Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2305

March 22,2010                                                               Rabi Al-Thani 6,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Waftiga Golayaasha Qaranka Somaliland Ee Marti Qaadka Ku Jooga Dalka Maraykanka Iyo Nuxurka Ay Xambaarsanaayeen Kulamadii Dhexmaray Safiirada UK, USA Iyo Madaxda Dawlada Itoobiya

Adis ababa, March 22, 2010 (Haatuf) – Waftigii golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland iskugu jiray ee marti qaadka rasmiga ah ku jooga dalka maraykanka oo habeen hore ka dagay ayaa maalintii doraad magaalada Adis- ababa ee xarunta Ethiopia kulamo muhiima kula sii yeeshay safiirada dawladaha UK islamrkaana ah ku simaha safiirka John Marshall iyo safiirka dawlada USA John Yates iyo madaxda Itoobiya oo uu ka mid yahay wasiiru dawladaha arrimaha dibada Dr. Tekeda Alemu

Waftiga golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland ayaa la sheegay kulamada ay la yeesheen madaxda dawladaha Ingiriiska, maraykanka iyo Itoobiya inay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha marxalada ay Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso iyo guud ahaanba xaalada guud ee mandaqada geeska Africa, iyagoo kulamadaasina la sheegay inay iskula qaateen sidii Somaliland looga taageeri lahaa doorashada madaxtooyada.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray shalay galab wasiir ku xigeenka arimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) waxaanu u qornaa sidan:

Waxa waftigu kulan quraac ah u sameeyey safiir ku xigeenka UK ee Ethiopia Mr. John Marshal, waxa kulankaa lagu gorfeeyay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo Ingriiska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda  Nabadgelyadda, Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee Gobolka ( sub region) .  kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska sii xoojinta xidhiidhka labada dal inuu halkaa ka sii socdo iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saaxiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka labaad, milartary attachka iyo immigrationka. Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga jirto gobolka lana helo qaabkii Somaliland waxloogala qaban lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa. Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru dawlaha arrimaha dibedda waxa ku weheliyay laba nin oo kale ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan Wasiirka Arrimaha dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali Ibrahim Mohamed, , gudoomiye Ku xigeenka labad ee golayaasha Baarlamaanka Somaliland guurtida  Siciid Jaamac Cali wakiilada  Baashe Mohomed Faarax, Mr. Ayaanle salad Diiriye, Safiir Ku xigeenka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Safaaradda JSL Addis Ababa

sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Maraykanka u jooga Ethiopia John Yates kulan kaasi oo lagaga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda somailand iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo u sii jeeday Washinton DC.