Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2204 | November 23,2009 Dul-Xaja 06,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xildhibaan Obsiiye Oo Sheegay In Magacaabista Degmada Sayla Bari Ay Sharciyada Waafaqsan Tahay Wareegtadii Wasiirka Daakhiligu Ku Magacaabay Degmada Sayla Bari, Laguna Hoos Geeyay Gobolka Hawd Iyo Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay Hargeysa November 23, 2009 (Haatuf)-Berito Salaasada oo la qabanyo xaflada loogu wanqalayo degmada Sayla bari ayaa waxa u wargeyska Haatuf u suuro-gashay inuu helo wareegtadii wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro uu ku magacaabay aqoonsiga degmanimo ee Sayla bari oo aanay wasaarada arrimaha guduhu faafinin wareegtada magacaabisteeda, taasoo ay soo saartay 26/8/2009 oo uu ku sexeexan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro islamarkaana maamul ahaan degmada cusub lagu hoos geeyay inay ka tirsanaato gobolka Hawd oo ka mid ahaa gobolladii dhawaanta la magacaabay. Wareegtadaasi uu ku magacaabay wasiirka daakhiligu degmada Sayla bari oo uu ku socodsiiyay gudoomiyaha gobolka Hawd, ogaysiina ku siiyay agaasimayaasha waaxyaha gobollada iyo degmooyinka, agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha, wasiiru dawlaha arrimha gudaha iyo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Lr yahay Ref. WAG/xw/799/68/09 kuna taariikhaysan 26/8/2009 kuna sexeexan yahay wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro, xeer wasiir Lr 18/08/09 ayaa waxay wareegtadaasi u qornayd sidan: UJeeddo: Guddbin Xeer Wasiir 18/0809. Waxaan Halkan idiinku soo lifaaqay xeer Wasiir Lr. 18/0809 ee 26-kii/08/2009 oo ku saabsan aqoonsiga degmada cusub ee sayla bari oo maamul ahaan hoos imanaysa gobolka Hawd. Wasiirka Arimaha Gudduhu markuu arkay qodobada 110, 112aad ee dastuurka qaranka, markuu arkay xeerka maamulka gobolada iyo degmooyinka qodobkiisa 4aad Farqadiisa 1aad, Markuu arkay inay tahay lagama maarmaan in la dhaqan geliyo hanaanka siyaasadeed ee maamulka dawladded oo ku dhisan maamul daadajin, waxa uu wasiirka Arimaha Gudduhu uu Soo saaray xeer wasaaradeed oo u dhigan:- Qodobka 1aad Magacaabista wasaaradu u aqoonsaday Sayla Bari Degmo waxa ay ku mutaysatay oo ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa ee la xidhiidhay magacaabis degmo. Qodobka 2aad xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka uu saxeexo wasiirka arimaha gudduhu. Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro oo ku saxeexnaa. Dhinaca kale xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka hargeysa gaar ahaana ka soo jeeda degaanka Sayla bari ee loo magacaabay degmada cusub oo aanu wax ka weydiinay qaabka ay sharciyada u waafaqsan tahay magacaabista degmada Sayla bari ayaa isaga oo Haatuf uga xog waramaya magacaabisteeda sharciyadeed iyo xeerarka dalka u yaala waxa uu yidhi “xeerka gobollada iyo degmooyinka marka la cuskado oo ay wareegtada lagu magacaabay Sayla Bari inay degmo noqoto ay ku soo baxday runtii ayaa waxay noqonaysaa mid sharci ku dhisan oo la socota xeerarka dalka ee ku saabsan magacaabista iyo cida u xilsaaran oo ah wasaarada arrimaha gudaha sidaas bay ku soo baxday. Waxa kale oo jira qodob dastuuriya 109 isagu waxa weeye qodob loogu talo galay ansixinta gobollada iyo degmooyinka, qodobkaasina waxa weeye ka bacdi marka loo gudbiyo golaha wakiilada ayuun baa uu ku ansaxayaa laakiin inta ka horaysa waa xil xukuumada saaran inay magacawdo wixii ay u aragto degmo iyo gobolaba labadaba” S. Maxaa sababay in dawladu ay faafin weydo wareegtada lagu magacaabay degmada Sayla bari oo salaasada berito xafladeedii wanqalka loo qabanayo? J. Runtii waa su’aal wanaagsan oo xilka faafinta daakhiliga ayaa iska leh oo ay tahay inuu ogaysiin siiyo madaxweynaha o isagu awooda magacaabista degmooyinka iyo gobollada iska leh iyo badhasaabada gobollada oo lala socodsiinayo gobolka ay hoos imanayso ee ay ka tirsan tahay degmadaasi waana arin khusaysa wasaarada arrimaha gudaha waana arrin farsamo oo la xidhiidha wasaaradaasi, waana cilad farsamo in dibu dhacaasi ku yimid waxanse qabaa in dariiqii sharciga ahaa loo maray magacaabista degmada S. Maadaama loo magacaabay Sayla bari degmo oo awal hore ka tirsanayd degmada Faraweyne, hada gobolkee ayay raacaysaa ma maroodi-jeex mise gobolka Hawd? J. Horta xeerka gobollada iyo degmooyinka wasaarada arrimaha gudaha ayaa u xilsaaran nidaaminta iyo kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka oo ay tahay inay is waafajiyaan qaabka ay degmooyinku u kala raacayaan gobollada dalka, waxaana sida ay wasaarada arrimaha guduhu u cuskatay aqoonsiga degmada Sayla bari la hoos geeyay Gobolka Hawd, oo ay runtii deegaan ahaan isku dhow yihiin maadaama gobolka hawd u baahan yahay degmooyin cusub isagay ka tirsan tahay, waxaanay hore beeshu u lahayd degmada Bander Amaan oo 1964kii uu magacaabay madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum C/raxmaan Axmed Cali oo xilligaasi ahaa badhasaabkii gobolka Hargeysa S. Goorma ayaa xafladeeda wanqalka degmada Sayla bari la qabanayaa, maxaadse ka odhan lahayd maadaama aad tahay xildhibaanka golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka Hargeysa gaar ahaana deegaanka Sayla bari aad ka soo jeedo? j. waa la qabanyaa xafladeedii qanqalka degmada Sayla bari loogu dabaal dagayay berito Salaasada oo lau qaban doono Sayla Bari, waxaanan bulshada reer Somaliland ugu baaqaynaa inay ka soo qaybgalaan xafladaasi, cidkasta oo ka hawlgashay ama ka qayb qaadatay ku dhawaaqistii aqoonsiga degmada Sayla bari waxaan u soo jeednayaa hambalyo iyo bogaadin dadaalkay u galeen ee taariikhiga ahaa sidii ay u noqon lahayd degmo. |