Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2212 December 02,2009                                                           Dul-Xaja 15,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Mucjisada Qur’aanka

Siciid Maxamuud Gahayr,Gudoomiyaha Akademiga Waxbarashada Iyo Cilmi Baadhista(Q,6aad)

Quraanka Iyo Lamaanaha Dhirta, Dadka Iyo Ashyaada Kaleba

Sayniska casriga ahi waxa uu dhawaanahan uun ogaaday in dhirta, iyo waxyaabo badan oo kale sida atomku uu ka kooban yahay lab iyo dhadig, masaladana waxa hore uga waramay Quraanka Kariimka ah, oo ma aha masalo ku cusub dadka musliimnta ee waa masalo ku cusub dadka aan Islaamka ahayn, muslimiinuna waxa ay arrinkan ka war hayeen muddo gaadhaysa 1400 sanno ka hor.

Dhirtu waxa ay leedahay ubaxyo u qaabilsan taranka.Ubaxyada dhirtuna waxa ay leeyihiin qaybo lab “male flower parts” iyo qaybo dhadig “female flower parts”.

Dhirta qaarkood ubaxyadoodu waxa ay leeyihiin qayb lab iyo qayb dhadig. Geedka uu ubaxiisu leeyahay qayb lab iyo qayb dhadig labadaba waxa loo yaqaanaa “Bisexual plant” ama “Haermophradite” . Dhirta qaarna ubaxyadoodu waxa ay leeyihiin qayb dhadig ama qayb lab oo qudha. Geedka uu ubaxiisu ka kooban yahay qayb lab ama qayb dhadig oo keliya waxa loo yaqaanaa “Mono sexual”.

Qaybta lab ee dhirta waxa loo yaqaanaa “Stamen”,waxaanay ka kooban tahay faxalka (Pollen) iyo Miiqa (Anther) oo sare u haya faxalka.

Q aybta dhadig ee ubaxana waxa loo yaqaanaa “Carpels ”ama “Pistil”, waxaanay ka kooban tahay fur ubbo (stigma), dhuun ubbo( style), iyo ubbo ubax (ovary), oo uu beedku ku jiro.

Marka uu Faxalku (Anther) uu bacrimiyo beedka (egg) ayaa waxa samaysma midhaha, dhirta leh labada qaybood ee labka iyo dhadiga faxalkooda ayaa bacrimiya beedkooda. Faxlida noocan ee uu isla faxalka geedku bacrimiyo beedka geedka waxa loo yaqaanaa “is faxlid” (Self pollination).Dhirta aan lahayn qaybta lab iyo qaybta dhadig, faxal ka yimaada geed kale ayaa faxla beedka ku jira ubaxa geedka .Faxlida noocan ahna waxa loo yaqaanaa Faxlid gudban (Cross pollination).

Dhirtu in ay leedahay qaar lab iyo qaar dhadig, waxa uu Quraanku ka waramay qarnigii todobaad ee taariikhda Miilaadiga, Ilaahay waxa uu ku ydihi  Suuratu Yaasiin, aayadda 36:

“  Waxaana nasahan Eebbaha abuuray noocyada dhamaanteed oo ah wax dhulku soo dhaliyo, iyo naftoodaba, iyo wax ayna ogayn(36).

Mar kale Alle waxa uu ku yidhi Suuratu Ar-Racd, aayadda 3 :

“  Eebbe waa kan fidiyay dhulka, yeelayna dhexdiisa buuro iyo webiyo, midho kastana  ka yeelay dhexdiisa laba nooc, wuxuuna ku dada habeenkii maalinta, arrintaasna calaamooyin ayaa ugu sugan ciddii fikiri (3).”

Labadaas aayadoodba waxa ay ka waramayaan lamaanaha ka kooban labka iyo dhedigga ee ay dhirtu leeyihiin.

Quraanka iyo Dareenka Maqaarka(Sense of Skin).

Maqaarku waa xubinta ugu balaadhan ee jidhkeena ku jirta, waana xubinta ugu soo xigta xagga dusha (oogada) sare xubnaheena, maqaarku waxa uu qabtaa shaqooyin kala duwan kuwaas oo wax tar u leh noolaha, sidaasna waxa  lagu caddeeyay cilmiga barashada maqaarka ama dubka ee loo yaqaano “Dermatology”.Shaqooyinkaas uu maqaarku qabto waxa ka mid ah:

1.Maqaarku waa  gaashaanka jidhkeena ka celiya in ay soo galaan xayawaanada yar yar ee sababa xanuunada (Pathogens), kuwaas soo gali lahaa jidhkeena iyaga oo ka imanaya dibada.

