Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2254 January 20,2010                                                                                  Safar 5 ,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Madaxweyne Rayaale Oo Sheegay In Calaamatul Su’aal Saaran Tahay In Axmed Siilaanyo Aamin Sanyahay Gooni Isku Taaga Somaliland

“Waxaaban Maqlaayey Meel Laga Waraystay Axmed Siilaanyo Inuu Lahaa, Anigu Faderaal Baan Aaminsanaa Qoraal Baanan  Qoray Dadka Ayuun Baan Joojin Kari Waynay Oo Na Khasbay, Calaamutul Su’aal Baana Saaran Waxa Uu Aaminsan Yahay”

“Kordhin Guurtidu Samaysaa Way Dhamaatay Oo Marka Serverka Ee Komishankuna Mudo Cayimo Cida Ka Hadasha Ayaa Wax Kale U Jeeda”

“Maxjar Kale Oo Dalka Laga Samaynayaa Ma Jiro Cid Carqalad Ku Samaysa Maxjarkaa Dhisana Laga Aqbali Maayo”

Madaxwayne Rayaale

Hargeysa ,January,20,2010 (Haatuf) -Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in calaamatul su’aal saaran tahay  Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) inuu aamin sanyahay gooni isku taaga somaliland sheegay in calaamatul su’aal ay saaran tahay inuu aamin sanyahay gooni isku taaga Somaliland iyo in kale.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu sheegay in qabsoomida doorashada madaxtooyada ay ka go’an tahay xukuumadiisa xiliga ay komishanka doorashooyinku u cayimaan qabsoomida doorashada madaxtooyada.

 Madaxweyne Rayaale oo shalay shirsaxaafadeed ku qabtay qasriga madaxtooyada ayaa waxa uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan khilaafka shirgudoonka golaha guurtida, maxjarka caafimaadka xoolaha ee Berbera ,arimaha nabad galyada iyo guud ahaanba la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Rayaale oo warbixintaasi uu u jeediyey saxaafada ugu horayn kaga hadlaya calaamatul su’aalka uu saaray aamin sanaanta gooni isku taaga Somaliland ee Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi  “waxaaban maqlaayey meel laga waraystay Axmed Siilaanyo inuu lahaa, anigu fadaraal baan aaminsana qoraal baan ka qoray ee dadka ayuun baan joojin kari waynay oo na khasbay, waan joogay 1991-kii waa run waa calaamatul Su’aal ilaa imika wuxuu aamin sanyahay isaga ayey u taalaa sidaas ayuu yidhi Rayaale”.

 Madaxweyne Rayaale mar uu ka hadayey rimaha nabad galyada iyo mandaqada aynu ku naalno waxa ka dhacaya waxa uu yidhi “Waxa inagu wareegsani inagana way ina soo gaadheen, qaraxyada ka dhacaya Laascaanood, walxihii halkan laga helay ee gabadhii geesiyada ahayd ay qabatay, waxaan leeyahay dadwaynow baraarug badan hala sameeyo waa laynagu soo maqan yahay. Mandaqada duruufaha ka jiraana la mid baan nahay, budhcadbadeed, argagixiso wax kastaba waa inaan filanaa way la socdaan, dagaalo badan baa laynagula jiraa”

Madaxweyne Rayaale mar uu ka hadlayey arimaha doorashooyinka iyo eedaha ay mucaaridku usoo jeed mucaaridku  waxa uu yidhi  arintan ay leeyihiin mudo kordhin ayey guurtidu samaynaysa qolyaha axsaabta mucaaridku waxa uu sheegay in qabsoomida doorashooyinka ay tahay arin laga sugayo gudida doorashooyinka balse aanay ahayn wax xukuumada gacanteeda ku jirta isagoo arimahaa ka hadlayana waxaa uu yidhi

“waxaad maqasheen maalmahan inay ka hadlaan qolyahan mucaaridku, doorashadii bay dawladu rabtaa inay dib u rido, horta kordhin guurtidu samaysaa way dhamaatay  oo waxay ku dhamaatay marka Sarver-kaa la saxo maalinta doorashada la qabanayana koomishanka ayaa cayimaya heshiiskii la gaadhay kaas ayuu ahaa, ninkii wardanbe ka keena ayaa ujeedo kale leh, xukuumadu waxay sugaysaa maalinta koomishanku doorashada qabto maalintaasay gali doontaa sheeko maalin cad dhamaatay ninka soo celcelinaya ayaa ujeedo kale leh”

