Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2297 |
March 12,2010 Rabi Al-Awal 26,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dhalinyarada aan u dhalan Sucuudiga Oo Ka Cabanaya Takoor Iyo Eexasho Ka Jirta Goobaha Shaqada Jeddah, March 11, 2010-(arab news.com)- Hablaha ay dhalaan dumarka u dhashay dalka Sucuudiga ah ee u dhaxa raga ajaanibka ah, waxaa ka soo yeedhaysa qaylo dhaan laxaad leh oo ku saabsan sida aanay dalka Saudi Arabia wax xuquuq ah ugu lahayn iyaga oo ay hooyooyinkood yihiin muwaadiniin u dhashay dalka Saudi Arabia. Inkasta oo ay nolosha caadiga ah kala mid yihiin dumarka reer Saudi Arabia hadana marka ay timaado shaqo raadsi iyo wixii la xidhiidha waxay la kulmaan cunsiriyad iyadoo sababtu ay tahay in aanay dadkani Sucuudiyiin ahayn balse ay yihiin waxa aabahood yahay. Reem Mohammed waa gashaanti 27 sano, kuna takhasustay cilmiga xisaabaadka kadib markii ay waxbarasho ka dhamaysatay Kuliyad ku taala dalka Saudi Arabia oo gaar loo leeyahay. Gabadha ayaa isku dayday in ay cilmigeeda shaqo uga raadsato dalka Saudi Arabia ee ay ku dhalatay isla markaasina hooyadeed ka soo jeedo, balse uma suurto gelin in ay shaqo hesho sababtuna waxaa weeye in uu dhalay Aabo shisheeye. Reem waxaa dhalay nin reer Masar ah waxaanay ilaa iyo nolosheedii oo dhan ku noolayd kuna dhalatay dalka Saudi Arabia marka laga yimaado fasaxyo ay ku tagtay dalka Masar ee aabaheed ka soo jeedo. Reem Mohamed qoyska kaliya ee ay taqaano isla markaasina ku soo ag barbaartay waa qoyska hooyadeed. Gabadhan ayaan wax dhibaato ah kala kulmin dalka Saudi Arabia ilaa iyo mudo dheer, balse waxaa dhibtu u bilaabantay kadib markii ay jaamacada ka qalin jabisay isla markaasina ee ay islahayd nolol cusub aad bilowdid. Reem Mohamed oo ka sheekaynaysa qisadan ay kala kulantay dalkii ay ku dhalatay waxaa ay tidhi “waxaan wax ku bartay kuliyad ku taala dalka Saudi Arabia oo gaar loo leeyahay, intii aan ku jiray kuliyad iima ay sheegin dhibaatada uu la kulmi karo qof aan Saudi ahayni, sidoo kale iima ay sheegin in ila dhaqaalaha iyo bangiyada intooda badani ay yihiin goobo ay ka hawl geli karaan dadka u dhashay dalka Saudi Arabia oo qudhi,” waxanay Reem intaas raacisay in aanay kuliyada siinin ama aanay ka caawin dhinaca tababarka shaqada ee ardaygu qaato mudada qalin jabintiisa. Si kastaba ha ahaatee waxan ku dhamaystay tababarkii layga baahnaa waxa loo yaqaano (wastada) ama indha garasho arintan oo aad looga yaqaano wadamada Khaliijka Carabta. Reem Mohammed waxa ay xaaladeed ku sheegtay mid aanay rajo lahayn isla markaasina aan u muuqan mid xal loo heli karo, waxaanay intaas raacisay in dadka ka shaqeeya bangiyada ee aan Sucuudiga ahayni ay ku joogaan Indha garasho. Reem Mohammed waxaa ay codsiyo ay ku lifaaqday heerka cilmigeedu gaadhsiisan yahay u dirtay bangiyo badan oo ku yaala magaalada Jeddah balse nasiib umay yeelan in ay ka shaqo gasho. Reem oo ka hadlaysa cadaalad darada taala dalka Saudi Arabia ayaa waxa ay tidhi “waxaa aan mar isu