|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2243 | January 07,2010 Muxaram 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wakiilkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Magaalada Paris Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe Oo Shalay Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Xabaalaha Boqol Jire Hargeysa, January 7, 2010 (Haatuf) - Alle haw naxariistee wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey caasimada dalka faransiiska ee Paris marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe ayaa shalay si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol jire ee caasimada dalka ee Hargeysa. Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo 29-kii December 2009-kii cisbitaal ku yaala magaalada Paris oo shalay diyaarad khaasa lagaga soo qaaday dalkaasi isla markaana maydkiisa laga soo dajiyey madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Marxuum Fagadhe oo si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol jirre ayaa aaskiisa waxa ka soo qayb galay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, madaxweyne ku xigenka Axmed Yuusuf Yaasiin, gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, musharaxa madaxweyne ku xigeenka Kulmiye C/raxmaan C/laahi Saylici, gudoomiye kuxigeenka xisbiga Ucid Aadan Maxamed Mirre Waqaf, musharaxa madaxweyne ku xigeenka Ucid Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, shirgudoonada labada golaha baarlamaanka , xildhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin badan oo ka tirsan axsaabta qaranka iyo kumanaan ka tirsan dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo Gobalada kale ee dalka. ugu horayn madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo tacsi u diraya qoyskii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland geerida ku timid marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), isla markaasna taariikh kooban oo lagu xasuusto waxa uu yidhi “horta waxa weeyaan nafwaliba way dhadhaminaysaa mawdka waa dariiq qof waliba marayo waana meesha ugu haboon in loo sii shaqaysto ee Daarul-Aakhiro Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe waxa uu ahaa nin macruufa taariikh dheer leh, wuxuu ahaa qolooyinkii golaha aanu isku soo gaadhnay Ilaahay Jano Fardawsa haka waraabsho inagana dhamaanteen samir iyo iimaan haynaga siiyo. Aduunyo waa laysku haystaa oo waa la hadli doonaa laakiin halkan waxa ku raacaya waa Camalkaagii, Maxamuud Fagadhe waxa lagu xasuustaa wuxuu ahaa nin taariikh yahan ah oo macluumaadka aduunyada aad u haya, waxaanu ahaa nin bashaash ah oo fur furan oo aan waxba caloosha ku qabsan Ilaahay haw naxariisto” Wasiiru dawlaha caafimaadka ayaa sidoo ka tacsiyadeeyey qoyskii iyo dhamaan qaranka Somaliland geeridaa ku timid wakiilkii Somaliland u fadhiyey Faransiiska marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) “Ilaahay haw naxariisto waxaan ugu ducaynaynaa in Ilaahay danbigiisa dhaafo Ehlu janaha ka mid yeelo, wuxuu ahaa nin taariikh yaqaan ah aqoon yahan ah waxa lagu xasuustaa wuxuu ahaa nin hal adag oo aan runta ka gaban, waxa uu ahaa nin in badan soo halgamay ilaa xiligii gobonimo doonka ilaa maanta Somaliland wuxuu ahaa nin ehel jecel,deegaan jecel oo xidhiidh jecel oo xaqa ku adag, waxa uu ahaa nin islaam ah oo tugada, daacad ah, uur xaadhanAlle ha u naxariisto” masharaxa madaxweyne ku xigeenka Kulmiye C/raxmaan Saylici oo isaguna ka hadlay waxa uu yidhi “anigoo ku hadlaya magacayga magaca kulmiye waxan ka tacsiyadaynayaa qoyskii ehelkii iyo Somaliland oo dhan geerida ku timid Maxamuud Saalax oo ah aqoon yahan wayn oo ahaa ragii la kowsaday lixdankii dawladii somaliyeed, Somaliland intii ay xornimadeeda dib ula soo noqotayna ragii kasoo shaqeeyey walaalaynta beelaha Somaliland, dawladihii kala danbeeyey ee Somaliland intii ay xorowday soo maray kasoo shaqeeyey, qoyskiisii ehelkiisii iyo guud ahaanba Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo