Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2197 | November 15,2009 Dul-Qacda 27,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ergooyin Ka Kala Socday Beelaha Makaahiil (Samarroon ) Iyo Sacad Muuse (Habar-Awal) Oo Isla KeeniWaayey Sidii Loo Furdaamin Lahaa Mashaqada Ceelberdaale Boorama, November 15, 2009 (Haatuf) - Ergooyin ka kala socday beelaha Sacad Muuse (isaaq), iyo Makaahiil (samarroon ) oo dhawaanta isku dayey inay dhaqaajiyaan waanwaan la doonayey in mar kale nabad lagu soo dabaalo colaada ka aloosan deegaanka Ceelberdaale ayaa guuldaraysatay kadib markii labada dhinacba isla keeni waayeen siddii loo geli lahaa xalinta arrintaasi oo ah mid Soomaaliland welwel iyo walaac weyn ku haysa. Sida uu ku soo waramay Wariyaha Haatuf Ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh. “Sidda ay sheegayaan warar xogogaal ah oo laga helay labada dhinac, ayaa sheegaya in waanwaantani fashilantay markii la isku afgaran waayey qaabkii loo waajihi lahaa, isla markaana loo dhigi lahaa ajandaha lagu geli doono waanwaantaasi. Sidda wararku tubaaxayaan labada dhinac ee isku haya arrinta Ceelberdaale oo ka maqnaa labada dhinac ama ergooyinka laga kala magacaabay Hargeysa iyo Boorama ayaa waxa sii dheeraaday shuruudaha adadadag ee labada dhinac soo bandhigeen in laga wada hadlo, kuwaas oo u cuntami waayey ama labada dhinacba ku qanci waayeen. Dhinaca ergeda Boorama ayaa la sheegayaa inay soo qaddimeen laba arrimood oo ay beelaha Sacad Muuse liqi waayeen, halka beesha Gebileyna laba arrimood ka saartay ajendahaasi in laga wada hadlo. Waa tana koowaade sidda wararku sheegayaan waxay ergeda Makaahiil soo qaddimeen in la helo ragii falka jidgooyada ahaa ka geystay Kalabaydh, isla markaana la tixgeliyo kala xadayntii gumaysigii Ingiriisku u kala sameeyey Beelaha Gebilay iyo Boorama. halka beesha Gebilayna gaashaanka ku dhifteen in lasoo hadal-qaado raggii falka jidgooyada ahaa geystay iyo qodobka labaad oo ahaa in aan la tixgelin kala xadayntii gumaysigii Ingiriiska. Inkastoo aanu labada dhinac ama Sacad Muuse iyo Makaahiil midkoodna ka hadal, waanwaantaasi, waxaase la ogyahay in xaaladdii halkaa ka jirtay ay weli sii xoogeysanayso, isla markaana maleeshiyo beeleedka isku horfadhiya Ceelberdaale mid kastaaba hubka u urusanayo siddii uu u dili lahaa tiro badan oo abtiyaaladiisa ah ama seeddiyeyaashii ah cid kasloo maanta kala celin kartaana ayba iskasii yaraanayso. Arrimaha dhawaanta ka dhacayey Bariga Somaliland iyo tan Ceelberdaale ayaa bilowgii bishan ahaa meelaha ay ku yaallan boogaha Somaliland u dhiman karaysay, balse boogta bariga ayaa waxa daawo u helay masuuliyiinta xukuumadda kaga jira xukuumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana soo xerogeliyey wadaadadii ciidanka qaraanku u taagwaayeen soo qabashadooda, halka wasiirada galbeedka Somaliland weli u tag la’yihiin inay daaweeyaan boogta Ceelberdaale ama ay ka wareegaysanayaan xal u heliddeda aad mooddo inay wasiirada galbeedka Somaliland ay ku kala daba fayleen maleeshiyo beeleedka mid kastaba ka jooga Ceelberdaale. |