Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2303 |
March 19,2010 Rabi Al-Thani 3,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ganacsadaha C/raxman Boore Oo Dacwad Ka Dhan Ah Madaxweyne Geelle U Gudbiyey Maxkamad Ku Taala Faransiiska Djibouti, March 19, 2010 (W.Wararka) – Ganacsadaha reer Djibouti C/raxmaan Boore ayaa dawladda Djibouti ee uu hogaamiyo Ismaaciil Cumar Geele ku eedeeyey inay waxyeelo ay soo gaadhiisay hanti uu leeyahay. C/raxman Boore ayaa isagu mar ahaan jiray maal-qabeen ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Geelle, ka hor intii aanay kala irdhoobin, kaas oo haatan dacwadda ka dhan ah madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele u gudbiyey Maxkamad ku taalla caasimadda Faransiiska ee Paris, waxaana uu ku eedeeyey Madaxweyne Geelle oo isticmaalaya awoodda dowladda, inuu ku xadgudbay hanti uu ku leeyahay dalka Djibouti, Boore ayaa sidoo kale ku eedeeyey Madaxweynaha iyo Xubno ka tirsan xukuumadda Jabuuti inay ka dambeeyeen dilka dad qaraabadiisa ah. Ganacsadaha C/raxmaan Boore ayaa sidaa ku sheegay mar uu shalay u warmaay idaacada VOAda, isla markaana shaaciyey inuu ku biiray mucaaridka kana soo horjeedo muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Boore ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda inay cadaadis ku hayso ganacsatada iyo garsoorka, waxaana uu tilmaamay inay dalka ka jirto xaalad uu ku tilmaamay gaajo iyo cadaadis xooggan oo shacbiga lagu hayo. Hase ahaatee Xukuumadda Djibouti ayaa waxa lagu qoslo ku tilmaantay dacwadda uu soo oogay Gnacasde Cabdiraxmaan Booreh. Wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti Yaasiin Cilmi Buux ayaa sidoo kale idaacada Voice of America u sheegay in aanay waxba ka jirin eedaha uu ganacsade Booreh ku eedeeyay madaxweynaha Djibouti, isaga oo tilmaamay inay jirto eedo ka dhan ah ganacsadaahaasi oo ka dhaxaysa isaga iyo wasaaradda maaliyadda ee Djibouti ka dib markii uu bixin waayay Cashuur lagu lahaa. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aanay suurta gal ahayn in dal kale oo shisheeye loo gudbiyo dacawd ka dhan ah madaxweyne qaran, waxaana uu tilmaamay in haddii uu ganacsade Booreh dacwad qabo ay suurta gal ahayd inuu u soo gudbiyo garsoorka Djibouti. Yaasiin Cilmi , Wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti ayaa beeniyay in ay jirto cadaadis iyo cabudhin lagu hayo dadka shacabka ah ee Djibouti. Si kastaba ha ahaatee dalka Djibouti ayaanay axsaabta iyo shakhsiyaadka mucaaridka ahi si mug leh uga dhex muuqan, taas oo lagu eedeeyo dawladda Ismaaciil Cumar Geele in aanay mucaaridka u ogolayn inay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay sameeyaan. |