Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2209 | November 29,2009 Dul-Xaja 12,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ururka Camuud Foundation Oo Munaasibadda Ciida Deeq U Fidiyay Qaybo Ka Mid Ah Dadwaynaha Boorama Boorama, November 29, 2009 (Haatuf) - Uuruka maxalliga ah ee Camuud foundation ayaa shalay deeq dhar ah munaasabadda ciidal odxaha guddoonsiiyey goobo ay ku nool yihiin dadka tabarta daran ee ku nool goobo ku yaal magaalada Boorama. Deeqdan ururkaasi ugu talogalay qaybaha dadweynaha ayaa waxay kala ahaayeen xarunta agoomaha kaalmo iyo dugsiga dhegoolayaasha. Munaasibaddii wareejinta deeqdaasi ayaa waxa ka hadlay sarkaal ka tirsan ururka Camuud foundation C/raxmaan Muuse Tubeec oo sheegay in deeqdani tahay mid ururka Camuud foundation uu ardayda digsiga dhegoolayaasha Boorama munaasibadda ciidal adxahah ugu talo galay, si ubadku ay ulka farxaan kuwa dhegeha qaba, isagoo sheegay in ururka Cammuud foundation oo hadd iyo jeer maalmahan oo kale xusuusto dadka tabarta daran leh ee ku jira xarumahaasi. Maamulayaasha dugsigaasi iyo xarunta agoomaha kaalmo, Faarax Talan iyo Ruqiya Cabdi ayaa sidoo kale ururkaasi uga mahadceliyey deeqdan dharka ah, iyagoo sheegay in dadweynaha reer Boorama sidaas oo kale u xusuustaan ubadkaaassi maalmaha barakaysan. |