Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2225 December 17,2009                                                          Muxaram 01,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Wefti Ka Socda Baarlamaanka Kenya Oo Uu Hogaaminayo Faarax Macalin Oo Dhawaan Booqasho Rasmi Ah Ku Iman Doona Dalka

 “Waxaanu Filaynaa In Wafti Inooga Yimaado Barlamanka Kenya Si Dhakhso Ah, Waxaanu U Cusboonaysiinay Marti Qaad Aanu U Fidinay 2007”

 Gudomiyaha Golaha Wakiilada Cabdi Raxmaan Ciro

Hargeysa, December 17, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shaaca ka qaaday in wafti ka socda baarlamaanka dalka Kenya oo ay marti qaad u fidiyeen uu dalka somaliland si dhakhsa ah u iman doono, isagoo intaas ku daray in marti qaadkii uu u diray 2007-kii ay u cusboonaysiiyeen mar kale in dalka ay booqasho ku yimaadaan.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay ay wargayska haatuf u xaqiijiyeen,in wafdigaasi ka socda baarlamaanka dalka Kenya uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Kenya Md. Faarax Macalin oo ka mida mudanayaasha laga soo doortay gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto, isla markaana laga soo doortay xisbiga ODM oo uu hogaamiyaha u yahay Raysal wasaaraha Kenya Rayla Odinga.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigii shalay ee golaha wakiiladda ka akhriyey warbixin uu kaga waramay marti qaadka ay baarlamaanka Kenya u fidiyeeen iyo arimo kale oo ku saabsan socdaalkii ay isaga iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad Cabdi Casiis Maxamed Samaale kaga soo laabteen dalka Ethiopia oo ay kaga soo qayb galeen xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo lagu marti qaaday baarlamaanada gobalka iyo mandaqada geeska afrika iyo waxyaalihii ugu soo qabsoomay, waxa uu sidoo kale ku sheegay xidhiidhada iskaashi ee dhex maray baarlamaanada dalalka jabuuti,Kenya iyo Somaliland.

Gudoomiye Cabdilaahi Cirro waxa uu ku bilaabay warbixintiisa iyadoo dhamays tiran sidan:

“ 2007 golaha wakiilada JSL waxa uu ka helay martiqaad baarlamaanka dalka Ethiopia waxa marti qaadka kasoo qayb galay gudoomiyaha, gudoomiye ku xigeenka labaad iyo sideed gudoomiye ee gudi hoosaadyada ee sadexda xisbi qaran ee jamuuridda Somaliland.iyada oo uu soo kordhiyey xidhiidhka labada baarlamaan JSL uu ka helay marti qaadkaa baarlamaanka Ethiopia bishii

10-aad ee sanadkan, waxa laynugu marti qaaday munaaasibada maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo ku beegnayd 8 December  2009, oo ka dhacaday sanadkan ka dhacay magaalada diridhaba.

Munaasibadan waxaa ka qayba galay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka koowad ee golaha wakiilada JSL. Waxa kale oo iyana lagu marti qaaday munaasibadan,dalalka Kenya,Ruwanda,Jabuuti iyo Burundi dalka Kenya waxa ka socday gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka mr faarax macalin, dalka jabuuti gudoomiye ku xigeenka baarlamanka md xuseen dalka ruawanda gudoomiyaha barlamanka dalka burundina gudoomiyaha baarlamaanka waxa kale oo munaasibadaa kasoo qayb galay madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha Ethiopia,madax-da kale ee Ethiopia iyo marti sharaf kale waxa kale oo aan la kulanay intii aan joognay dalka Ethiopia aniga iyo gudoomiye ku xigeenku diblomasiyiin badan waxa kale oo aan kulano gaar ah la yeelanay madaxda baarlamaanka Ethiopia, waxa aanu ka wada hadalnay madaxda baarlamanka Afrika ee kasoo qayb galay shirka inaan kordhino iskaashiga baarlamanka Somaliland gaar ahaan Kenya iyo Djabuuti.

Waxaanu u cusboonaysiinay baarlamanka dalka Kenya marti qaad aan u diray 2007 waxaan filaynaa in wafti inooga yimaadaan baarlamaanka dalka Kenya. Sidoo kale waxaan isla garanay guomiye ku xigeenka baarlamaanka jabuuti in xidhiidh labadeena baarlamaanka iyo iskaashigooda la kordhiyo. Waxa kale oo baarlamaanka Ethiopia isla garanay inaan sii kordhino xidhiidhka labada baarlamaan. Waxa kale oo aanu la kulanay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibada ee dalka Ethiopia”

Dhinaca kale wafti ka socday baarlamaanka dalka Kenya ayaan booqasho ku yimid Somaliland horantii 2006 kuwaas oo hogaaminayey gudoomiyaha gudida shuruucda baarlamaanka Kenya, booqashadaas oo  qaadatay mudo laba todabaada oo ay ku joogeen caasimada Somaliland ee hargaysa.