo iyaga warmo kala horyimi, sida Biikolo oo kale.

Waxa ilaa shalay la hadalhayaa in xisbiyada mucaaradku soo magacaabeen xubno kasoo jeeda beelaha ay kasoo jeedaan, halka madaxweyne Rayaale-na uu mar kale soo magacaabi doono xubno kasoo jeeda beelaha dhexe.

Haddaba markaad isbarbardhigto horumarka dimuqraadiyadda Somaliland iyo habdhaqanka u hooseeya xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Kulmiye ayaad moodda in faraqweyni u dhexeeyo.

Axmed Siillaanyo ayaa badi reer Somaliland qaybo ka mid ahi u arkeen  inuu shirweynihii xisbiga Burco kula gurya noqday, cudud beeleedna ku meelmarsaday hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ee maanta jira, waxaanay dad badani isweydiinayaan mar haddii xisbiyada mucaaradku weli daba joogaan nidaaam beeleed siday u ekaan doontaa dawladda ay dhisi doonaan haddii ay ku guuleystaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan ? ma dawladd beeleedbaa, ciidan beeleed leh bay noqon doontaa, mise mid qaran.

Dhinaca kale markaad eegto madaxweyne Rayaale yaa u diiday inuu saddexda xubnood ee uu magacaabi karo dhamaantood ka dhigo xubno reer Boorama ah ama reer qulujeed ah? muxuu xeerinayaa marka uu  xubno reer Burco ah u magacaabanayo komishan isaga difaaca, sidaa darteedna laga quruxbadan yahay in Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe, shacbiga Somaliland u arkaan mucaarad, iskuna haleeyaan beelaha aya kasoo jeedaan.

Xisbiga Kulmiye oo ugu weyn xisbiyada mucaaradka dalka ayaa looga fadhiyaa guusha uu ka gaadho kalsoonidarada uu ka qabo bulshada ku nool gobolada kale ee Somaliland iyo sida uu u maarayn doono xisbiga Kulmiye  ee loo baahnaa  inuu ka fogaado aragti beeleed oo uu guul ku hanan karo.

Ugu dambayntiina dad badan oo reer Somaliland ah ayaa isweydiin karaya saamaynta ay arrimaha noocan ah oo kala ahi u yeelana karaan xisbi la doonayo inuu beddelo maamulka haatan ee ay  xisbiyada mucaaradku ka sheegayaan  dib u dhaca dalka, horumar la'aanta, busaaradda iyo shaqo laanta, mar haddii siyaasadiisu ku qotonto arrimo beeleed oo aanay ku qotomin arrimo qaran.