Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2295

March 10,2010                                                                Rabi Al-Awal 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xuquuqda Haweenka Ee Islaamka

C/Risaaq C/Laahi Aadan

Markaynu eegno qeexida Oxford dictionary, “Xuquuda Haweenku waa xuquuqda dhiiri gelinaysa kaalinta iyo sinaanta sharciga ee Haweenka iyo Ragga” waa xuquuda sheegaysa sinaanshaha Ragga iyo Haweenka sida xuquuda codaynta iyo wax-lahaanshaha.

Haddaba maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa xaqiiqda dhabta ah ee xuquuda Haweenka. Taas oo aynu si toosa ugu ogaan karno tijaabo.

Waayo aragnimada iyo cilmi baadhista ka fog buunbuuuninta waa tijaabada dhabta ah ee ka dhaxaysa runta iyo rayiga fayaw.

Waa inaan fekerkeena ku salayno waaqaca dhabta ah haddii kale fekredeheennu waxay noqon doonaan qaar luma oo waxba kama jiraana. Waayo Dadbadan oo maskax wanaagsanaa ayaa beryihii hore waxay aaminsanaayeen dhulku inuu yahaw mid flat ah ama ballaadhan.

Xaqiiqda ku saabsan xuquuda dumarka ee Islaamka

Maxaa ka jira wararka buubuuninta ah ee war baahinta reer galbeedka ee ku saabsan sida islaamku ula dhaqmo Haweenka?

Haddaynu soo qaadanno wararka buubuuninta ah ee warbaahinta reer galbeedka, ma helayno wax dooda, hase ahaatee waxaynu taageeraynaa in xuquuqda dumarka ee Islamku tahay mid meel lagaga dhacay, islamarkaana ay tahay mid wakhtigeedi dhamaaday oo aan la jaanqaadayn dunidan casrigaa.

Hadalka reer galbeedka ee ah xoraynta Haweenka run ahaantii waa mid kulidda siday sheegaan oo ah dhibaataynta Haweenka, boobka jidhkooda, meelkadhac karaamadooda iyo baabiinta naftooda.

Bulshada reer galbeedka oo ka hadasha kor u qaadida heerka Haweenka, marka aynu u fiirsanno, waxay hoos u dhigeen heerkoodii oo ay ka dhigeen qaar lanool rag aanay is qabin isla markaana loo isticmaalo si loogu raaxaysto uun. Waa qalab lagu qurxiyo meelaha loo raaxo tago.

Islaamku wuxuu Haweenka xuquuqdooda siiyey xilligii aan ilbaxan haatan reer galbeedku sheegayaanba la gaadhin 14300,sano kahor. Ujeedooyinka islaamku waxay ahaayeen haatanna yihiin qaar markasta la jaanqaadaya waaqaca bulshadu ku nooshahay, nolosheena, arageena,maqalakeena, dareenkeena iyo dhiiri gelinta iyo horumarinta kaalinta haweenka ee Bulshada.

Waxa muhiima fekradaha laakiin maaha dhaqamada dadka

Intaynaan mawduucan gelin, aan ogaano qodobadan muhiimkaa:

1. Qodobka koowaad, waa inaan ogaanaa ugu dhawaan 1/5 bulshada aduunka inay yihiin Muslimiin. Waxa jira dadyaw kala duwan oo Muslim ah waxa laga yaabaa qaarkood inay Islaamka ku dhawyihiin kuna dhaqmaan qaarna ay ka fogyihiin.

2. Xuquuqda dumarka ee Islaamka waxa laga soo qaadanayaa loona eegayaa usuusha islaamka, laakiiin looma eegayo wax yaalaha qofka muslimka ahi sameeyo ama dadyawga Islaamka ahi sameeyaan.

3. Usuusha Islaamku waa Quraanka kaasoo ah hadalkii EEBBE iyo Sunnaha iyo dhaqankii Rasuulka SCW.

4. Quraanku marna isma beeniyo ama iskama horyimaado, sidoo kale xadiiskuna iskama hormyimaado. Labadoodana midna mid kama horyimaado

5. Mararka qaarkood culimada Islaamku way is khilaafaan, hase ahaatee khilaafkaas waxa lagu xallilaa marka loo eego macnaha dhabta ah ee usuusha Islaamka. Sida ugu haboon ee Quraanka loo macneeyo waa isaga oo laftiisu laysku macneeyo waana mid loo baahanyahay marka aayad la macnaynayo in loo eego Quraanka kale. Laakiin haddii aayad Quraan ahi tahay mid aan aad u qeexnayn, waxa cadaysa oo faahfaahinaysa aayad kale oo Quraana. Dadka qaar ayaa waxay daliishadaan meel (Aayad) iyaga oo ilaawa meel kale.

