Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2303

March 19,2010                                                               Rabi Al-Thani 3,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Wefti Ka Socda Dalka Ruushka Oo Booqasho Rasmiya Maanta Dalka Ku Iman Doona

Hargeysa, March 19, 2010 (Haatuf) - Wefti ka socda dalka Ruushka oo iskugu jira ganacsato iyo suxufiyiin ka tirsan Telefishanka dalkaasi ayaa la filayaa inay maanta booqasho  rasmi ah ku iman doonaan caasimada dalka Somaliland ee Hargeysa.

Sida uu wargeyska Haatuf ka helay Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow qasriga madaxtooyada ay u xaqiijiyeen, in weftigan ka socda dalka Ruushka oo booqasho ku iman doona maanta dalka ay marti qaad rasmiya u fidisay xukuumada Somaliland, lana filayo in muddo saddex maalmood ah ay dalka ku sugnaan doonaan. 

Sida shabakada wararka ee Ramaasnews ay baahisay ayaa waxa la sheegay in Weftigan loo dejiyay barnaamij hawleed ay kulamo la kala yeelan doonaan masuuliyiin ka tisan xukuumada oo ay ka mid yihiin,  masuuliyiinta Wasaaradaha Ganacsiga, Warshadaha Beeraha, Arrimaha dibada, maamulka dekada Berbera, Rugta Ganacsiga iyo xubno ka tirsan ganacsatada Somaliland.

Waxa la sheegay inay waftigani ay booqasho ku tagi doonaan dekada magaalada Berbera waxaanay booqan doonaan magaalada Dekada ah ee Berbera halkaasi oo ay kulan kula 

Waftigan Ruushka ah ayaa la sheegay inay kulan la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Komishanka doorashooyinka qaranka.

Weftigan ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee ganacsato u dhashay dalka Ruushka ee booqasho ku yimaada dalka Somaliland.