Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2251 January 17,2010                                                                     Muxaram 30,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Waxan Maqli Jiray Been Sheeg Oo Mid Run U Eeg Sheeg

Mohamed Abdi Hassan

Allaha weyni wuxuu aadamaha ugu galladay caqligu waa garasho, kala garasho, wax garasho iyo is garasho, Haddii qofka laga waayo intaasi waxay culumada cilmi nafsigu "Physycteriasts" ku qeexaan qof aan xuskiisu dhamayn, kal gaabnida iyo kas gaabnida waa mid loo kala dhasho, balse kaarta xummadda iyo kiiska iska waalku waa cudur xun oo aan dawo lahayn.

Akhristow hay’adda Sirdoonka ee dalka Israel ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano MOASAD ayaa markii carabta iyo Israeliyiinta uu dagaalku ku dhex maray 1967-kii dhulka daanta galbeed iyo buuralayda Golan ee ku dhereren xuduudka Suuriya iyo Lebnaan ee Israel ay ka qabsatay dhulka badan dalalka carabta,  waxay Moasad keentay tab iyo xeelad kasta oo ay u adeegsato siddii ay u kala durkin lahayd dalalkii carbeed ee ay dhulka ka qabsatay, Moasad waxay keentay qaab kasta oo ay ku nacasayn karto dalalkii carbeed sidda Suuriya, Falastiin, Lebnaan iyo Jordan waxay keentay qaab adduunyada ku cusub oo loo yaqaano "divide and rule" oo macnaheedu tahay kala qaybi oo xukun waxay adeegsatay dadd u dhashay dalalka Carbeed oo ay u adeegsanaysaa? waxay u adeegsatay isla iyagii waxay kuwaasi u fulin jireen mu'aamaradyo dil ah oo ay Moasad ku fulinaysay shakhsiyaad laf dhuun gallay ku noqday Israel, iyo weliba jahawareer ay ka mid yahiin inay iyagii iska hor keento oo ay dadkii carbeed ku sas geliso in PLO iyo dalalkii kale ee carbeed ay dilayaan oo ay miinooyin iyo hub guryahooda dhigayaan.

Waxay u adeegsan jirtay inay macluumaadka uga soo uruuriyaan hogaamiyeyaasha carbeed iyo weliba inay dalalka carbeed laftigoodu aanay yeelan wax cilaaqaad ah oo ay Israel ugu midoobayaan, qisaddii ugu nacasnimada badnayd waxay ka dhacday dalka Jordan ee la dariska ah Israel, Israel waxay adeegsatay hay’adda sirdoonka ee dalka Jordan sannadkii 1987-kii si loo soo khaarajiyo saynis yahan Masri ah oo markaasi u ictiraaqayey Ciraaq barnaamijkeedii Nuclearka ahaa, waxaana loo sheegay ninkaasi Urduniga ah ee la adeegsaday inuu dilaayo nin dawladda Urdun doonaysay oo dambiile ah, markii uu dilay ninkii masriga ahaa ee saynisyahanka ahaa ee barnaamijka nuclearka ah u samaynayey Ciraaq ayaa loo sheegay cidda uu dilay isagiina halkii ayuu isku del delay.

Rajo xumaddu waa mid iskugu biyo shubatay Xukuumadda Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin, dabcan xaqiiqdii muddo ma jeclayn inaan odoroso xaqiiqda dhabta ah ee ku lamman maamulka xukuumiga ah ee 7 sannadood ee ina dhaafayba Somaliland gadh-hayeenka u ahaa, balse maanta waxay iiga fursan wayday markaan arkay sidda ay u nacasaynayaan shacabkii reer Somaliland ee iyaga laftigoodii ay isku adeegsanayaan, bal ayaan darradu kala xun eh waxa ka sii darran dawladd dadkeedii nacasaynaysa oo inta ay iyagii adeegsato u adeegsanaysaa waxaan jirin oo ummadda qas lagu gelinayo.

Faalladdii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)