Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2162 October 05,2009                                   Shawal 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Jawharada Qoyska

Buug Xiiso Badan Oo Uu Qoray,Barre Aduunyo

GUURKA:-

llahay koreeye oo nasahane (Swt) markii uu abuuray samooyinka iyo dhulka Iyo makhluuqa malaa’iigta iyo jinka ayuu u sheegay inuu samaynayo abuur cusub oo ah jaanka (binu aadamka) si uu u noqdo qoomkaasi wakiilkii ilaahay ee arlada u joogay. aadamaha ilaahay ayaa karaameeyay. Ninka ragga ah ayaa ka ugu sareeya uguna mudan makhluuqa dunida ku nool waana sababta illaahay ugu xil saary aduunyada maamulkeeda, diinta islaamkuna waxay u aqoonsantahay dadka in uu yahay wakiilkii illaah ee dhulka u joogay. Aayada 30 aad ee suuratu baqara illaahay (Swt) wuxuu ku yidhi Markuu aadan abuuray “arlada waxaan u yeelayaa wakiilkii illaahay”.

Aayadaasi waxay cadaynaysaa in binu aadamku yahay wakiilkii illaah ee runta ahaa, waana cida kaliya ee hor joogsan karta xaqdarada ku dhacaysa wixii taagta daran. Sababtoo ah ilaahay waxuu u habeeyey dadka inay noqdaan wakiilkiisii isagoo ku abuuray sifooyin uu ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waxan iskaga difaaco sida caqliga, cilmi quudashada iwm, kuwaasoo ah heerka ugu sareeya wixii la abuuray ee dhulka joogay. Illaah wuxuu awood u siiyay dadka in uu ka hor tago wixii dhib ah ee soo food saara naftiisa iyo deegaankiisa.

The opening book of the bible says:

 

“ it is not good for the man to continue by himself. I am going to make helper for him as a complement of him. ”(genesis 2:18)

Hadaba markii la abuuray aabaheen aadan waxa feedhiisa bidix laga sameeyey lamaantiisii xaawa Waxaana la dajiyay janada abuurta aadamahna waxa la kowsatay nolosha guurka iyo qoysnimada. Arintaas oo ka markhaati kacaysa qofna kali ahaantii in aanu ka gudbi Karin marxaladaha kala duwan ee dunida isla markaana aanu kaaftoobi Karin iyadoo aanu la wadaagin dhigiisa, waana dhaqan uu u sameeyay abuurka noolaha in uu weheshado qayrkii. Aadmiguna sidaas ayaa tarankiisu iyo noloshiisu ka unkantay lab iyo dhidig arintaas oo noola kastaa xaalkiisu yahay arbaha iyo qalanjada, aarka iyo goosha heliyo iyo haaruun, atoorka iyo sakaarada ilaa la soo gaadho diiga iyo digaagada iyo cayaanada ka sii yaryar sid qudhaanjada xaalkaas ayaa jiritaankii ab iyo isirku ku sii socda ab iyo abkii. fac iyo fircoonkii.

How happy adam was for receiving this beautiful gift from the creator

Genesis 1:26:28, 2:23

GUURKII AABEHEEN AADAM:-

Illaahay (Swt) markii uu Aadam (Cs) abuuray ee uu indhaha kala qaaday ayuu carshiga eegay oo uu arkay magaca Maxamed (Nnkh) oo carshiga ku qoran, markaasuu yidhi rabiyoow ma qof igaga kaa mudan ayaa jira? Wuxuu yidhi haa oo nabiga magacan leh oo ka mida wiilashaada ayaa igaga kaamudan, hadaanu isagu jirina maan abuureen samooyinka iyo arlada iyo janada iyo naarta toona.

Markuu illaahay (Swt) aadam feedhiisa ka abuuray Xaawa ayuu indha saro u qaaday markaas ayuu arkay qof abuurista shabahaya. Hamadana wuu u sii yeelay Markaas ayuu yidhi rabiyoow waa tuma? Wuxuu yidhi waa xaawa, Wuxuu yidhi ii guuri? Wuxuu yidhi meherso (Meherkeedii) Wuxuu yidhi waa maxay meherkeedu? Wuxuu yidhi inaad ku salido ka magacaa leh 10 jeer, Wuxuu yidhi hadaan yeelo waad ii guurinaysaa? Wuxuu yidhi haa, markaas ayuu ku saliyay Maxamed (Nnkh) Toban jeer kaasoo ahaa maherkii xaawa uu ka bixiyay.

Eeg kitaabka: Sacaada ( Sheekh Yuusuf Al-nabhaani)

GUURKA AAN LA OGOLAYN:-

Isku dhawaanshaha dhiigga iyo cilaaqaadka guurku uu ku sii fidayo wareega xaaska kuwa wareegaasi isugu imanaya waxay shareecadu u qortay inuu wanaag dhex maro oo ay noqdaan kuwa is gargaarsada oo ay u yaalaan qawaaniin sugani. Qawaaniintaa waxa ka mid ah, waxay shareecadu xarintay in uu guur dhex maro ragga iyo dumarka uu cilaaqaad isku dhawi ka dhexeeyo sida:-

Hooyada iyo wiilkeeda

-           Aabaha iyo inantiisa

-           Ninka hooyada iyo inanteeda

-           Walaalka iyo walaasha dhalmada

-           Walaalka iyo walaasha nuugmada

-           Adeerka iyo inanta walaalkii dhalay

-           Ededa iyo inanka walaashii dhashay

-           Habaryarta iyo inanka walaasheed

-           Hooyada naagta iyo ninka inanteeda

-           Aabaha ninka iyo naagta inankiisa

 

Faa’iidada ku jirta xarantimaynta waa in ragaas iyo dumarka caynkaas ahi uu noqdo xidhiidhkoodu mid adag oo nadiif ah oo ay isku dhex galaan si kalgacal iyo walaalnimo ku dhex jirto.

 

PROHIBITED MARRIAGE:-

Marriage between those persons who have naturally and concomitantly the closest association and affiliations with each other have been prohibited

Marriage is forbidden between

-           Mother and son

-           Father and daughter

-           Step father and step daughter

-           Step mother and step son

-           Brother and sister

-           Foster brother and foster sister

-           Paternal uncle and his niece, aunt (father’s or mother’s sister) and her nephew. Maternal uncle and his niece, Mother-in-law and her son-in-low, And father-in-law and his daughter-in-law.

This prohibition strengthens the bonds of the family and makes relations between these relatives absolutely pure and an un alloyed, and they can mix with each other with out any restraint and with sincere effection

Lasoco………………………….