Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2259 January 26,2010                                                                                  Safar 10,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Diyaarad Ay Leedahay Shirkada Ethiopia Airline Oo Siday Rakaab Oo Shalay Ku Dul-Burburtay Badda Lubnaan

Beirut, January 26, 2010 (W.Wararka) – Dayaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha ee   Ethiopian Airline  ayaa shalay ku dul burburtay dalka Lubanan, diyaaradan oo nooceedu ahaa Boint 737 oo ay la socdeen 85 qof oo rakaab ah ayaa waxaa ay daqiiqado ka hor burburkeeda ka soo duushay garoonka diyaarada ee Magaalada Beirut ee Xarunta wadanka Lubnaan .

 Wararka ka imanaya laanta Dulista Hawada ee wadanka Lubanaan ayaa sheegaya, in diyaarada Ethiopian Airline ee Burburtay ay ku socotay Caasimada Ethiopia ee Addisababa. Islamarkaana ay dhamaan 85-ka qof ee saarnaa ku socdeen Addisababa .

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in rakaabka diyaarada la socday ay 50-qof   u dhasheen wadanka Lubnaan iyo sidoo kale 35 qof oo Ethopian ah, kuwaasi oo ku wajahnaa  Addisababa.

Diyaarada burburtay ayaa la rumaysan yahay inay tahay Boeing 737, taas oo khadka raadarka garoonka diyaaradaha ee lubnaan ka baxday 5 daqiiqo markii ay ku jirtay hawada wadanka Lubnaan oo ay markii hore ka kacday.

Diyaaradan rakaabka ee laga leeyahay wadanka Ethiopia ayaa waxay ku dul burburtay Biyaha Mediterranean Sea, iyadoo dadka ag-degan Xeebta deegaankaasi ay sheegeen inay arkayeen Diyaarad dab ka baxayo oo ku dhacaysa Biyaha Badda ee wadanka Lubnaan.

Ma jirto ilaa iyo iminka Faahfaahin rasmiya oo ka soo baxaday Dawladaha Ethiopia iyo Lubanan oo diyaaradani ay u kula gooshaysay marka laga reebo xaqiijinta in diyaaradaasi ay ku dul dhacday Biyaha bada ee Lubnaan .

Diyaaradan Boeing 737 ee Ethiopia ayaa ay noqoneysaa Diyaaradii ugu horeysay ee Nooceeda ah taasoo oo ku dul burburta Biyaha wadanka Lubnaan.