Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2162 October 05,2009                                   Shawal 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Haddii Aad Candhuuf Ku Tufto Suuqyada Nairobi Xabsiga Iska Dhex Eeg

Sharcigaan oo ah mid cusub isla mar ahaan taana lagula dagaalamayo dadka dhaqamada xun xun la taga  Magaaladda (Town) oo ah halka ugu muhiimsan ee  Ganacsiga Nairobi ka kala socdo, ayaa waxa shaaca ka qaaday Golaha Degaanka Magaaladda Nairobi sida  lagu xusay Bogga hore ee wargeyska  Taifa Leo ee ka soo baxa dalka Kenya.

Wargeyska  Taifa Leo ayaa jimcihii  boggiisa hore uga warka ugu weyn ka  dhigtay Shircigan oo ahaa mid xiiiso gaar ah xambaarsanaa isla markaana dadku ay aad ula yaabanaayeen waxana Cinwaan looga dhigay (Ukitema Mate Utajipata Jela),oo macnaheedu marka Soomaali laga dhigo noqonayo Haddii Aad Tuftid Candhuuf  Waxaad Isku Arkaysaa Xabsiga Dhexdiisa.

Shircigan ayaa waxa lagula dagaalamayaa dad la sheegay inay si sharci daro ah xilliyadda ay marayaan magaaladda ugu kacaan waxyaabo Khalad ah isla markaana dhaqan xumo xambaarsan, waana dadka Magaaladda dhexdeeda si aan ka fiirsasho lahayn isaga tufa Candhuufta nooceeda fudud iyo ta  Culusba iyo kuwa iska siimiya  duufka masar  la'aan oo gacmahooda adeegsadda.

Waxa sidoo kale  lagu xusay warbixinta in aan la ogolayn in magaaladda dhexdeeda uu qof Cod dheer ugu hadlo Taleefoonka Gacanta lagu qaato(mobile),iyo in dadka ka hawl gala Gaadiidka Dadweynaha ay Qayladda joojiyaan xilliga ay rakaabka qaadayaan hoonkana ayna  bataatan adeegsan karin.

''Waxan Qayladda Ugu Tiirsanahay Si An u Helno Risiqa  Maalinkasta.Hadda Maxaan Cunaynaa Haddii La  Yidhaahdo Joojiya Qayladda” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah gaadiidleyda reer Nairobi.

Sharcigan ayaa ah mid xambaarsan Xabsi iyo ganaax lacageed,iyada oo  dadka waxyaabahaas caadaystay inay ku dhaqmaan ay noqonayso inay xilliga ay suuqa tagayaaan  jeebkooda ku hubsadaan lacag gaadhaysa 2,000 Shillin Kenya ah.