Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2175 | October 20,2009 Shawal 01,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Diyaarad Nooca Wax Basaasta Ah Oo Lagu Soo Riday Kismaayo Iyo Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Halkaasi Kismayo, October 20, 2009 (W.Wararka) Diraarad nooca wax Basaasta ayaa lagu soo riday deegaanka magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, Sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Islaamiga magaalada Kismaayo.Diyaarad lagu sheegay inay tahay nooca wax basaasta ah oo aan duuliye lahayn ayay xoogaga Al-shabaab shalay ku soo rideen magaalada Kismaayo, kuwaas oo intaa ku daray in soo ridista diyaaraddan ay u adeegsadeen hubka lidka diyaaradaha, iyagoo xusay inay ku dhacday dhinka Badda xigta dekadda magaalada Kismaayo, halkaas oo ay dul heehaabaysay. Waqooyiga magaalada Kismaayo ayay dadka degani sheegeen inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha, inkastoo ay sheegeen inaysan arkin diyaarad la soo riday, balse ay ka dhagaysteen Idaacadda magaalada Kismaayo ee ku hadasha codka maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo. Dhanka kale gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa dil qorshaysan lagu dilay nin ganacsade caan ka ah magaaladaas oo lagu magacaabo jiray Maxamuud Dirir. Dilka ganacsadahaasi oo salaaddii duhur kadib ay geysteen kooxo hubaysan oo wejiga soo duubtay ayaa waxa sidoo kale lala dilay nin waardiye u ahaa, iyadoo dilkiisa lagu sheegay mid qorshaysan. Ganacsadahaas la dilay ayaa la sheegayaa inuu dhawaan ka yimid dalka Itoobiya soona maray dalka Kenya, isagoo ku sugnaa magaalada Kismaayo muddo afar maalmood oo qudha, lama oga sababta loo dilay, inkastoo dilkiisa la sheegayo inuu xiisad ka abuuray deegaanadaasi. |