Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2180 | October 26,2009 Dul-Qacda 07,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Gudoomiyaha Ucid Oo Laanta Afka-Soomaaliga Ee Voa Ku Eedeeyay Inay Somaliland Ay Ku Wado Barobagaandooyin Ka Dhan Ah, Kana Digay Khatar Ka Soo Fool Leh Airport Laga Macmalayo Buuhoodle “Madaxweynuhu Waxkastoo La Wada Leeyahay Waxa Uu Iska Jecel Yahay Inuu Yidhaahdo Kaliday Baa Iska Leh, Aduunka Laguma Arag Todoba Qof Todoba Qof Oo La Yidhaahdo Codad Siman Baa Lagu Ansixiyey” Gudoomiyeha Ucid Faysal Cali Waraabe Hargeysa October 26, 2009 (Haatuf)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa laanta afka Soomaaliga ee Idaacada VOA-da ku eedeyay inay Somaliland ka faafinayso barobagaandooyin lagu minjo-xaabinayo shacabka ku dhaqan Sool iyo Sanaag bari, oo tilmaamayna in deegaanadaasi ay ka abuurayso muran iyo xiisad siyaasadeed. Isagoo dhinaca kalena uga digay in dib loogala noqon doono ruqsadii loo siiyay mawjada MF-ta ee VOA-da ee dhawaan laga furay Caasimada Hargeysa haddii ay ka wantoobi waayaan barnaamijyada ay ku shgaki galinayaan shacabka reer Somaliland ee gobolladaasi ku dhaqan. Waxaanu sidoo kale dignin culus ka bixiyay madaar dhismihiisa dhawaan laga bilaabay degmada Buuhoodle oo la sheegay inay samaysanayaan kooxdii dhawaan ku shirtay magalada Nairobi ee dalka Kenya ee ka soo jeeday degaamada Sool iyo Bariga Sanaag iyo Buuhoodle, oo iyagu sheegay inay Somaliland ciidamadeeda ka xorayn doonaan deeganadaasi.. Waxa kale oo uu gudoomiyaha Ucid dhaliil u soo jeediyay codadkii sinnaa ee 65 mudane ee wakiiladu maalintii doraad ugu wada meelmariyeen xubnaha komishanka cusub, oo uu ku tilmaamay in golaha wakiiladu aanay si dhamaystiran u kala shaandhaynin xubnaha loo gudbiyey, isagoo intaa ku daray in wakiiladu waajibkoodu ahaa in xubnaha la hor geeyo ay si cadaalada uga fiirsadaan ansixinta xubinimadooda, kuna baaqay in komishanka cusubi ay si madaxbanaan ay dhexdooda iskaga doortaan qofka ku haboon hogaamintooda ee la macaamili kara beesha caalamkana, waxanu ka digay in kooxaysi iyo dano gaar ah ay ugu kala baxaan. Guddomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka xog-waraysi khaas kula yeelanay, ayaa isagoo ka hadlaya barnaamijyada doodaha laanta afka soomaaliga ee Idaacada VOA-du baahiso ee ku wajahan gobollada Sool iyo Sanaag bari, waxa uu yidhi “wixii halgan ah ee loo soo maray xorayntii dalkan oo nafo badan oo dhimasho ah loo soo huray ayaa waxaa la doonayaa in labadii gobol ee Sool iyo Sanaag ee gobollada waaweyn ee Somaliland la rabo in af la inagaga qaado oo idaacado International ah loo samaystay si ummada loogu jahawareeriyo, waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa laanta afka soomaaliga ee idaacada VOA-da, oo haddii ay joojin waydo barobagaandada ay ka wado Somaliland waxaanu u sheegaynaa inaanu dalkayaga ka eryi doono FM-tii ay dhawaan ka furteen caasimada, umaanu ogolaan mawjada FM-ta VOA-da in Somaliland gudaheeda lagaga dumiyo oo barobagaando lagaga furo, waxaanu moodaynay in waxtar loogu keenay Somaliland FM-ta lagu rakibay, hadase waxa cadaatay in idaacadaasi loo furtay in Somaliland lagu waxyeeleeyo oo ashkhaasta meeshaasi joogtaana uu ninba wuxuu doono ka sii daayo oo maalinkasta ay ka baahiyaan gacan ku dhiiglayaashii ka tirsanaa rajiimkii Siyaad Barre ee dadka Somaliland xasuuqay ay waraysiyadooda ka sii daayaa, waxaanu u sheegaynaa in gobolladaasi Sool iyo Sanaag aanay dhibaato ka taagnayn oo ay yihiin Somaliland, shakhsiyaadka jooga Nairobi-na aanay matalin bulshada reer Somaliland ee degan Sool iyo Sanaag bari wax mushkilad ah oo ka jirtaana aanay jirin, waxaanu uga digaynaa gaar ahaan wariye C/raxmaan Caynte oo barnaamijkaas caadaystay inuu ka waantoobo barobagaandaha uu ka faafiyo Somaliland” Dhinaca kale gudoomiyaha Ucid waxa uu saluug weyn ka muujiyey doodii shalay barnaamijkaas ee laanta afka soomaaliga VOA-da ay shalay galab baahisay