6. Waa masuuliyad saaran qofkasta oo Muslim ah dhedig ama lab, inuu naxariista ilaahay doono, uuna ku maamulo dunidan sida ilaahay rabo, aanuna qof bini aadama ku raali gelin wax ilaahay ka cadhaysiinaya.

Xaqiiqda sinnaanta raga iyo dumarka

S: islaamku muxuu ka qabaa sinnaanta Ragga iyo Haweenka?

Islaamku waxa uu rumaysanyahay sinnaanshaha ragga iyo haweenka. Laakiin sinnaanshaha raga iyo haweenku maaha inay isku midyihiin. Islaamka doorka ragga iyo haweenku maaha iska hor imaad ama is colaadsi ee waa is caawin. Waa wax wada qabsi ama shuraako ee maaha is dhac iyo in haweenka xuquuqdooda la duudsiyo.

Maadaama Islaamku xuquuqda haweenka ilaaliyey, waxaan eegi doona xaqqa haweenku uleeyihiin wax yaalahan hoos ku qoran:

i. xaqqa qofnimo ama ruuxiga ah

ii. xuquuqda dhaqaale

iii. xuquuqda bulsho

iv. xuquuqda waxbarasho

v. xuquuqda sharci

vi. xuquuqda siyaasadeed

Xuquuqda ruuxiga ah (nafeed)

Aan sharraxno xuquuqda ruuxiga ah ee islaamku siiyey haweenka.

Fahandarada ugu wayn ee reer galbeedku ka qabaan Islaamka waa…. “ in jannada ay gelayaan oo keliya raggu, laakiin dumarku aanay gelayn”. Tani waa khalad ay fahmeen waxana aynu ku cadayn karnaa qawlka Eebbe:

“ qofkasta oo waxwanaag sameeya, ama lab ha ahaado ama dhedig oo iimaan leh, waxay gelayaan jannada, waxyarna laga dulmiyi maayo”

dhedignimada ama labnimadu maaha Islaamka shardi jannada lagu galo, hadaba xuquuqdan ma mid wakhtigeedii gudbay baa oo aan xadaarada la jaanqaadayn mise waa mid cusub?

Haweenku waxay leeyihiin ruux

Khalad fahan kale oo warbaahinta reer galbeedku qabaan ayaa waxa uu yahay “ dumarku ma leh ruux ama naf”. Run ahaantii waxay ahayd qarnigii 17-naad markii golaha Wisemen ku ay ku goaamiyeen Roma inaan dumarku ruux lahayn.

Islaamka raga iyo dumarku waxay leeyihiin naf isku mida, taasna waxa cadeeyey Quraanka:

“ Dadkaw ilaahay ka baqa, kii idinka abuuray nafkeliya oo naftaana ka abuuray lammaanaheedii”

“ Ilaahay waxa uu naftiina idiinka yeelay aswaaj”

Maadaama nafta ragga iyo dumarka ee Islaamka ay simantahay, ma fekred dhacday baa mise waa mid cusub.

Ragga iyo Haweenkuba waxa ay helayaan naxariista EEBBE

Quraanku waxa uu si cad u sheegay in ALLE ( SWT) uu nafihiisa uu sameeyey mid ka mida ku afuufay bini aadamka. Hadaad akhriso suurada Xijir Aayadda 29-naad

“ Markaan simay ee aan ku afuufay ruuxdaydii way usujuudeen”

Marka ALLA sheegayo inuu ruuxdiisa ku afuufay Aadam, taas mac`neheedu maaha in ay isagii oo kale noqonayaan ama dadku ilaahyihiin. Laakiin waxa macneheedu yahay in ALLAH uu siiyey qofkasta in ruuxdiisa kamida, markaas qofkastaba ay ku abuuran tahay garashada ilaahay iyo cabsida ilaaha.

Arrintani waxay la xidhiidha Aadam iyo Xawa labadaba. Labadooda waxa lagu afuufay qayb ruuxda ilaahay ka mida. Markale Quraanku waxa uu inoo sheegay in ilaahay bini-aadamka karaameeyey:

“ waxanu karaamaynay ilma nebi aadam”

Halkan waxa la karaameeyey qofkasta oo ina nebi Aadama, rag iyo dumar. Waxa jira kitaabo diiniya, tusaale ahaan Bible ka, kaas oo Xaawa ku eedaynaya kasoo bixitaankii jannada ee bini Aadamka.

Haddaad akhrido Quraanka Acraaf 19-27, Aadam iyo Xaawa, waxa lagu sheegay dhawr meelood. Labaduba way danbaabeen, labaduba way toobad keeneen, labaduba way denbi dhaafwaydiisteen, labadabana waa laga aqbalay.

By, C/risaaq C/laahi Aadan

aadan13@gmail.com