Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2194 November 11,2009                                                           Dul-Qacda 23,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Dad Soomaali Ah Oo Loo Tahriibiyey Dalka Nepal Oo Xaaladooda Nololeed Halis Ku Jirto

Kathmandu, November 11, 2009-(W.wararka)-Dad Soomaali ah oo  ku nool wadanka Nepal ayaa sheegay in go’doon ay ku yihiin wadankaasi halkaasi oo ay ku soo foodsaartay dhibaato xagga nolosha ah.Mahad C/laahi Xasan oo ka mid ah dadka halkaasi ku nool ayaa waxa uu sheegay in waligii aanau maqal wadanka Nepal ka hor inta aanu  23-kii bishii May ee saadkii 2000 laga dajin garoonka Magaalada Kathmandu ee xarunta wadanka Nepal xiligaasi oo laga soo qaaday Magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta iyadoo loo sheegay in loo wado dalka Sweden.

Ninkan oo 28 jir ah ayaa waxa uu sheegay in dad dadka tahriibiya ay ka soo qaateen lacag gaadhaysa 4 kun oo doolarka Maraykanka ah islamarkaana ay u sheegeen in ay geyn doonaan wadamada Iskandaniifiyanka,isagoo sheegay in uu is arkay isagoo jooga garoonka Magaalada Kathmandu ee xarunta wadanka Nepal.

“Waxa halkaasi naga qaaday aniga iyo ninkii i tahriibinayay Taxi waxa uu nagu dajiyay Hoteel subuxii markii uu waagu baryana waxaan arkay aniga kaligey oo hoteelka ku jira”ayuu yidhi Mahad C/laahi Xasan.

Dadka Somalida ah  ee  jooga wadanka Nepal ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay in ay gaadhayaan 84 qof oo qaxooti ah waxana la sheegay dadkaasi in si isku mid ah loo soo qalday oo la keenay Magaalada Kathmandu ee xarunta wadanka Nepal.

Dadka  qaarkood ayaa waxa loo sheegay in la geyn doono magaalada Napoli ee dalka Talyaaniga oo magac ahaan ay isku egyihiin wadanka Nepal halka kuwa kalena loo sheegay in loo wado iskandaniifiyanka.

Hay’adda Qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa ka dalbatay dawladda wadanka Nepal in ay dadk qaxootiga ee Soomaalida islamarkaana bilaabay in ay wadankaasi gaadhaan ay u aqoonsato Qaxooti iyadoo dowladda wadankaasina ay ka gaabsatay.