|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2196 | November 13,2009 Dul-Qacda 25,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Labadii Wadaad Ee Xilliyadii Ugu Dambeeyey Hadal Hayntoodu Ku Badneyd Magaalada Burco Oo Loo Soo Gacan Galiyay Xukuumadda Burco, November 13, 2009-(Haatuf)- Beesha galbeedka Burco ayaa maanta xukuumadda Somaliland iyo Maamulka gobalka ku soo wareejiyay laba wadaad oo lala xidhiidhiyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha diimaha ee ka jira dalka Somaliya oo baryahan danbe ay ku daba jireen ciidamada amnigu. Labadan nin oo la kala yidhaahdo Siciid Axmed Jaar iyo Aadan Axmed Caare. Siciid Axmed Jaar Oo ah ninkii ay ciidamada amniga Burco ay ku weerareen masaajid uu ku tukanayay kuna guul daraysteen qabashadiisa halkaas oo ay laba qofku dhaawacmeen. Waxaa saaka la keenay labadan nin Xarunta Gobolka Togdheer waxaana wehelinayay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar. Labada wadaad oo magaalada Burco ku sugnaa oo hore dawladdu ugu fashilantay soo qabashadooda ayaa kala ah Sheekh Siciid Axmed Jaar iyo Shiikh Aadan Axmed Caar, ayaa odayaal wada waxa ay gacanta galiyeen masuuliyinta dawlada ee gobolka iyo wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed, oo isagu wax ka qabashada arintan ayamahan dambe ugu sugnaa magaalada Burco,arintan oo todobaadkan horantisa ay ciidamada amaanka Burco ku guuldaraysten mar ay is yidhahdeen qabta mid ka mid ah labadan wadaad,ayaa waqtiga waxa ay keentay dhaawac laba nin oo shicib ah kuwaas oo ka xumaa qabashada ninkan wadaadka ah.hase yeshe arintan oo mudo todobad ah ka tagnayd magaalada Burco, bulshadana galisay dareen cabsiyeed,kadib markay arinta ciidamadu ku guuldaraysten.nimakaasina ay dhinacooda heleen dad difaaca dawladuna dhinaceda ku hanjabtay in hadaan gacanta laga soo galin ay xog adegsan doonto,balse hadana waxa socday wadahal u dhaxeeyay dawlada iyo odayasha nimanka dhinacoda.waxana maanta lagu gulaystay in odayadi nimankasi si nabadgelyo ah dawlada ugu dhiiban,waxana ay sheegen wararka arinta ku dhowdhowi in ay sheegeen in ay ku qanceen wadahalki dhinaca dawlada sida daradeedna nimanka arintoda si cadaalada loo baadho,waxa kale oo wararku inta ku dareen in ay masuuliyinta dawladuna odayasha arinta uga mahadneqeen,isla markaana ay sheegeen in arrintooda si cadalada loo baadhi doono wax ha lugu helo ama hal agu waayee. Arrintan ayaa waxa ay soo afjartay khilaafki nimankan iyo dawlada u dhexeyay iyo cabsidii ay bulshadu ka qabtay in ay arintani keento isku dhac dhex mara dad shicib ah oo ka xumaaday qabashada wadaadan iyo dawlada oo wacad ku martay haddii aan gacnta laga soo gelin in ay xoog ay wadaadada kusoo qabato adeegsana doonto,arintasina ay keento khasaare dhimasho iyo dhawacba leh,balse arintan soo qabashada nimankan ayaa waxa ay noqotay mid dadka shacabka ah ka saarta baqdinta ay markii hore qabeen,waxana ay arintani mujinaysaa sida shacabka reer Somaliland iyagu mar walba ugu heelan yihiin ilaalinta nabada iyo jiritaanka dalka,waxase qudha oo ay reer Burco didanyihin oo ka cabsi qabeen in nimankan ay gacan kale oo aan Somaliland ahayni donayso iyo in aan la bahdilin qof muwadina oo aan waxba ku cadayn,maadama labadan wadaadna yihin dad muwadinin ah oo waliba dalka ku leh ganacsi balaadhan sida darareed ay mudan yihiin in aan hore lagula dagdegin wax aan cadayn. Waxa labadaa nin ku qaabilay xarunta Gobolka Togdheer Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed iyo Guddida nabadgelyadda Gobolka Togdheer. Labada nin waxa loo qaaday dhinaca Jeelka weyn ee magaaladda Burco, halkaas oo lagu weydiin doono su’aalo. Soo dhiibista labadan nin ayaa ku timi wada hadal xukuumadu ay la gashay beeha galbeedka Burco iyo kulamo xidhiidh ah oo ay habeenadii ugu danbeeyay ay Culimadda iyo wax-garadka beeshu la yeelatay labadan wadaad. |