Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2234 December 28,2009                                                          Muxaram 11,1431H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe Oo Ka Midahaa Halyeeyadii Dhidibada U Aasay Qaranimada Somaliland Oo Shalay Ku Geeriyaaday Paris

Waxa Uu Ku Dardaarmay In Lagu Aaso Dalkiisa Hooyo Ee Somaliland

Hargeysa, December 28, 2009 (Haatuf)-Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ka mid ahaa siyaasiyinta reer Somaliland ee dhidibada u aasay qaranimada Somaliland,  islamrkaana ahaa wakiilka jamhuuriyada Somaliland u fadhiya caasimada Faransiiska ee Paris ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladaasi oo uu arrimo caafimaad bilihii u dambeeyay ugu jiray. Marxuum Fagadhe ayaa dhawaan la sheegay in laga qalay dhabarka oo uu xanuun ka hayey kadibna loo qaaday goobaha cusbitaalka ee lagu baxnaaniyo dadka qaliinka lagu sameeyo, isagoo duhurkii shalayna ku geeriyooday cusbitaalkaasi.

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe waxa lagu xasuustaa halgankii qadhaahdaa ee uu la galay rajiimkii Siyaad Barre ee colaadaha kala dhex dhigay beelaha reer Somaliland. Waxaanu kaalin wax ku ool ah marxuumku ka soo qaadtay sidii nabad dhexdooda looga dhalin lahaa beelihii bariga Somaliland ee nidaamkii kalidii taliska ahaa uu colaada kala dhex dhigay.

Marxuum Fagadhe waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii dhidibada u aasay qaranmada Somaliland, laguna tilmaami jiray siyaasi ku ad-adag qadiyada gooni isu taaga Somaliland.   

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe Sodomeeyadii (1930 s) ayuu  uu ku dhashay Jiidali oo tarsin gabolka Sanaag ee Somaliland waxaana isagoo da’diisu ay yartahay loo dhoofiyey magaalada Cadan oo uu aabihii tagsiile ka ahaa 1954-kii, waxa uu Cadan ku dhamaystay wax barashadiisii dugsiga sare kadibna waxa uu qabtay shaqooyin kale duwan ka hor intii aanu ku biirin ururada shaqaalaha ee xiligaas Cadan ka dhisnaa waxanu noqday mid ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan ee xidhiidhka ururada shaqaalaha. Waxa uu isla sanadihii kontamaadkii (1950s) waxa uu marxuunku gacan ka gaysan jiray dhaqdhaqaaqyadii xiligaas ka socon jiray magaalada Cadan ee lagu taageerayey madax banaanida Somaliland iyo sidii ay uga xoroobi lahayd isticmaarka ingiriiska, waxaanu dhawr jeer Cadan kula kulmay marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii istiqlaalka.

Marxuum Maxamud Saalax Nuur fagedhe waxa uu lixdamaadkii kusoo laabtay dalkiisa hooyo waxaanu xilal ka qabtay wasaaradii shaqada totobaatanadiina waxa uu ku biiray ururka Shaqada ee Jaamacada carabta waxaanu ka soo shaqeeyey xafiisyada ururkaasi ku laayahay Qahira, Baqdad iyo al. Jaza’ir. Sanadihii sideetamaadkii waxa uu marxuumku kusoo noqday Xamar hase yeeshee waxa uu bilaabay inuu si badheedha u naqdiyo nidaamkii Siyaad Barre isagoo si b’an u dhaliilaya siyaabihi qalafsanaa ee uu Siyaad Barre dalka u xukumi jray taas oo Fagadhe ku mutaystay in loo diido in uu xil dawladeed qabto.

Sanadkii 1989-kii waxa ka mid ahaa siyaasiyiin iyo madax dhaqmeedyo u dhashay gobolka Sool oo ururkii SNM kala hawl galay sidii nabad looga dhexdhigi lahaa beelihii wada daganaa bariga Somaliland ee nidaamkii Siyaad Barre colaada kala dhexdhigay arintaas oo lagu guulaystay.

Dabayaaqadii 1990-kii waxa uu marxuumku hormood ka ahaa dhaqdhaqaaqii Maano Feesto ee ka bilaabay Muqdisho kana dhanka ahaa taliskii Siyaad Barre.waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta firfircoon ee kasoo qayb galay shirkii Boorame 1993-kii iyada oo xubin ka noqday baarlamaankii u horeeyey ee xiligaas la sameeyey waxaanu ka mid noqday xubnihii sida ba’an u dhaliili jiray maamulkii Cigaal ee lagu doortay shirkii Boorama.sanadkii 1997-kii waxa Cigaal u magacaabay inuu noqdo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland waxaanu shaqada ka fadhiistay ka dib markii uu xanuun dhinaca wadnaha ahi ku dhacay.2001 waxa uu ahaa ninka labaad ee Axmed Silaanyo la aasaasay ururkii Kulmiye, kaas oo uu noday gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad.2007-dii waxa uu iska casilay xilkii gudoomiye ku xigeenimada Kulmiye waxaana sanadkii 2008 madaxwayne Rayaale u magacaabay in uu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka faransiiska. Dhawr cisho intii aanu geeriyoon waxa uu ku dardaarmay in lagu aaso dalkiisa hooyo.

 Dhinaca kale mujaahid Maxamed Cabdillaahi Cabiiye ayaa isaga oo aad uga tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee ku timid Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in marxuumku ahaa nin aad u wanaagsan, islamarkaana ay saaxiibo ahaayeen kana wada tirsanaayeen baarlamaankii u horeeyey ee Somaliland, sidoo kale ka ka wada tirsanaayeen xubnaha sare ee xisbiga KULMIYE, waxana uu xusay in marxuum Fagadhe ku suntan yahay taariikhda Somaliland, waxa uu Ilaahay uga baryay inuu naxariistii Jano ka waraabsho.