Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2198 November 16,2009                                                           Dul-Qacda 28,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Lamaanihii Ugu Guurka Dheeraa Caalamka

Herbert iyo Zelmyra Fisher waxay is qabeen in kabadan 84 sano, si ay u dhigaan rikoodhka “ lamaanaha ugu guurka mudada dheer”. Waxay wada daawadaan TV-ga laakin waxay ka kacdaa oo baxdaa marka ay soo gasho Kubada gacanta amma“ Baseball-ta”. Wakhtigan waxay leeyihiin laba qol hurdo oo kala duwan, waxaana u caado noqotay in Mr. Herbert uu daawado ciyaartaas ilaa inta  laga tuurayo kubada ugu danbaysa

Lamaanahan waxay subaxii fadhiistaan kursi dheer oo horyaala gurigooda, waxa ay wada tiriyaan inta baabuur ee marta wadadaas. Waxayna daawadaan dabeecadda iyo deegaanka ku xeeran aqalkooda.

Herbert waxa uu dhasahy June 10, 1905. Maqal kiisu aad ayuu u daciifay, laakin maskaxdiisu aad bay u afaysan tahay wali. Zelnyra waxay dhalatay Dec. 1907. Waxay adeegsataa tukube si socoto. Lamaanahan mid waliba waxa uu awoodaa in uu sababeeyo guurkoodii May 13, 1924. “ Xaasid muu ahayn, mana uu dagaalami jirin” ayay tidhi Zelmyra. Ninkaygu qurux badan malahayn laakin dadnimo ayaan ku raacay” ayay ku dartay Zelmyr

Waxa ugu layaabka badan ee ay lamaanahani leeyihiin ayaa noqotay diinta ay haystaan oo kalo duwan awgeed, taasina ma aysan kala kaxaynin lamaanahan. Herbert waxa uu xubin ka yahay Pilgrim Chapel Missionary Baptist Church. Xaaskisuna waxay xubin ka tahayJones Chapel African Methodist Episcopal Zion church.

Labadan kiniisadood waxa ay ku yaalaan magaalada ay ku koreen oo la yidhaa James City. Mudadaas dheer ee ay is qabeen lamaanuhu waxa uu mid kasta tagi jiray kiniisadiisa. Waxa uu markasta Herbert ku eegaa xaaskiisa il kalgacaltooyo iyo dareen muujinaya sida uu wali u jecelyahay. Iyana waxay ku eegtaa Mid taas la mid ah. Waxaanay yidhaahdeen, in ay labadooduba wadaagaan Maamulka iyo talada aqalkooda.

Zelmyra Oo cabiraysa dareenkeeda waxa ay qirtay in Herbert uu yahay ninkii ugu horeeyay ee ay la kulanto, intii ay wada noolaayeena aanay kala kulmin wax dhibaato ah.

Lamaanahan waxay dhaleen 5 caruur ah, waxa la jooga 10 caruura oo ay ayeey iyo awoow u noqonayaan, 9 caruura oo ay macooy iyo macooyo u noqonayaan, iyo caruur ay walaalahood dhaleen oo tiro badan.

Herbert waxa uu ahaa makaanik u shaqeeya shirkada Coca-Cola ee ku  taala New Bernmudo 35 sano ah.