Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2262 | January 29,2010 Safar 13,1431 H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Qiimaha Koobka Shaaha Iyo Kiishka Sonkorta Oo Kor U Kacay Boorama “Koobka Shaaha Ayaa Kor Ugu Kacay 1000sl.Sh Shilin, Halka Gadbada Sonkorta Ahina Ay Kor Uga Kacday 45 Dollar” Boorama, January 29, 2010 (Haatuf) - Magaalada Boorama ayaa qiimaha koobka shaaha ahi kor u dhaafay kunshilin (1000Slsh), halka dhinaca kalena gabdadda Sonkorta ah ee 50ka Kg ahi dhaaftay 45 doolar, qiimahaas oo walaac ku abuuray guud ahaanba danyarta, korna u qaadday qiimaha maciishadda muddo sannado ah. Shaaha oo ah sharaabka loogu cabitaanka badan yahay guud ahaanba dalka ayaa isticmaalkiisu sii kordhay wakhtigan qaboobaha ah, taas oo in muddo ah qiimaha Koobka Shaaha ee Boorama aanu dhaafin 500Slsh, qiimaha gabdadduna aanu dhaafin in ka yar 30 doolar. kor u kaca qiimaha Sonkorta oo aan la garanayn wax dhaliyey ayaa nolosha qoysas badan oo debadda looga soo diro nolol maalmeedkooda hoos u dhigtay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay qiimaha kor u kaca Sonkorta maadaama aanu Sicirka caalamka ee Sonkortu waxba iska beddelin, balse laga yaabo inay la xidhiidho siyaasadda dhaqaalaha iyo ganacsiga ee xukuumadda Somaliland oo aan iyadu marnaba u danaynayn Shacboga, waana markii ugu horreysay ee gabdadda Sonkorta ahi gaadho qiimahaasi, mana jiraan arrimo laga hortagayo qiimo barar kale oo ku dhaca badeecadaha kale. Tan iyo markii ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale xukunka dalka qabatay toddoba sano ku dhawaad ka hor ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa sii kordhaya qiimaha maceeshadda, iyadoo dhinaca kalena la tuhunsan yahay in xukuumaddu Cashuuro badan saartay badeecadaha Sonkortu ka mid tahay, ilaa maantana aanay jirin wax hoos u dhaca ah oo ku yimaadda qiimaha maciishadda debedda laga keeno. Inkastoo madaxweyne Rayaale uu dhawaanta soo hadalqaaday kor u kaca qiimaha maciishadda, balse marnaba ma uu keenin talo la xidhiidha siddii baayacmushtarka loogu khasbi lahaa kor kaca qiimaha maciishadda, waxaanad mooddaa in xukuumadda iyo baayac mushtarka Somaliland u heshiiyeen siddii shacbiga loo saari lahaa culays dhinaca nolosha ah, iyadoo la ogyahay sidda xukuumadda Rayaale heshiiska ula tahay Baayac-mushtarka, isla markaana aanay ka haddal dhaqaalaha iyo qiimaha maceeshadda ee ay haddba dhinaca Shookaanta ugu hayaan Baayac-mushtarka. Si kastab ha ahaatee xaladda dalka iyo dadka oo Maanta ay saameeyeen abaaro baa'an ayaa dhinaca kale waxa sii kordhaya culayska dhinaca maciishadda ee maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya, gaar ahaanta Sonkorta oo aanay ka maarmayn ubadka yaryar, ayaa laga yaabaa inay noloshooda saamayn ku yeelato qiimaha Sonkorta ee la goyn kari layahay, isla markaana aanay jirin wax rajo ah ama tallaabooyin hoos loogu dhigayo oo ka yimaadda xukuumadda Rayaale iyo baayacmushtarkaba. |