Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2217 | December 08,2009 Dul-Xaja 21,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xukuumadda Oo Warar Is Burinaya Ka Soo Saartay Qubuuraha Sh. Muuse Ismaaciil, Ilma Daa’uud Oo La Sheegay In Koox Dhalinyaro Ah Dhowaan Isku Dayeen Inay Burburiyaan “Waa Waxba Kama Jiraan Hadalka Ka Soo Yeedhay Wasiir Talaabo Ee Uu Leeyahay Qabrigii Sheekh Isaxaaq Baa Halis Ugu Jira In La Dumiyo” Maayarka Degmada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur Ceerigaabo, December 8, 2009-(Haatuf)-Maayarka Degmada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax ayaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toonna lahayn warar toddobaadkan ku soo baxayay qaar ka mid ah warbaahinta oo tilmaamayay in la isku dayey in la waxyeeleeyo qaar ka mid ah qubuuraha Sh. Muuse Ismaaciil iyo Ilma Daa’uud (Ciidagale).Maayarka Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur oo xalay Haatuf khadka tilifoonka kula xidhiidhay ayaa si weyn u daadafeeyay warar sheegaya in la burburiyay qubuurihii Sh.Muuse Ismaaciil iyo Ilma Daa’uud “Ciidagale”, isaga oo dhanka kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka Cadaalada, Yuusuf Ciise Talaabo, ee uu ku sheegay in qabrigii Sheekh Isaxaaq halis ku jiro. Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “ Xaqiiqdii aniga cidi iigama war roona dhacdadan, carruur sagaal jirro ah ayaa meesha ku cayaartay waxay yeeleena ma jirto, waxannan leeyahay dadka saxaafadda wax ku qorayaa dan ha yeesheen, oo umadda beenta ha ka daayeen. hadday wax inay qoraan rabaana wax umada dan u ah ha qoreen waanuna canbaaraynaynaa ciddii media waxaa gelisey, waa waxba kama jiraan hadalka ka soo yeedhay Wasiir Talaabo ee uu leeyahay qabrigii Sheekh Isaxaaq baa halis ugu jira in la dumiyo” ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo. Maayarka ayaa intaa raaciyey in wararkani aanay sal iyo raad toonna laheyn ummadduna ay iska jirto. Magaalada ceerigaabo ee xarunta u ah gobolka Sanaag ayaa waxa ku aasan inta badan awoowayaasha ay ka soo jeedaan beelaha dega Geeska Afrika, waxana ka mid ah Sh. Isaxaaq iyo awlaaddiisa oo intooda badani gobolkan ku aasan tahay, Shiikh Ciisaha ay ka soo tafiirmeen qabaailka dega Djibouti iyo Galbeedka Shishe ee Somaliland, Sheekh Samaroonka ay ka soo tafiirmeen qabaailka dega gobolka Awdal ee xaruntiisu tahay magaalada Boorama, Sheekh Ismaaciil Jabarti “Daarood” iyo kuwo kale. Ka sokow in gobolkani yahay goob istaraatiji ah oo leh buuro dhaadheer oo ay ka mid tahay buurta ugu dheer silsilada Golis ee Surad, dhul xeebeed aad u dheer iyo deegaanno muhiim ah hadana wuxu guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan Geeska Afrika ugu calamaadsan yahay goob ay ka soo tafiirmeen. Koox suxufiyiin ah oo shalay booqatay goobta ay ku yaalaan qubuurahaasi ayaa sheegay in haba yaraatee wax dhibaato ah aan la gaadhsiin qubuuraha iyagoo sawiro ay arrintaa ku cadeynayaan ka soo qaaday qubuuraha. Wasiir ku xigeenka caddaalada, Yuusuf Ciise Talaabo oo toddobaadkan wareysi siiyay wargeyska Ogaal ayaa ka digay dhalinyaro burburinaysa qubuuraha ay ku aasan yihiin Sh.Muuse Ismaaciil, Ilma Daa’uud “Ciidagale”. Mr.Talaabo isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “qubuuraha waxa ka taagnaa Birro waawayn oo Calamada loo sudho, si loo garto. Markaa Calamadii Tawxiidku ku qornaa ee Qabriyadaa ka taagnaa ayaa iyaga iyagii iyo Birrihii ay ka taagnaayeenba la jajebiyay – Calamadii waa la qaatay, Birrihiina waa la riday. Qubuuraha laftooda qaarkood waa la yara taataabtay oo wax badan lama yeelin, laakiin waa la isku dayay in la qodo, cidda waxaa sameeyayna waa Dhalinyaro yaryar oo nin gaadhi ku siday baa la yidhi. Dabadeedna, arrinkii Booliska ayaanu u diray oo waxaanu nidhi baadhis halagu sameeyo, waayo tuhuno badan oo Al-Shabaab iyo afcaashooda ah baa dhulkan soo galay, markaa bal inay la xidhiidho iyo inkale ayaanu baadhaynaa. Dhaqdhaqaaq fara badan baanu dareenay oo aan weli noo wada caddayn. Waxaad moodaa ururadaa imika farta lagu fiiqayaa (Al-Shabaab), ayaa lagu tilmaamayaa sahamo Buuraha maray. Laasqoray oo kale bari dhexdaas ah intay nin ka kaxaysteen bay yidhaahdeen dhul Buuraha ka mid ah na tus oo Badhan ku beegan, markii la tegayna (halkay doonayeen) way ka tageen, qofkiina wadayna intay wadadii keeneen bay yidhaahdeen ‘boqolkaa Doolar ($ 100) qaado oo iska noqo.’ Dabadeedna Buurtii bay ka soo baxeen, Badhan baanu qabanaynaa bay yidhaahdeen, Badhan-na may marina intii aanay soo gaadhin bay halkaa Barri ka qabteen. Markaa sahamo badan oo noocaas ah iyo sheekooyin badan baa la dareensan yahay inay ku soo biireen dhulka”. |