2.Maqaarku waxa uu soo nuugaa Faytamiinka loo yaqaano “Vitamin D”, oo uu ka soo nuugo fallaadhaha cadceeda. Faytamiinkan oo loo yaqaano “Faytamiinka Ileyska Cadceedda”(Sun shine Vitamin), waxa uu lagama maarmaan u yahay lafaheena, la’aantiisna waxa dhaca xanuun la yidhaahdo lafo-jilica (Rickets).

3.Maqaarku waxa uu ka qaybqaataa qaboojinta jidhkeenu marka uu kululaado. Sidoo kale waxa uu ka qayb qaataa kulaylinta jidhkeenu marka uu qaboobaado ama uu heerkulka jidhku hoos u dhaco, guud ahaana maqaarku waxa xubin door muhiim ah ka ciyaarta joogtaynta heelkulka jidhka (Thermo regulation).

4.Maqaarku waxa uu nuugaa qaar ka mid ah fallaadhaha kulkulul ee ay cadceedu soo dayso loona yaqaan “Ultra Violet Rays”, falaadhahaas oo sababa kansarka maqaarka ku dhaca, waxyeellona u gaysta walxaha hiddaha ee jidhka.

5.Maqaarku waa xubin ka mid ah xubnaha dareen wadka, waxaana jidhkeena ku jira dareenwadaal kala gadisan oo saddex nooc ah, kuwaas oo kala ah:

A.Sensory Neurons oo ah dareen wadayaasha dareenka ka qaada maqaarka ee gaadhsiiya maskaxda(Brain) ama Xangulaha(Spinal Cord).Dareen wadayashaas dareenka ka qaada maqaarku waxa ka mid ah:

  • Pacinian Corpuscle oo qaada dareenka cadaadiska.

  • Meisseneirs corpuscle oo qaada dareenka taabashada.

  • Ruffins end organ oo qaada dareenka qabawga iyo

  • Dareenwadayaal kale oo qaada xanuunka, kulaylka IWM

B. Motor Neurons oo iyaguna amarada ka soo qaada maskaxda iyo xangulaha soona gaadhsiiya xubnaha jidhka ee uu maqaarku ka mid yahay, iyo

C. Multi Polar Neuron (Inter Neuron) oo laga helo habdhiska dareenwadka ee dhexe, shaqadooduna ay tahay in ay isku xidhaan sensory neuronska iyo motor neuronska.

Barigii hore lama ogayn in maqaarku yahay xubin dareen, waxaana loo haystay in maskaxdeenu dareento xanuunka, qabawga, kulaylka IWM, oo aanu maqaarku haba yaraatee waxba dareemin.

Laakiin markii la baadhay arrinkan ayaa waxa la ogaaday in maqaarku yahay xubin ka mid xubnaha dareenka ee jidhka.

Quraanka kariimka ah ayaa se arrinkaas ka waramay 1400(Kun iyo Afar Boqol )oo sanno ka hor. Ilaahay isaga oo ka waramayaya ciqaabta ehlu naarka uu marsiin doono maalinta Qiyaameha waxa uu yidhi:

“Kuwii ka gaaloobay aayaadkayaga waxaanu galin naarta,mar kasta oo uu gubto haragooduna(maqaarkooduna) waxaan ku badalnaa hargo(maqaaro) kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Ilaahayna waa Caziiz Xakiim ah”.Aayada 56 ee Suurat An-Nisaa.

Sababta uu Ilaahay u badalayo maqaarada gaalada mar kasta oo maqaarkoodu dhamaadaa, waa in ay dhadhamiyaan cadaabka, waayo hadii maqaarkoodu dhinto ma dhadhaminayaan cadaab oo maqaarku waa xubinta dhadhaminaysa cadaabka kulaylkiisaa.

Miyaynaan odhan Karin Quraanka ayaa 1400 oo sanno ka hor sheegay in maqaarku yahay xubin dareen, iyada oo aanu sayniska casriga ahi wali arrinkaas ka ogaanba?.Jawaabtu waa Haa,sababtoo ah,  quraanka waxa soo dajiyay Ilaaha abuuray samooyinka iy dhulka iyo Waxa u dhaxeeyaba, oo ka cilmi badan cid kasta oo aqoon isu tuhunta.

