Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2165 | October 08,2009 Shawal 19,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shaqaalaha Iyo Hey’adaha Gacanta Ku Haya Cusbitaalka Madiina Oo Xaalad Adag Ka Soo Wajahday Waraaqo Digniin Ah Muqdisho, October 8, 2009 (W.Wararka) - Shaqaalaha Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayay soo wajahay xaalad cabsi iyo argagax leh oo dhinaca shaqadooda ah ka dib markii shalay subax waraaqo digniin ah loo daadiyey, iyaga iyo hay’adaha gacanta ku haya maamulka Isbitaalkaasi.Warqaddahan digniinta ah oo aan la ogeyn ilaa hadda cida ka dambaysa waxa ku dul sawirnaa bambooyinka qarxa iyo bastoolado waxaana lagu sheegay in isbitaalka madiina uu noqday goob lagu daweeyo wax loogu yeedhay ciidamda Dowlada Ridada. Dr. Max’ed Yuusuf agaasimaha isbitaalka Madiina ayaa sheegay in warqadahani aanay garaneyn cid soo daadisay, taas oo uu sheegay inay si aad ah ugu xumaadeen dhamaan shaqaalaha cusbitaalka oo uu sheegay in habeen iyo maalinba ay u taagan yihiinla tacaalida dadka rayidka ah ee dagaalada ku soo dhaawacma, waxaanu intaa ku daray in shaqaalaha qaarkood uu khal khal xoogan ku yimid kadib markii ay arkeen waraaqahaasi digniintu ay ku qoran tahay. Sidoo kale qoraaladan ayaa waxa digniin loogu jeediyey hay’adaha dhinaca dawooyinka ka caawiya cusbitaalka gaar ahaana hayadda ICRC iyo hay’ado kale oo ka howlgal dalka Qadar oo dhowaan cusbitaalkaasi ku caawisay dawooyin iyo dhakhaatiir ka qeyb qaata daweynta dadka ku soo dhaawacma dagaalada iyo duqeymaha ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga digay inay sii wadaan kaalmada ay siiyaan cusbitaalka Madiina. Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ah cusbitaal la geeyo dhaawacyada ugu badan ee dadweynaha ku soo waxyeelooba dagaalada iyo duqeymaha joogtada ah ee ka dhaca magaalada marka loo eego labada cusbitaal ee kale ee dayniile iyo Keysanay oo masaafo ahaan waxoogaa ka baxsan gudaha magaalada Muqdisho mana cada saameynta waraaqahani digniinta ah ay ku yeelan doonaan howlihii caafimaad ee uu cusbitaalkaasi qaban jiray. |