inuu ka qaybgalo wasiirka cadaalada ee Somaliland Axmed Xasan Cali Casoowe, oo uu sheegay inaanay haboonayn in wasiirku ka qayb galo doodaha lagu jahawareerinayo gobollada Sool iyo Sanaag bari ee laga sii daayo idaacadaas, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasirka cadaaladu Casoowe inkastoo uu yahay shaqsi aan ixtiraam u hayo hadana may ahayn inuu ka qaybgalo doodaha xaalad abuurka ah ee lagu aloosayo mushkilado aan ka jirin gobollada Somaliland ee Sool iyo Sanaag bari” Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayay madaarka la sheegay in laga macmalayo magaalada Buuhoodle ee ay ka dambeeyaan ashkhaas uu hogaamiye u yahay garaad Jaamac Garaad Cali iyo kooxdii dhawaan ku shirtay Nairobi oo la sheegay inay dhawaan ka soo dagi doonaan madaarkaasi ayaa waxa uu yidhi “Airport-ka laga samaynayo magaalad Buuhoodle oo la sheegay inay ka soo dagi doonaan kooxda uu hogaamiyo garaad Jaamac Garaad Cali ee dhawaan ku shirtay Nairobi waa arrin khatar ku ah qaranimad Somaliland, haddii ay dhacdo in kooxdaasi ay kasoa dagto Buuhoodle waa in madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu ay xilka iska casilaan, maxaa yeelay Somaliland gudaheeda haddii laga samaysto Airport ay ka soo dagaan dadka ka shaqaynaya duminta Somaliland suurto-gal maaha, waana arrin u baahan in si dhakhso ah looga hortago, haddii ay xukuumada Somaliland ka hortagi waydana wa in gebi ahaanba dawladu is casisho, si ay ummadu u difaacato qaranimadooda. S. Buuhoodle waxa lagu tilmaamaa meel aan maamul adag oo Somalilnd ahi ka jirin arrimahaasina waxa lagu sababeeyaa arrimaha in maamulka Somaliland diciif ku noqdo, arrimahaasi sideed u aragtaa? J. Somaliland muddadii ay jirtayba ciidamo iyo maamulo ayaa jiray mushahar ku qaadanayay, cidan aan ka yarayn 350 askari badhasaab iyo maayar ku magacaaban deegaankaasi ayaa mushahar ka qaata Somaliland mana aha in ummada la khiyaameeyo, oo marna la yidhaahdo gobol banu ka dhignay buuhoodle marna ay noqoto meel cadowga Somaliland saldhig ka dhigto sidaa darted waxaanu leenahay hadaanu madaxweyne Rayaale ka difaaci karayn Somaliland cadowga ku soo dhuumanaya dalka gudahiisa waa in isaga iyo xukumadiisu-ba ay ummada amaanadeeda u soo celiyaan xilkana iska casilaan, si ay shacabku markaasi u difaacdaan qaranimadooda S. Komishanka la ansixinayo ee wakiiladu codka siman ku meelmariyeen sided u aragtaa? J. Baarlamaanku waxay ahayd hadaanu waxba kala shaandhayn madaxweynuhu xaq buu ku taagnaa leeyahay inuu wax kala shaandheeyo xataa qaarkood may dhaafeen xaga da’dooda haddii la kala shaandhayn lahaa, haddii la ansixyeyna waa inay doortaan aqoon iyo cida uu caalamku la macaamili karo, hadayse isku doortaan Group-o sidii kuwi hore oo laba qof ay afka isa saaraan hawshooda warab baa geli doona, waa in ay gudahooda iyagu iska dhex doortaan cida ku haboon hogaamintooda, oo aanay cidi ku faro-gelinin. S. Ma-qaar da’doodu ka weyn tahay 60 jir ayaa ku jira baad leedahay xubnihii komishanka ee la ansixiyey? J. Aduunka laguma arag xubno baarlamaan la horgeeyay oo lagu wada ansixiyay cod dhan 65 cod isku wada mida, waxaana cajiiba todoba qof oo aan midna laga soo sheegin wax yar oo dhaliila oo la wada yidhi mid kaliyana dhaliil waa laga waayay S. Komishankii hore waxa lagu dhaariyey qasriga madaxtooyada, madaxweyne Rayaale oo kaliya ayaa goob-joog ka ahaa, oo isagu sheegay inuu waajibaad u leeyahay inuu goob-joog ka ahaado labadiina hogaamiye xisbi mucaaridna kamaydaan soo xaadirin, ma ka qayb galaysaan dhaarta Komishanka cusub? J. Madaxweynuhu waxa uu iska jecel yahay waxkastoo la wada leeyahay inuu yidhaahdo aniga kaliday baa leh, komishankuna maaha wasiiro uu magacaabay isagu oo la dhaarinayo, balse waa nimankii dhexdhexaadka nooga noqonayay taramayaashayada ku tartamaya doorashada madaxtooyada, waana waajib inaanu saddexdayada gudoomiye xisbi-ba aanu goob-joog ka wada noqono munaasabada lagu dhaarinayo komishanka cusub. |