Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2254 January 20,2010                                                                                  Safar 5 ,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

“Waxa Jiray Barigaa Xataa Waraaq Aan Qoray Oo Anigu  Aan Soo Jeediyey Haddii Dalka La Xoreeyo In  Qaab Faderaal Ahi  Yimaado”

 Axmed Siilaanyo

Hargeysa, January 20, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horaysay qirtay in xiligii halganka SNM ee xoraynta dalka lagu jiray ee uu gudoomiyaha ka ahaa ururkii SNM ee dalka xoreeyey uu aaminsanaa nidaamka faderaalka somaliya in maamulka dalku ku salaysnaado.

Guddomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo waraysi uu siiyey idaacada laanta afsomaliga ee VOA-da shalay idaacadaasi laga baahiyey isla markaana wax lagaga waydiiyey xiligii halganka SNM lagu jiray mawqifkiisa uu ka aaminsanaa nidaamka faderaalka in dalka lagu dhaqo ayaa isagu sheegay inuu wakhtigaasi ay jirtay waraaq uu si rasmiya ugu cadeeyey in dalka marka la xoreeyo Somaliland iyo Somalia oo dhan lagu xukumo nidaamka faderaalka.

Guddoomiyaha kulmiye  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo shalay galab idaacada laanta afsomaliga ee VOA-da codkiisa lagaga baahiyey isagoo ka hadlaya mabda’a faderaalka ee uu aaminsanaa xiligii uu gudoomiyaha ka ahaa ururkii SNM waxa uu yidhi “Anigu Ururbaan madax ka ahaa mabaad’ii buu lahaa aan ku shaqaynayey

anigu se runtii waxa jiray barigaa xataa waraaq aan qoray oo anigu barigaa aan soo jeediyey hadii dalka la xoreeyo in qaab fadaraal ahi inuu yimaado oo aan qoraal qarsoodiya ahayn oo aan qoray way jirtay oo aan anigu barigaa diyaariyey. Dalka Somalia oo dhanbaa la xoraynayey meel uu joogaba ayey ahayd  Koonfur iyo Woqooyina waa laga wada shaqaynayey dagaalkana waa lagu wada jiray Jabhadihii intii ugu badnayd iyo  ummadii isku timid ayaa qaabkii loo xoreeyey Muqdisho, oo iyadoo aan lagala tashan Jabhadii ugu xooga waynayd dalka oo ahayd SNM dib uga xanaaqday oo dadkiibay kicisay, dabeeto waa tii Burco layskugu yimid ee waaba goosanay la yidhi Axmed Siilaanyo.