marxuumkana jano fardawsa haka waraabiyo” Musharaxa madaxweyne kuxigeenka Ucid Dr Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo isaguna ka hadlay waxa uu yidhi “ Alle haw naxariisto marxuumka waa nin taariikh ku leh Somaliland iyo soomaalida lafteeda, waxaan u malaynayaa dad tiro yar ayaa imika nool oo Maxamuud Saalax taariikhda uu soomaalida la yaqaano ka yaqaanay, siiba Somaliland aniguna nin aanu aad saaxiib u ahayn ayuu ahaa waxyaabo badan oo taariikhda soomaalida aanu iska waraysan jirnay ayuu ahaa, Ilaahay waxaan uga baryayaa qoyskiisii iyo ehelkiisii iyo shacbiga reer Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo” Gudoomiye ku xigeenka Ucid Aadan Mirre Waqaf ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska iyo ehelka marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun galabta waxaynu halkan u joognaa aaska Maxamuud Saalax Nuur marxuumkaas oo ahaa nin qaaliya umadan Somaliland-na ku lahaa taariikh halgamaa ahaa, dalkana dhismihiisa tiir adag ka ahaa haday noqon lahayd halgankiisii, nabadayntiisii iyo dib u dhiskii intaba waxaan leeyahay dhamaanteenba Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo” Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax ayaa isaguna ka waramay in marxuum Fagadhe ahaa nin halgamaaya, wadaniyada jecel taariikhna ku leh dalkan “Alle haw naxariisto marxuum Maxamuud Saalax Nuur waxa uu ahaa halgamaa wayn oo taariikhda Somaliland meel wayn kaga jiray, waxa uu ahaa nin calool xaadhan oo nadiif ah firfircoon oo hawlo badan dalkan usoo qabtay aqoonyahan ah macluumaad badan oo dunida ah aad u hayey waxa uu ahaa nin soo qabtay xilal badan oo daacad ah waxaan leeyahay qoyskiisii, ehelkiisii iyo umada reer Somaliland-ba samir iyo iimaan Ilaahay haka siiyo marxuumkana janadii haka waraabiyo” Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi, oo isaguna ka hadlay waxa uu yidhi “Ilaahay haw naxariisto janadiina haka waraabiyo marxuum Maxamuud Saalax Nuur adoon wanaagsan ayuu ahaa, siyaasi ruug cadaaya oo taariikh leh buu ahaa wadanibuu ahaa wuxuu ahaa nin hal adag oo run sheeg ah oo umada xidhiidhiya, bulshaawi ah Ilaahay waxaanu ergo uga nahay inuu naxariistii jano ka waraabiyo” Fu’aad Aadan Cadde ayaa isaguna sheegay in marxuum Fagadhe ahaa nin qaaliya oo dalkan usoo halgamay “Alle haw naxariistee nin qayb libaax kasoo qaatay halgankii Somaliland iyo dib u dhiskiisii ayuu ahaa, waxa uu ahaa nin wadanimadu ay ku dheertahay, aqoonyahan ah waxaan leeyahay Alle haw naxariisto qoyskiisii iyo qaranka Somaliland-ba Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo” Mujaahid C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo isaguna ka hadlay waxa uu yidhi Ilaahay waxaan ka baryayaa marxuumkaa inuu janadii ka waraabiyo qoyskii, ehelkii iyo umada reer Somaliland ee uu ka baxayba samir iyo iimaan haka siiyo runtii waxa uu ahaa shaqsi aanay calooshiisu dadka ku qabta ahayn iska calool furan oo saraaxiya, oo wuxuu qabo aan cidna kala gaban, dalkisa iyo dadkiisa jecel oo mar kaliya aanad ka dareemayn in yar oo is badal ah Somaliland-nimadiisa iyo wadani nimadiisa, anagu golaha wasiirada ayaanu ku wada jirnay waxa lagu yaqaanay run sheeg oo aan la gaban rayigiisa, taariikh badan haya iyo waayo aragnimo badan dunida iyo geeskaba ku lahaa Alle ha u naxariisto” Sidoo kale xoghayaha guud ee Udub Jaamac Yaasiin Faarax ayaa ka tacsiyadeeyey qoyskii, ehelkii iyo shacbiga reer Somaliland geerida ku timid wakiilkii Somaliland ee dalka faransiiska marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) inuu ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ururka Somaliland Association France Cabdi dhakhtar ayaa sheegay In marxuumku mudadii gaabnayd ee uu joogay France uu xanuunsanayey u qabtay xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska ka dhexeeya u qabtay, isla markaana waxa uu tacsi u diray qoyskiisii iyo guud ahaan qaranka Somaliland |