|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2162 | October 05,2009 Shawal 16,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wasiiro Ka Tirsan Dawladda Sheekh Shariif Oo Sheegay In Aanay Awoodin Inay Iska Caabiyaan Mucaaradka Muqdisho, October 5, 2009 (W.Wararka) - Wasiirka arimaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan Dowladu waqtigan awood ulahayn inay ladagaalanto oo ay iska caabiso kooxaha mucaaradka ku ah ee ladagaalamaya.Hadalkan ayuu kusheegay C/qaadir Cali Cumar wasiirka arimaha gudaha mar uu wareeysi siiyey wakaalada wararka ee Rueters waxaana uu tusaale usoo qaaday taageerada ay kooxaha ay kasoo horjeeda ee ladagaalamaya kahelayaan dowladaha shisheeye iyo shaqsiyaadka aan dooneyn in Soomaaliya ay Qarannimadeedii dib usoo ceshato sida uu wasiirku hadalka udhigay. “Dowladu taageeradii ay uga baahnayd aduunku si dhab ah oo ficil ah ugama aanay helin marka laga reebo balan qaadyo afka ah kooxaha kuxiran argagixisada aduunkuna maalin walba iyo xili walba waa ay helaan taageero marka isku awood ma noqon karno”ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka arimaha gudaha C/qaadir Cali Cumar. Ugu dambeyntii wasiirka arimaha gudaha waxa uu caalamka ugu baaqay taageero deg deg ah oo ay lasoo garab istaagaan Dowlada Federaalka si ay halkeedii uga sii ambaqaado qorshooyinka ay dhabaha ugu xaareyso wadiiqooyinka nabad kusoo dabaalida dalka . Hadalkan kasoo yeeray wasiirka arimaha gudaha DFKMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed horey usheegay in hadii dowladu aanay helin taageero deg deg ah ay awoodeeda wiiqmi karto. |