|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2162 | October 05,2009 Shawal 16,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sideed Ciidamada Maraykanka Ka Mid Ah Oo Lagu Dilay Afghanistan Kabul, October 5, 2009 (W.Wararka) – Sideed ka mid ah ciidamada maraykanka eek u sugan dalka Afgansitan ayaa lagu dilay weerar ay soo qaadeen Xoogaga Talibanka, kaas oo lala beegsaday qarax lagu hagayey aalada remote-ka.Weerarkan ayaa lala beegsaday tiro ka tirsan ciidamada maraykanka ka jooga dalka Afghanistan, waxaana halkaasi ku nafwaayey siddeed askari oo Amerikan ah, weerarkan ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa muddo sanad ka badan, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay ciidamada maraykanka. Masuuliyiin Gobol oo ka tirsan xukuumada Afghanistan ayaa iyana dhankooda sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray isla markaasina isgaadhsiinta oo ka go’day aawadeed aanay garanayn duruufaha ay ku jiraan ciidamadoodii dhimasho iyo nolol midkood. McChrystal oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afghanistan oo hada hogaamiya tiro lagu qiyaasay in ay ka badan tahay 100,000 boqol kun oo askari ayaa dhawaan dalbay in ciidamo dheeraad ah lala soo gaadho hadii kale lagu guuldaraysan doono dagaalka siddeed jirsaday ee ka socda dalka |