Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2186 | November 02,2009 Dul-Qacda 14,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Somaliland: Dal Ay Ku Nool Yihiin Dad Ka Soo Horjeeda Qaranimadeeda C/Rasaaq Sh.Cali Askar Qarannimada iyo xorriyadda aynu maanta ku naaloonayno maaha mid dhayal innagu soo gashay . waxaa u god galay kumanaan muwaadin ah oo lagu xasuuqay wakhtigii siddeetamaadkii oo guryaha lagala bixi jirey iyada oo loo tirinaayey in ay qalbiga kala socdaan halgamayaashii xorriyadda iyo walib kumanaan kale oo iyaguna ku shahiiday muddadii uu halganku socday waxaa intaa dheeree tacadiyada kale ee uu taliskii faashiistaha ahaa u gaystay bulshaweynta Somaliland. Halgankaas dheer ee dhiiga badan ku daatay waxa uu soo afjarmay sannadkii 1991kii, wakhtigaas oo mujaahidiintii halganka ku jirtey ay si buuxda gacanta ugu wadadhigeen dalka gabi ahaantiis , waxaa ku xigey lasoo noqoshadii xornimadii luntay lixdanki, iyada oo shirkii Burco isla sannadkaa lagaga dhawaaqay gooni- isu-taag buuxa laguna soo dhisey xukuumaddii u horreysay ee Somaliland ka hanaqaada. Haddii aan usoo noqdo qormadaydan oo ka hadalkeedu igu dhalatay markaan arkay in qaranimadii tacabka badani innagala soo kulmay in la gabay oo la dayacay, qof wal oo muwaadinana looga baahan yahay inuu u damqado lana xasuusto umaddeenan wixii xukamadii kali-talliska ahayd gayeysiisey ee aa dusha kusoo xusay oo ah mid aan la ilaawi doonin, waxaa iyana xusid mudan in kuwii shacabka Somaliland xasuuqa u geystay ay maanta yihiin kuwa faragelinta u weyn ku leh qarankan oo nasiibkoodu siiyey in aan laga abaalmarin dhibtii ay mujtamaca Somaliland u geysteen. Dalka waxa ka jira hay’ado qaran oo dalka u haya masuuliyado kala duwan , sida labada gole baarlamaan iyo hay’adda fulinta ee xukuumada. Sannadkii 2001 waxaynu cod aqlabidya 97% haa ugu codeynay distoorkii qaran waxayna arintani cudud xooggan usii yeeshay oo ay lama-taabtaan ka dhigtay qarannimadeena dhiiga-badani ku daatay, waxaana ballan lagu wada qaatay in dhinac looga soo wadajeesto wixii dhaawac ku keeni kara dawladnimada iyo Somaliland. Waxaa xusid mudan in golayaasha qaranku isku wada raaceen in cidii ka qaybgasha shir-ku-sheegyadii qabqablayaasha degaal lagu maaweelin jirey ee dalka kusoo noqda tallaabo adag laga qaado. Waxa laxasuustaa in la fuliyey oo lagu fuliyey xadhigna loo daruurey xubna dhawra oo dalka kusoo noqday haseyeeshee waxaa muuqata in sanadahan dambe masuuliyadii ilaalinta qaranku ay meesha ka baxday oo lagu illaawey kursi ku dagaallan iyo xafiiltan gudeheena ah , waxayna taasi keentay in ay ka faa’ ideystaan shakhsiyaad iyo siyaasiyiin ku caan-baxay mijaxaabinta qarankeenan, islamarkaana iyagoo qaba afkaaro ka dhan ah madaxbanaanideena ay barroosinka ku aasteen dalkan baylahda badani ka muuqato ee ah ( ceelna uma qodna ceelalyana uma maqna). Waxaan kusoo afmeerayaa , oo aan usoo jeedinayaa golayaasha masuuliyaddu ka saaran tahay hoggaaminta qarankan ee aanu igmanay qarannimadii dayac badan ayaa ka muuqda , shacabkuna intaa waa idin eegayaa, horena inbadan ayaa looga hadlay, waxna kamaydaan qaban , haddii ay sidaas kusii socotana waxaa suura gal noqon karta in halkan dhagar-qabayaashii Moorgan iyo Cali Samatar innoogu yimaadaan, waa haddii aan raga ku sugan Somaliland ee qarannimo-diidka ah ee somaliland diidka talaabo degdeg ah laga qaadin. Wabillahi tawfiq C/rasaaq Sh Cali Askar Hargeisa, Somaliland |