Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2260 January 27,2010                                                                                  Safar 11,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Wakiilada Oo Shaaca Ka Qaaday In Shirkii Garaadada Dhulbahante Ee HOLHOL Ay Ku Guulaysteen Inay Baajiyaan

Wax lid ku ah Somaliland oo laga soo saaray iyo shirka dhacay HOLHOL oo go’aano laga soo saaray ma jiro ”

Guddoomiye ku xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faarax

Hargeysa, January, 27, 2010 (Haatuf) - Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faraax, oo isaga iyo wafti ka socda xukuumada Somaliland ay habeenkii isniintii ay u kici timeen  tuulada Hol-hol ee dagmada XUDUN ee gobolka Sool ee ay labadii cisho ee u danbeeyay ku sii qulqulayeen Garaadada beesha Dhulbahante ayaa sheegay inay kusoo guulaysteen inaanay wax shir ah Garaadadaasi ku qabsanin tuuladaasi HOLHOL.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ka waramaya waxyaalihii uga soo qabsoomay tuuladaasi HOLHOL iyo qaabkii ay u baajiyeen shirkaasi waxa uu yidhi  “ waxaanu meesha kaga soo noqonay nabadgelyo iyo guul, doraad tii ka horaysay baa waxa la go’aamiyey inaan shir Somaliland dhulkeeda inaanu ka dhicin aan dawlada Somaliland ogayn, sidaad ogtihiin waxa meesha yimid Garaado reer Sool ah oo laba iyo toban garaad ah waxay yidhaahdeen shir baanu meesha ku qabanaynaa, go’aanka dawladuna wuxuu ahaa inaan shir-meesha lagu qaban Karin, ciidamada Somaliland baa meesha galay, garaadaduna intii aan ciidamadu tagin bay yimaadeen, sidaa markaanu ogaanay oo askar amar haysata oo lagu yidhi shir laguma qaban karo. Sidaa daraadeed habeen hore ayaanu guure kaga soo baxnay Hargeysa duhurkii baanu soo gaadhanay Hol-Hol ka dib Isamadii waanu wada hadalay waananu is afgaranay, waxaanu isku afgaranay inuu amarku yahay inaan shir lagu qaban Karin aan dawlada Somaliland ogayn, markaa waanu wada hadalay waxanunu ku heshiinay Isamadii oo waxay yidhaahdeen anagu waxayagii waanu dhamaysanay wax siyaasiyiin ah iyo waxaasi ma jirin wax siyaasad ah iyo wax Somaliland ka soo horjeedana kumay hadlaynin, waxa weeye iyagoo meesha isugu yimid inay qabtaan meesha, oo gogoshana uu dhigay Garaad Jaamac Ismaaciil oo isagu Laascaanod joogay oo garaad cusub ah markaa markii aanu meesha tagnay waanu wada hadalnay oo waanu is fahanay inaan shirka lagu qaban meesha markaanu sidaa ugu sheegnay iyaguna si fiican ayey u qaateen ka dibna xalay (habeen hore) anagaa iska wada joognay oo danaha gobolka iyo nabad galyada gobolka ayaanu ka wada hadlaynay aad baanu isku afgaranay, maantana (shalay) iyaguna way amba baxeen anaguna marbaanu ka soo wada ambabaxnay sidaas ayaa meeshii nabad galyo iyo guul lagaga tagay”

S: Waxa la sheegayey in Puntland uu ka yimid wasiir ku xigeenka dhaqaalaha u qaabilsan oo isla deegaankiina ka soo jeeda wasiiradaasi iyagu ma idin soo gaadheen ?

J:Markii horeba isimadu may soo kaxaysan wax ka socda Puntland manay iman markaa shalay (doraad) markii waxoodii dhamaaday ee layska wada qaylay ee Maqribkii salaadii la tukaday waxa soo gaadhay wasiirka dabadeed meesha kamuu hadal markii horana waa la joojiyey ee magaaladuun buu soo gaadhay Yaasiin Tamaad aya markii  lanagu  yidhi kuma jiro oo hada xil uma hayo Puntland ayaa la yidhi  ha layska soo daayo.

S: Qolada Puntland ka timid iyo Garaadada iyo idinku dhamaantiin ma isku mawqif baad ku kala tagteen, mise mawqif kala gadisan ?

J: Mayee wax Puntland ka yimid may soo galin shirka, wasiirkaasina magaalada ayuun buu soo gaadhay markii nalagu yidhi kuma jiro oo wax xil ah hada uma hayo Puntland markaa shir uu soo galay ma jiro, ee anagaa wada joognay isimadana waanu wada hadalnay waananu is afgaranay xidhiidhkayaguna inuu sii socdo shirar danabana aanu anagu wada yeelano ayaanu isku afgaranay.

S: Mudo dheer siyaasiyiinta intan leeg iyo garaadadu ismay arag waana markii ugu horaysay indhaha dadka oo dhamina waxay ku soo jeedinayaan bal natiijada halkaas kasoo bixi doonta, garaadadii ma laga yaabaa iyo siyaasiyiintii iyo mushtamacii beesha inay isku mawqif noqdaan oo arimuhu sidii loo kala tagsanaa ay kasoo dhawaadaan ma saadaalin karaysaa ?

J: Waxaan saadaalinayaa horta farxad wayn bay anaga noo ahayd mudo laba sano ah isimada ismaanu arag waa markii iigu horaysay ilaa shalay (doraad) duhurkii wada hadalku saacado yarbuu kusoo dhamaaday oo uu gabagabo ku noqday  waxaana weeyaan meel fiican baanu wax wada dhignay wax lid ku ah Somaliland oo kasoo baxayna ma jiraan iyo go’aan meesha laga soo saarayna ma jiro, laakiin waxa weeyi waa markii ugu horaysay dad tirada leh oo isimo ah aanu dalka Somaliland ku wada shirno, anagoo siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland iyo Isimadii si fiican baananu isku af garanay.