Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2162 October 05,2009                                   Shawal 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Golaha Wakiilada Oo Si Degdeg Ah Isugu Iman Doona Kalfadhi Aan Caadi Ahayn

Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Golaha wakiilada Somaliland oo dabayaaqadii bishii hore ee September 2009 galay muddo fasaxa oo laba bilood ah ka dib markii uu soo gabagaboobay kalfadhiyadii aan caadiga ahayn ee muddada labada bilooda ay ku guda jireen ayaa waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in sabtida todobaadka soo socda u goluhu isugu iman doonaan kalfadhi aan caadi ahayn oo la sheegay inay ku ansixin doonaan todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka ee la filayo in labada maalmood ee soo socda ay si rasmiya u soo magacaabi doonaan madaxweyne Rayaale, golaha guurtida, labada xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid, kuwaas oo todobaadkii hore isla qaatay mawqif ku jihaysan bedelaada xubnaha komishankii hore ee doorashooyinka oo dhamaantood is wada casilay ka dib markii ay ka war heleen in madaxweyne Rayaale iyo axsaabta mucaaridkuba ay go’aan ku gaadheen in la bedelo komishankaa hore ee doorashooyinka lana soo dhiso xubno komishan ah oo dhamaantood wada cusub ka dib markii ay axsaabta mucaaridku ku dureen dhaliilo ku waajahan xil gudasho la’aan, wada shaqayn la’aan iyo musuqmaasuq islamarkaana ay soo magacaabaan todoba xubnood oo bedela komishankaas hore.

Inkasta oo aanay si rasmiya ugu dhawaaqin shirgudoonka iyo madaxweyne Rayaale toona muddada ay golaha wakiiladu soo geli doonaan kalfadhiga aan caadiga ahayn hadana ilo u dhuundaloola golaha wakiilada iyo qasriga madaxtooyadu ayaa waxay xaqiijiyeen in madaxweyne Rayaale maalmaha soo socda golaha wakiilada u gudbin doono magacaabista todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka si ay wakiiladu uga gutaan waajibaadkooda ansixinta iyo xalaalaynta xubnaha komishanka doorashooyinka ee la soo magacaabay, bedelina doona komishanka hore ee dhamaanba xilkii komishanimo iska wada casilay, waxaanay ilahaasi intaa ku darayaan in shirgudoonka wakiiladu berito ogaysiis wargelin ah isugu yeedhi doonaan mudanayaasha golaha wakiilada.