Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2253 January 19,2010                                                                                  Safar 4 ,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Tafaftiraha Wargeyska Waaheen Oo Maxkamada Gobolka Hargeysa Looga Yeedhay

Hargeysa,January, 19, 2010 (Haatuf) –Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa qoraal amar u yeedhida u dirtay  Tafatiraha Wargeyska Waaheen Maxamud Cabdi Xuuto oo la sheegay in looga yeedhay Maxkamada Gobolka Hargeysa maalintii doraad, iyadoo tibaaxuhu sheegeen in dacwad uu ku soo oogay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Garyaqaan, Max’ed Xirsi Oomane, isagoo ku eedeeyay in laga qoray war ku soo baxay Wargeyska Waaheen, oo wax ka sheegay is-hortaag uu ku sameeyay dhismayaal hay’ada UNDP u dhisayso maxkamadaha dalka.

Qoraalka u yeedhida oo la sheegay inuu ku saxeexan yahay Kaaliyaha Maxkamada Gobolka oo lagu wargelinayo  Tafatiraha Wargeyska Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto) inuu yimaado Maxkamada Hargeysa horteeda, taasi oo isla doraad-ba  uu tagey. Markii uu doraad maxkamada horteeda tagey Tafatiraha ahna Gudoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxa uu Garsooraha Maxkamada Gobolka ee gacanta ku haya dacwada uu furtay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee uu ku eedaynayo wargeyska Waaheen uu soo saaray qoraal uu hay’ada danbi-baadhista ee CID da uu kaga dalbanayo in baadhitaan lagu soo sameeyo dacwadaa loo heysto, balse ciidamada CID-da ayaa isku dayay inay xidhaan ilaa inta la baadhayo kiiskaas, hase ahaatee waxa uu Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) u sheegay inaan xaq loogu lahayn xadhiga ee sababta loo keenay CID-du ay tahay baadhis uun, taasi oo uu markii danbe ku qancay taliyaha CID-da Somaliland oo ku soo daayay in baadhista kiiskan inta uu socdo uu dibada joogo. Hadaba Warqada Maxkaamadu u dirtay Wargeyska Waaheen ayaa u dhignayd sidan:” Maxkamada Gobolka Hargeysa waxay idinku Amraysaa inaad timaadan Maxkamada horteeda maalinta ay taariikhdu tahay 16/01/2010 Saacaduna tahay 9:30 saac ee subaxnimo iyadoo Maxkamadu idiinku yeedhayso Arrin idin khusaysa.Haddaba waxay Maxkamaddu marlabaad idin faraysa inaad dhawrtaan wakhtiga iyo Saacada sare ku xusan ee ay Maxkamaddu idiin qabatay, haddii aad dhawri weydaan wakhtigaas, waxay Maxkamaddu idinka qaadi doontaa Talaabo Sharciga Waafaqsan oo la xidhiidha arrintaas”

Dacwadan ayaa waxay ka dhalatay war uu wargeyska Waaheen ka qoray dhismayaal hay’ada UNDP u dhisayso maxkamadaha dalka oo uu hor istaagay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, oo ku sababeeyay is-hortaagiisa inuu ku qanci waayay qaabka loo fulinayo dhismayaashaas, isagoo sidaas ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Saxansaxo ka dib markii warkaasi uu ku soo baxay wargeyska Waaheen, balse, isagoo wargeyska Waaheen ka duulaya wareysigaas Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa uu soo bandhigay talaabooyin uu gudoomiyaha maxkamadu ku hor istaagay mashaariic dhawr ah oo ay hay’daasi u waday qaybaha kala duwan ee garsoorka dalka, taasi oo uu gudoomiyahu si badheedh ah u hor istaagay meel marintooda. Isagoo arrintaas lafteedana kaga hadlay shir balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor oo lagaga hadlayay kobcinta tayada Garsoorka.