Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2232 | December 25,2009 Muxaram 08,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ciidanka Federaalka Itoobiya Oo 21 Neef Oo Lo’o Ah Ka Kaxeystay Wajaale Wajaale, December 25, 2009 (Haatuf) - Ciidanka federaalka ee dawlada Itoobiya ayaa shalay gelinkii hore waxay ka soo gudbeen xuduudka ay la wadaagaan Somaliland ee degmada Wajaale halkaas oo ay ka kaxeysteen 21 neef oo Lo’o ah.Ciidanka Itoobiyaanka oo watay gaadhi Toyota ah ayaa gudaha u soo galay beer ku taala degmada Wajaale iyaga oo 1 km gudaha u soo galay Somaliland, waxana ay si deg deg ah u kexeysteen Lo’da oo uu lahaa muwaadin reer Somaliland ah oo la yidhaa, Maxamuud aw Daahir oo ah nin ganacsade ah. Ciidanka itoobiyaanka oo sida la sheegay aad u hubeysnaa ayaa isla markiiba dib ugu noqday xuduudkooda kaddib markii ay kaxeysteen 21 neef ee Lo’da ahaa. maamulka degmada Wajaale, gaar ahaan guddoomiyaha Wajaale, Qawrax Muuse C/laahi, oo aanu xalay tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa isagu naga qaban waayay Moobilkiisa oo aanu dhowr jeer ku celcelinay. Lama oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamadani u kaxeysteen xoolaha waxase ay wararku sheegayaan in ay ku andacoodeen in aan cashuurtii laga qaadin markii ay ka soo talaabayeen xadka Itoobiya. Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada Itoobiya ay xoolo ka kaxeystaan gudaha Somaliland, waxana ay dadka reer Wajaale inta badan ka cawdaan dhibaatada ay ku hayaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gala gudaha Somaliland. |