Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2217 | December 08,2009 Dul-Xaja 21,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sharciyada Cajiib Ka Ah Ee Wadama Caalamka Qaarkood Marka aad safar ama dalxiis ku tahay wadan ayaa had iyo jeer waxa aad la kulantaa arimo kaa yaabiya. Qofna si fudud uma fahmi karo shariciyada, caadooyinka iyo dhaqanka wadan leeyahay. Hadii aad damacdo in aad buugag ka akhrisato ma aha arin fudud. Waxaana dhici karta in aad sharci jabiso adigoon ogayn oo aan islahay wax baad khalay ama kaaqaldan ayaa sharc kuqabanayaa . Waxa ay shabakada budgettravel soo ururisay sharicyada cajiibka ah ee ka jira wadamada qaarkood.Hadaba sharicyda aad iska ilaalinaysid in aad jabiso marka aad u baxdo wadamada qaar ayaa ah: Singapore Wadanka Singapore ayaa ah mid aad u ilaaliya nadaafada. Taasina wax ay sababtay in qofka aan biyo raacin marka uu adeegsado mid ka mid ah musqulaha ka dhexeeya dadka in la ganaaxo. Denmark Wajiga ha iska qarin adiga oo adeegsanaya waxa qriya wajigaaga . Waxa mamnuuc ka ah in wajiga la qariyo wadanka Denmar. Hadii aad arintaas samaysana waxa ku qabanaya sharci. Thailand Ha isku dayin in aad caydo ama hadal xun ka sheekto boqorka wadanka Thailand. Hadii aad arinkaa ku kacdana waxa ku qabanaya sharci. Hana sugin in si wanaagsan laguula dhaqmo xataa hadii aad tahay dalxiis. Finland Wadanka Finland ayaa waxa sharcigu dhigayaa in uu Taxi-lahu lacag bixiyo hadii uu music ka dhegaysto radiyaha Sidaa darteed ha filan in uu Taxi-le kuu daaro music macaan oo aad istiraah jidka ku sii mar hadiiba aad safar kutagto wadanka finland. Philippines Marka aad safar ku marayso wadanka philippines ma sahlana in aad gaadhi kiraysato. Magaalooyin badan oo ka mid ah dalka philippines ayaa waxa ka jira sharci dhigaya in aad baabuurkaaga wadi kartid maalmo xadidan oo la raacayo numberka registerka baabuurka. Hadii aad ka tagtid baabruuka oo aad kaxaysatid mooto, oo aad xidhato dacas ama sandal ayaa waxa ku qabanaya sharci. Una diyaar noqo ganaax. Hadii aad arintaa ku dhacdo Japan Hadii aad dalxiis ama safar ku marayso wadanka Japan ayaa waxa haboon in aad ka sii taxadirtid dawooyinka aad sidato. Sababtoo ah dawlada Japan ayaan ogolayn in dawooyinka qaar lala soo galo wadanka. Waxa dhici karta in dawooyinka aad wadataa ay yihiin kuwa uu dhakhtar kuu qoray ama aad ka iibsatay meelaha lagu iibiyo dawooyinka u fiican caafimaadka. Laakin aan ka mamnuuc ah wadankaas. Tusaale ahaa qaar ka mid ah dawooyinka hargabka iyo kuwa caloosha lagu socodsiiyo. Canada,Ku adeegashada lacagta shilimaadka ayaa ah mid si caadi ah loogu adeegto wadanka kanada. Waanad ku adeegan kartaa shilimaadka hadii aanad ka badbadin. Wadankaas |