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey doorashooyinka golayaasha deegaanka , wakiilada iyo guurtida ee fooda inagu soo haya iyo qabyada xeerarka doorashooyinkooda ku saabsan waxa uu yidhi “doorashadii baaralamaanku fooday ina soo saartay Guurtida wakhtigeedii iyana fooduu ina soo saaray deegaankii oo dib loo riixay isna wuu inoo yaalaa. Waxyaabahaa inaan ka tashano aanu u baahanay mustaqbalka waa kuwaa oo waliba qabyo ay ku jirto labada doorasho ee baarlamaanka iyo Guurtidu, waxaanu ku dooranay sharcigaasi inuu ku meel gaadh yahay uu doorashadii hore oo kaliya ku eekaado, in la saxo ayaa loo baahan yahay wax yaabaha noo yaalaa waa kuwaa laakiin muranka ka hadhay doorashada imika madaxtooyada oo anaga iyo xisbiyada dib aanu ugu murano ama golayaal ay ku murmaan oo mudo danbe guurti ku hadhay oo la waydiinayo ma jirto”

Sidoo kale madaxweyne Rayaale wuxu jawaab ka bixiyey warar dhawaanahan aad loo hadal hayey oo la xidhiidhay Jasiirada Sacaadadiin ee xeebta galbeed ku taala oo ay salaadiinta gobolka Awdal  qaar ka mid ahi xukuumada ku eedeeyeen inay iibisay jasiiradaasi isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu madaxweynuhu yidhi  “jasaa’ir baryo dhawayd laga hadlayey oo la lahaa madaxweynahaa iibiyey, horta jasiirad lama iibin dhulna lama iibiyo laakiin waxaan sheegayaa  maalgalin hadii lagu samaynayo bad iyo bari iyo meelkastaba xukuumadaa ka masuul ah suldaana kama masuul aha odayna kama masuul aha, muwaadinkasta oo reer Somaliland ahi way u siman yihiin ka Ceelaayo ku dhashay iyo ka Lawyo cado ku dhashay haduu maal gashi ku samaynayo Jasaa’irka cidii la timaada ee shuruudaha maalgashiga buuxisana waa la siinayaa cid la waydiinayaana ma jirto”

Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu jawaabo ka bixiyey khilaaf dhawaanahan kasoo baxayey maxjarka lagu sii baadho caafimaadka xoolaha dibada loo dhoofinayo oo ay qaar ganacsatada ka mid ahi ka cabanayeen inaan si cadaalad ah xoolaha loo dhoofinayo loogu ogalaanin maxjarkaasi isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “waad ogaydeen maxjarka iyo dagaaladii Xarbul Qanamka aan u bixiyey ee wakhtiyadii hore oo ujeedadiisu ahayd inaan u helno  maxjar xoolaheena marlabaad Sucuudiga ay dib ugu noqdaan, nasiib wanaag waad ogaydeen wixii muran iyo jaha wareer ka dhacay xaqaa ILaahay taageeraa, xaqii wuu yimid maxjarkiina wakaa furmay, xoolo aan caafimaad qabin amar baan ka bixiyey inayna ka dhoofin  Berbera  waxaan leeyahay maxjar waa kaa inoo furmay cid carqalad ku samaysa laga aqbali maayo oo danbe ma jirtee maxjarkaa ayuu ahaanayaa maxjarkale oo la samaynayaana ma jiro. Dagaalo badan baa laynagula jiraa qaar baa raba maxjarkeeni inuu xidhmo”

Waxa kale oo madaxweyne Rayaale  oo ka hadlaya  khilaafka shirgudoonka golaha guurida ka dhex aloosan ee axsaabta mucaaridku eedaha la xidhiidha khilaafkaa waxa uu yidhi shirgudoonka golaha guurtida ee is haya khilaafkooda ha dhamaystaan hana heshiiyaan golahana midnimo haku wadaan wax xukuumadu kaga danaysaan ma jirto

Madaxwayne Rayaale mar uu la hadlayey hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ee socdaalada ku maraya xiligan dibadaha wax uu yidhi “Saaxiibadayda qurbaha wareega awalna qurbo jooga ahaa ee kursigana u tartamaya waxaan leeyahay bal Somaliland kalmad dacwad Daahir Rayaale iyo xukuumada aan ahayn oo Somaliland dadka uga iibiseen Media-yaha  aad ka hadlyasaan haku soo baxo maalin uun, intaa garashadeeda inay yeeshaan baan hawada u marinayaa” dhinaca kale madaxweyne Rayaale ayaa ka cudur daartay in wax su’aalo ah ay waydiiyaan sufiyiintii ka qayb gashay  kulan warsaxaafadeedkaas.