Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2196 | November 13,2009 Dul-Qacda 25,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Boqor Muxumed Geelle Seed Oo Loo Caleemo Saaray Boqorka Beelaha Subeer Awal Salaadiinta Beelaha Subeer Awal Oo Ka Muquurtay Kasoo Qayb Galka Madasha Caleemo Saarka Iyo Dareemada Lala Xidhiidhinayo Inay Ku Baaqsadeen Hargeysa, November 13, 2009-(Haatuf)- Xaflad balaadhan oo lagu Caleeomo Saarayay Boqor Muxumed Geelle Seed ayaa saaka lagu qabtay Magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.Xafladan oo ka qabsoontay mid ka mid Beeraha Duleedka Arabsiyo ayaa waxa ka soo qayb galay Cuqaal, Culimaa’udiin, Waxgarad ka kala socday guud ahaanba Gobolada Somaliland, Boqor Cali Xuseen Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Ku Xigeenkiisa Aaden Maxamed Mire(Waqaf), Mudanayaal ka socday Golaha Wakiilada Somaliland iyo Golaha Deegaanka Gabiley, Dhallinyaro aad u tiro badan iyo Marti Sharaf kale. Waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Masuuliyiintii ka soo qayb gashay iyaga oo Boqorka Cusub Illaahay uga baryay in uu xilkaasi u fududeeyo isla markaana ku asturo. Waxaanay sheegeen Madaxdii Saaka halkaasi ka hadashay in ay Boqorka Hiil iyo Hooba la garab istaagaan oo ay soo dhawaynayaan. Boqor Cali Xuseen Kaahin oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Saaka halkaa hadalka ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin oo ay Boqorka Cusub soo dhawaynayaan. Waxaanu u soo jeediyay Salaadiinta iyo Dadka kaleba ee Dhaqankuba in ay Boqorka taageeraan oo garab istaagaan. Waxa sidoo kale iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj. Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in uu aad u soo dhawaynayo Boqorka Cusub, isaga oo ka waramay Taariikhdii Dahabiga ahayd ee ay lahaayeen Salaadiintii hore ee Dadka Somaliland iyo sharaftii ay lahaayeen. Waxa kale oo uu halkaasi ka sheegay Guddoomiyuhu in Salaadiinta Bariga Somaliland ay ka wanaagsan yihiin Sharaf ahaan kuwo ku dhaqan Galbeedka Somaliland marka loo eego dhanka dhaqanka iyo Balwada. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, waxa uu u soo jeediyay Beesha uu ka tirsan yahay Boqorka Cusubi ( Beesha Subeer Awal) in ay Taakulo la garab joogaan, Salaadiintii horena ay ahaayeen kuwo Tolku uu garab taagan yihiin. Sidoo kale, waxa halkaasi hadalo kooban oo Ammaan, Bogaadin iyo Ducaba iskugu jira halkaasi ka yidhi, Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Ismaaciil Aaden Cusmaan (Ismaaciil Yare), Abiib Diiriye Nuur ( Abiib Timacad) oo ka mid ah Madaxda Sare ee Kulmiye, Maxamuud Cabdi Malaw oo ka tirsan Xisbul Xaakimka Udub, Cabbaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Dress dhallasho ahaana ka soo jeeda Dalkaasi Ingiriiska, Caaqil Maxamed Liisan iyo Sheekh C/raxmaan Cismaan ( Aw Xareeye) oo ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Gabiley waxaanay Dhammaantood xuseen in ay soo dhawaynayaan Boqorka Cusub diyaarna ay u yihiin in ay wada shaqayn wanaagsani dhex marto. Waxaanay Eebe uga baryeen in uu Xilkaasi gudashiisa u fuddudeeyo. Ugu danbayntii waxa Hadal aad u kooban halkaasi ka jeediyay Boqor Muxumed Geelle Seed, waxaanu si wayn ugu Mahad naqay Dhammaantii Dadkii Goobta Fadhiyay. Waxaanu ka codsaday in ay Illaahay uga baryaan in uu Xilkaasi gudashadiisa u fududeeyo. Boqor Muxumed Geele Seed waxa uu tilmaamay in Salaadiinta Somaliland oo dhammi ay yihiin Salaadiintiisa isla markaana uu la shaqayn doono. Waxa kale oo uu sheegay in Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan C/raxmaan uu yaha Suldaankiisa. Boqor Muxumed Geelle Seed, waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa Sannadkii 1948-kii, waxaanu Waxbarashadiisii Hoose Dhexe dhammaystay sanidihii u dhaxeeyay 1956-1962. Sanadii 1962-1963-kii waxa uu ka soo dhamaystay Machadka Tababarka Macalimiinta ee Boorame. Mudadii u dhaxaysay 1963-1965-kii waxa uu sidoo kale, Tababar Macalinimo ku soo qaatay Machadka Tababarka Macalimiinta ee Lafoole. 1964-1968-kii waxa uu ku soo shaqeeyay Macalinimo. 1969-kii -1970 wuxuu ka hawl galay machadkii tababarka macalmiinta Hargaysa..1970-kii – 1977kii waxa uu noqday gudoomiyaha waxbarashada Gaalkacayo.1977-kii—1979-kii wuxuu noqday kormeere waxbarasho Dawladii Somaliya gaar ahaan gobolka Garoowe. Sannadihii u dhaxeeyay 1996-kii—1998-kii waxa uu ahaa gudoomiyaha degmada Gabiley. Muxumed Geelle, Boqorka Cusub, Sannadii 2002 wuxuu ku biiray Mashraxa Siyaasada isaga oo galay Olole Doorasho oo uu ku rabiray in uu kaga Mid noqdo Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley, taasi oo uu ku guulaystay. Waxaanu ka mid noqday Golaha Deegaanka Degmada Gabiley. Boqor Muxumed Geelle Seed, sannadihii u dhaxeeyay 2002-dii—2003-dii waxa uu mar labaad noqday gudoomiyaha degmada Gabiley. Laga soo bilaabo 2003-dii ilaa waqtigan Boqorku waa xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Gabiley.. Boqor Muxumed Geelle Seed, waa Boqorkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Beesha Subeer Awal hase ahaatee salaadiinta beelaha Subeer Awal ayaa ka muquurtay inay kasoo qayb galaan xafladii caleemo saarka boqor Muxumed Geele Seed, guud ahaan 14 ka suldaan ee beesha Habar Awal ayaa suldaan keli ah oo beeshaa ahi aanu kasoo xaadirin hase yeesee waxa iyagu madashaasi kasoo qayb galay boqorka beesha Ayuub oo isagu taajka boqornimo saaray iyo Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal iyo boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah madax dhaqameedyada deegaanka Sallaxley. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha ay uga baaqdeen Suldaanka guud iyo salaadiinta beelaha Subeer Awal hadana ilo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u sheegay in salaadiinta Subeer Awal ay ka dideen dareemo lala xidhiidhiyay in boqor Cismaan Buur Madoow oo ay boqor Geele isku raaceen shirkii boqorada Afrika ee lagu qabtay dalka Liibiya ay hindisahaasi boqornimadiisa ay sal u ahayd. |