Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2244 January 08,2010                                                                    Muxaram 22,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 “Puntland, Somaliland, Koonfur-Land, Galbeed Land, Walaahi In Aanay Socon Doonin Land Iyo Wax Ay Soo Abaabuleen Reer Galbeed Iyo Itoobiya”

Afhayeenkii Hore Ee Alshabaab Mukhtaar Roobow

Muqdisho, January 2010 (W.Wararka) - Xarakada Al-Shabaab oo maalmihii ugu dambeeyey waday dhoolatusyo Milateri iyo qaban-qaabo dagaal ayaa sheegay inay guud ahaan la wareegayaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo intaa ku daray inay gaadhsiin doonaan Shareecada Islaamka oo lugu maamuli doono.Afhayeenkii hore ee Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur), lana rumeysan yahay inuu hada hayo mid ka mid jagooyinka ugu sareeya Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay hadda diyaar u yihiin duulaamo ay ku qaadaan goobaha uu sheegay in lugu xukumo Dastuur gaalaadka waxa ugu yeedhay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Muqtaar oo la hadlayey Warbaahinta gobalada Koonfureed ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in Kitaabka Alle lagaadhsiiyo Soomaaliya oo dhan, isagoo u dardaarmay Shacabka Soomaliyeed inay gacan siiyaan Al-Shabaab.

Abu-Mansuur wuxuu aad ugu hanjabay Maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu ku eedeeyey inay raaligaliyaan dawladdaha Itoobiya iyo Reer galbeedka, isagoo ku eedeeyey inay ka tageen Shareecada Islaamka, waa sidda hadalka u dhigaye, kaas oo ku tiraabay inay gaadhi doonaan gobaladaasi.

Marar badan ayay Al- Shabaab u hanjabtay Puntland iyo Somaliland oo ay sheegtay inay cadow ku yihiin dadka Soomaaliyeed, xidhiidhna uu kala dhaxeeyo dawladda Itoobiya, waxa ayna sheegeen inay wadaan wadiiqo kasta oo ay kula dagaalamayaan Maamuladaasi, oo ay sheegeen deegaanada ay ka taliyaan in ay ka dhisi doonaan Imaarad Islaami ah.

Afhayeenkii hore ee Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) ayaa sheegay in ay dawladdaha Reer galbeedku ay Soomaaliya kala qeybiyeen, una kala bixiyeen magacyo kala gedisan, wuxuuna cambaareeyey magacyadaas oo ula jeeday Magacyada ay ugu dambeyso Land, isagoo tibaaxay in ay Al- Shabaab ka war keeni doonto Land, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar la weydiiyey Muqtaar Roobow sida ay u arkaan Calamada Puntland iyo Somaliland ay sameysteen ayuu sheegay inay taasi tahay ka mid tahay talaabooyinka ay ku qaadanayaan Maamuladaas inay soo fogeeyaan ayuu yidhi shacabka ku nool deegaanadooda, isagoo sheegay in aanay Xarakadoodu ogoleyn wax aan ahayn calamada Cadaanka iyo Madowga ee ay adeegsato Al- Shabaab.

Hanjabaada Afhayeenkii hore ee Al- Shabaab Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur), hadana ka mid ah Madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, xili ay hore u sheegeen Siyaasiin Soomaaliyeed in Puntland iyo Somaliland ay la kulmi doonaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab oo hadda gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya kula hardamaysa Ahlu Suna Waljameecah.

Ahlu Suna ayaa todobaadkan sheegay in ay og yihiin in haddii ay Al- Shabaab soo dhaafeen Galguduud ay ku wajahan yihiin magaalada Gaalkacyo, ka dibna ay weerari doonaan Puntland iyo Somaliland, iyagoo ka codsaday Maamuladaasi taageero deg deg ah oo dhinac walba ah.