|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2162 | October 05,2009 Shawal 16,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dowlada Sheikh Shariif Ah Oo Eedeyn Kulul U Jeedisay Telefishanka Caalamiga Ah Ee Al-Jazeera Muqdisho,(WNT):-Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta si kulul u eedeysay TV-ga Afka carabiga ku hadla ee Al-jazeera kaasi oo xaruntiisu tahay dalka Qadar. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar dalxa oo maanta la hadlayay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in TV-ga Al-jazeera qeyb weyn ka qaadanayo mushaakilaadka ka taagan dalka Soomaaliya. "TV-ga Al-jazeera runtii ma ahan mid ka shaqeeya warbaahin oo kali ah balse waa mid hurinaya dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya"ayuu yiri Porf Dalxa. Gudoomiye ku xigeenka ayaa tusaale u soo qaatay in TV-ka in uu buun buuniyo dagaalada kooban ee kooxaha dowlada ka horjeeda ku soo qaadaan fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Muqdisho. "bal eeg hadii kooxaha dowlada ka horjeda 5-daqiiqo dagaal ah ku soo qaadaan fariisimada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku soo qaadayaan waxay ka dhigaan wararka ugu horeeya oo maalintaasi daayaan"ayuu si kulul u yiri Prof dalxa. Prof Dalxa ayaa intaasi ku daray in xiligii Madaxweyne sheekh shariif uu ka mid ahaa xoogagii dowladii C/llaahi Yuusuf ka horjeeda TV-ga Al-jazeera ka dhigtay 10-Hogaamiye ee ugu caansan aduunka. "Madaxweyne sheekh shariif markii uu ka mid ahaa shaqsiyadkii ka soo horjeeday dowladii C/llaahi Yuusuf Al-jazeera si weyn ayay u buun buunin jirtay kuna sheegi jirtay in uu ka mid yahay 10-ka hogaamiye ee aduunka ugu caansan,haatan markii uu noqday madaxweyne dacaayad ayay la daba kaceen"ayuu yiri dalxa. Waa markii ugu horeysay oo dowlada Madaxweyne sheekh shariif eed sidan u kulul u jeediso TV-ga Al-jazeera oo ka mid ah Talafashinada ugu caansan Aduunka. |