|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2162 | October 05,2009 Shawal 16,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shantii Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ee Hadhsanaa Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay Inay Is Casileen “Waa La Dhabqiyey Waxay Ahayd Komishanku Hay’ad Madaxbanaan Ninkaad U Garsooraysa Haddii Uu Noqdo Talada Inuu Wax Ku Yeesho Garsooruhu Waxba Ma Garsoori Karo” Maxamed Yuusuf Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Shan xubnood oo ka mid ah komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in shaqadii xubinimada komishanka doorashooyinka ay ka hayeen ay iska casileen halka ay labada xubnood ee kale ee todabada xubnood ka mid ahaana ay maalintii doraad iska iscasileen xubinimada komishanka doorashooyinka ka dib markii dhawaan heshiiskii beesha caalamku ay kaga soo talo bixisay khilaafka siyaasadaeed ee ka dhashay dibu dhaca doorashada madaxtooyada Somaliland oo ka koobnaa lix qodob oo uu ka mid ahaa qodobka bedelaada komishinka doorashooyinka islamarkaana gudoomiyayaasha saddexda xisbi qarana wada sexeexeen. Xubnahan ayaa shalay iscasiladooda kaga dhawaaqay xarunta komishanka doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo kala ahaa gudoomiye Jaamac Maxamuud Cumar (J/Sweden), Maxamed Yuusuf Axmed, Maxamed Ismaaciil (Kabo weyne) iyo Cali C/llaahi Biikalo. Xubnahan oo qaar ka mid ahi ay shalay gooni gooni ugu qabteen shir-saxaafadeed ku saabsan iscasilaadooda xarunta komishanka ayaa ugu horayn Maxamed Yuusuf Axmed uu sheegay sababta iscasilaadiisa waxanu yidhi “waxaan jecelahay inaan xubinimadii komishanka doorashooyinka qaranka iska casilay, markii hore waxay ahayd oo aan kuwada heshiinay in anagoo isu dhan marka ay waxa official ahi ka soo baxaan ee auy noo keenaan inaanu mar is wada casilo, laakiin laba xubnood oo komishanka ka mid ahaa ayaa naga degdegay markaa waxay nagu noqotay uun anagii inaan meesha sii fadhiyi kari wayno ayaa ii muuqatay markaa maadaama iyagu ay sicasileen shalay (doraad) inaan anna maanta (shalay)aan raaciyo casilaadiioo aan u fududeeyo xubnaha cusub si ay gudoomiyayaasha saddexda xisbi ay u soo xushaan, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa oo dalka u rajaynayaa nabad galyo iyo mustaqbal fiican iyo barwaaqo iyo inay doorasho xor iyo xalaal ahi ay ka dhacaan Ilaahayna hawsha u fududeeyo komishanka cusub ee meesha imanaya” Sisaaas ayuu yidhi, intaa ka dib Su’aalo saxaafadu weydiisay Maxamed Yuusuf iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhacaan sidan S. Miyaan la odhan karin kalsooni darada intaa leeg ee shacbiga reer Somaliland ay ka kasbadeen komishanku waxa sababtay laalistii aad diiwaangelinta laaleesheen iyadoo aydaan cidna kala tashanin aad go’aankaas gaadheen? J, Taa diiwaangelinta kalsooni daro anigu uma arko, waxaan u arkaa runtii inaan xilkayagii gudanay maanta maalin aan ahayna way cadaan doontaa. Hore waxaan u sheegay diiwaangelintu inaanay hirgalaynin, taasina mid cadaatay weeyaan oo maanta mid muran ka jooga maaha, diiwaangelintan mid haadasan oo si fiican look ala saaray maaha waxa ka dhacay dalka qof waliba waa ka dheregsan yahay oo wax rafa badani khaldan yihiin. Go’aankii aan gaadhanay ilaa imika anigu inaan qabo oo kaas