Masaladan maqaarka iyo sida uu Quraanku ku jiro, waxa ay hawlwadeeno ka tirsan haayada Islaamiga ah ee Al-Xaramayn uga warameen Dhakhtar u dhashay wadanka Thailand, oo magaciisa la odhan jirey Dr Tejatat Tejasen oo haystay diinta Budiisamka.

Dr Tejatat Tejasen waxa uu Gudoomiye ka ahaa waaxda Anatomyga ee jaamacada  Chiang Mai University oo ku talla Thailand, horena waxa uu u ahaa hormoodka (Dean) waaxda (faculty)  caafimaadka ee jaamacadaas. Dr Tejajet waxa uu joogay markaas  lala kulmay shirkii 8aad ee caafimaadka ee ka dhaca wadanki Sucuudiga, gaar ahaanna waxa uu markaas ku sugnaa Jaamacada King Abdi Aziz. Markii uu Dr ku arkay xogtii quraanka ku sugnayd ee looga waramay waa uu yaabay !!. Xogtaas oo ahayd in Quraanku sheegay 1400 sanno ka hor in maqaarku ka mid yahay xubnaha dareenka.Isaga oo sheegay in uu Quraanka ku raacsan yahay in maqaarku yahay xubin dareen, waxa uu se u qaadan waayay in Quraanku sii sheegay cilmi dhawaan la daahfuray muddo gaadhaysa 1400 sanno ka hor.

Dr Tejajet waxa la waydiiyay suaal ahayd: “Miyay suurto gal tahay in Nabi Maxamed SCWW uu xogtaas ka helo bani aadam ama dad?”. Dr Tejajat Tejasen waxa ku jawaabay “Macquul ma aha in cilmigaas laga helo bani aadam xilligaas”. Dr Tejajet  waxa uu kadib codsaday in loo sheego cidda laga helay warbixintan saxda ah 1400 sanno ka hor? . Waxaana loogu jawaabay “xogtan waxa laga helay Ilaahay oo ah Macbuudka dhulka abuuray, hadii xikmad la helona Ilaahay ayaa laga helaa waayo isaga ayaa Xakiim ah, hadii Cilmi la helona isaga ayaa laga helaa oo Caliim ah”.

Professor ama Dr Tejatat Tejasen waxa uu garwaaqsaday warbixinta waafiga ah ee laga siiyay Ilaahay iyo Quraanka Shariifka ah. Markii uu wadankiisii Thailand ku laabtay, waxa uu Dr Tejajet ardaydiisii uga waramay sida uu Quraanku uga hadlay maqaarka iyo mawduucyo kaleba, hadalkiisiina ku islaamay shan ka mid ah ardaydiisii !!.Waa Ilaahay mahadii.

Sanad kadib ayuu Dr Tejatat Tejasen ku soo laabtay dalka Sucuudiga waanu istaagay isaga oo erayadan leh “Saddrxdii Sanno ee u dambeeyay waxaan xiisaynayay Quraanka oo uu Sheekh CabdilMajiid Az-Zaydani I siiyay sanadkii u dambeeyay. Waxaan rumaysanahay in wax kasta oo aan shirkan ka arkay iyo wax kasta oo uu Quraanku qorayba ay run yihiin isla markaana lagu caddayn karo Saynis ahaan. Muxamadna waa Rasuulkii Ilaahay, Quraankan runta ahina waa mid uu Ilaahay ku soo dajiyay Nabi Maxamed. Ilaahayna waa Abuuraha u qalma inuu wax abuuro. Imakana waxa la soo gaadhay wakhtigii aan odhan lahaa Laa Ilaaha illa Laah ee aan islaami lahaa”.

Halkii ayuu ku islaamay Dr Tejatat Tejasen oo markii hore haystay diinta Budiisam ku, Waxaanu dhakhtarku caddaymihii quraanka u turjumay luqada lagaga hadlo wadankiisa Thailand oo ah luqada Thai-ga. Sidoo kale waxa uu duubay cajalado ka waramaya sida uu Quraanku bari horeba u sii sheegay waxyaabo hadda ku cusub tijaabooyinka casriga ah ee Sayniska.

Ilaahay ayaa mahadleh, Ilaahaas innaga dhigay ummad Islaam ah, oo aan inaga dhigin qaar caabuda Asnaam aan waxtar lahay, isla markaasna aan ka leexanin jidkii toosnaa ee Islaamniada.