raacnay saaxiibaday goob aanu rabnay in aanu shaqo ka dalbano waxaa waraysigii loogu yeedhay saaxiibaday balse aniga cidi ilama soo hadlin”. Haweenaydan oo aad ula yaaban dhibta ay kala kulantay dalkii ay ku dhalatay isla markaasina hooyadeed ka soo jeedo ayaa iyada oo sharxaysay sida dawlada Saudi Arabia aanay marnaba naxariis u muujin dadka ay dhalaan aaboyaasha ajaanibku waxaa ay tidhi “hal mar ayay ii suurto gashay in waraysi la ila yeesho kadib markii aan baryootamay. Waraysiga la ila yeeshay kadib wuxuu isla markiiba garawsaday qofkii iga qaadayay waraysiga in aan ahay shakhsi ku haboon jagada waraysiga looga qaadayo ilaa iyo intii aanan u sheegin in ay jirto dhibaato iga haysata dhalashadayda balse aan ahay qof aan si sahlan isu dhiibi doonin, balse waxa uu iigu jawaabay qofkii waraysiga iga qaaday in aanay arintaasi mishkilad ahayn, balse dib iilama soo xidhiidhin waxaanu shaqadii ugu yeedhay gabadh aanu saaxiibo nahay oo hore ay u diideen in ay qaataan. Reem waxaa ay samaysay codsi ay ku dalbanayso dhalashada Saudi Arabia balse waa loo diiday. Sarkaal ka shaqeeya xafiiska rayidka ayaa u sheegay hadii aanay wax guur ah samaynin ilaa iyo inta da’deedu gaadhayso 30 jir isla markaasna ay sii joogto dalka Saudi Arabia wax ayaa laga bedeli doonaa xaaladaada, taasi oo macnaheedu yahay in ay suurto gal tahay in la isiiyo dhalshada dalka Saudi Arabia. Dadka dhibaatada noocaas ahi ay ku haysato dalka Saudi Arabia ayaa waxaa ka mid ah Nadia Arshad oo ah gabadh da’deedu haatan tahay 22 jir, Nadia waxaa dhashay muwaadinad u dhalatay dalka Saudi Arabia balse Nadia aabaheed waxaa waa nin u dhashay dalka Pakistan. Inkasta oo Nadia ay ku dhalatay magaalada barakaysan ee Makkah isla markaasina nolosheeda oo oo dhana ku noolayd dalka Saudi Arabia gaar ahaana magaalada Jeddah uma suurto gelin in ay ka gudubto hagardaamada ay kala kulanto helintaanka shaqada maadaama dhibaatadu ka imanayso in aanu dhalin aabe Sucuudi ahi. Marwo Arshad waxay dhowr goor isku dayday in ay hesho dhalashada dalka Saudi Arabia balse waxaa lagu xidhay shuruudo aad u tiro badan oo aan si hawlyar loo xalin karin, waxaana ka mid ah in ay guursato muwaadin Saudi ah, waxaanay sheegtay in aanay arintaasi fududayn isla markaasina ay iyadu tahay qof dumar ah nolosha noocan ahina ay ku tahay hagardaamo. Suhaila Zain Al-Abidin oo ah shakhsi u halgama xuquuqda aadamaha ayaa sheegay isaga oo ka hadlaya dhibaatada haysata caruurta ay dumarka Sucuudiga ahi u dhalaan raga ajaanibka ah, in aan xeerka dalku u ogolaan in la siiyo dhalshooyinka dalka balse ay ku joogaan ciqaamado ku qoran magaca hooyadood, sidaasi darteed looma ogolaado shaqooyinka. Al-Abidin waxaa uu ugu baaqay dawlada Saudi Arabia in ay cadaaladaro tahay in wiilka Sucuudiga ah caruurtiisu qaataan dhalashada dalka halka hooyada Sucuudiga ahi hadii ay soo guursato nin ajaaniba aanay caruurtaasi xaq u lahayn dhalashada dalka Saudi Arabia, waxaanu sheegay in arintaasi u muuqato gar-eexo. Arabnews.com/oodweynenews |