oo kaliyi inuu noo suurto galayo ayaan anigu ilaa imika qabaa, go’aankaanu qaadanayna maaha mid kalsooni daro aan ku kasbanay waa mid aan waajibaadkayagii ku gudanay. S. Khilaafkii siyaasiga ahaa ee dalka hadheeyay waxa sabab u ahaa baa la leeyahay komishankiina oo waajibaadkii saarnaa lumiyay islamarkaana sal u ahaa murankii sharci ee dalka ka aloosmay, maxkamad in arrinkaas la idinku soo taago haddii ay dhacdo diyaar ma u tihiin? J. horta wax walba diyaar baa loo yahay waayo xil baa la qabtay, waa la dhabqiyey waxay ahayd komishanku hay’ad madaxbanaan ninkaad u garsooraysaa haddii uu noqdo talada inuu wax ku yeesho garsooruhu waxba ma garsoori karo , hayaddihii lacagta bixinayey hawsha sidaan u fulnayaynay waxay noqotay consas haddii lagu yidhaahdo laba nin oo cadaalad aad u garsooraysid taladii bay wax ku leeyihiin oo wax ka wadagayaan taladaad gaadhaysaa maxay noqonaysaa, talo ma gaadhaysid. Waxa weeyaan hay’ad la nuxur siibay oo deeqbixiyayaashu ay nuxur siibeen oo aan u madaxbanaanayn hawsheeda oo cidhiidhi dhaqaalana hayay ay noqonaysa, hawl aanay lahayna oo dadkii loo garsoorayayna hawshii ayay dhabqiyeen oo ay faraha la soo galeen markaa ninka garsooraha ahina waxba ma qaban karayn. Intaa ka dib ayaa gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar (J/Sweden) uu isaguna ku dhawaaqay is-casilaadiisa isaga oo arrintaas hadal kooban ka bixinayaana waxa uu yidhi “waxaad la socotaan beryahan dambe Somaliland waxa ka socday hawlo ku lug leh khilaafyadii ka dhashay diiwaangelintii oo xisbiyada qaranku tiiyoo beesha caalamku dhexdhexaadinayso ay heshiis gaadheen, heshiiskaas komishanka qaranku bilowgiiba markii ay hawshaasi soo baxdayba in xageeda aan waxba ku xidhmin oo hawli ku habsaamin way naga go’nayd komishanku waa hay’ad qaran nidaam baa loo maraa laguna celiyaa laakiin arrintan imika anagoo dhan baanu ka tashanay oo aanu eegnay meesha waayaheeda waxaanu isla meel dhignay in maanta wax anagu aanu hakin karno aanu jirin kolkaa guud ahaan waxa weeyaan haddii maanta wax la baadh-baadho oo dambiya aanu jirin. Markaa anagu wax aanu hakinaynaa ma jiro. Waxaanan Ilaahay ku mahadinayaa habsan kastaa ha dhaco ee intaa aanu joognay meesha tiiyoo balaaya dhacday la leeyahay jirin oo nabad qab baanu kaga tagaynaa haddii xagayaga wax habsaameen qadarku waa ka Ilaahay oo taladiisa noqotaa anagu wax uun baanu islahayn hagaajiya. Sidoo kale gudoomiye ku igeenkii komishanka doorahooyinka Cali C/llaahi Biikolo ayaa isaguna ma uu xalay khadka Teleopone-ka nagula soo xidhiidhay si rasmiya shaaca uga qaaday inuu iska casilay xubinimadii komishanka doorashooyinka, isagoo intaa kudaray inuu go’aankaasi ku qaatay maslaxada heshiiska laga wada gaadhay bedelaada komishanka isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Anigoo aan iman saaka ayaa waxaan door-biday inaan halkan idiinka sheego inaan gebi ahaanba xilkii iyo xubinimadii komishanka si rasmiya iskaga casilay, anigoo tixgelinaya heshiiska la gaadhay, jecelna inaanan ka hor iman wixii maslaxada ee la gaadho markaa waxaan go’aan go’aansaday oo aan ku qancay inaan ka tanaasulo si loo soo magacaabo komishan cusub. Sidoo kale waxa isagana la sheegay in uu iscasilaad ku dhawaaqay Hoori Xasan Cumar Hoori, oo ka mid ahaa xubnaha komishanka hore. |