Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2311 |
March 29,2010 Rabi Al-Thani 13,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
"Guddoomiyaha UCID Waxaan Leeyahay 600 Kun Oo Shilin Oo Aad Keentay Toon Cod Kaga Heli Maysid Sallaxlay" Axmed Xasan Goolle Hargeysa, March 29, 2010 (Haatuf) - Iskuduwaha caafimaadka ee Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xasan Goolle, ayaa sheegay in dadwaynaha ku dhaqan tuulada Toon ee uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka laga mamnuucay inay biyaha ka cabaan balayada iyo dhaamamka ku yaala deegaankaasi oo uu tilmaamay in xanuunkaasi ka bilaabmay biyo wasakhaysan, isla markaana uu shaaca ka qaaday in caruur gaadhaysa 145 uu xanuunkaas shuban biyoodku asiibay, halka 6 caruur oo kalena ay u geeriyoodeen xanuunkaasi. Iskuduwaha caafimaadka gobolka Maroodi jeex Mr Goole waxa uu gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu siyaasadeeyey gurmadka loogu jiro caruurta tuulada Toon ee shuban biyoodku ku dhacay. Iskuduwaha caafimaadka Maroodi Jeex Mr Goole sida lagu baahiyey shabakada wararka Ramaasnews isagoo ka hadlaya eedaha uu gudoomiyaha UCID u jeediyey waxa uu yidhi "Waxaan Cambaareynayaa Guddoomiyaha UCID oo inta uu shalay Tuullada Toon yimid oo uu soo eegay carruurta xanuunsanaysa ayuu 600 oo kun oo shilin oo aan gaadhayn 100 Dollar keenay ayuu cambaareeyay dawladii u soo gurmatay carruurtan. Waxaan leeyahay arrintaasi waa fool xumo waxaan leeyahay Guddoomiyaha sidaasi degmada Sallaxlay cod kaga heli maysid," Iskuduwuhu wuxuu sheegay in xaaladii shuban biyoodka ee ka dilaacay tuullada toon la xakameeyay waxaanu yidhi "Xanuunkani wuxuu saameeyay oo uu ku dhacay 145 carruur ah waxa xanuunkan illaa imika u dhintay 6 carruur ah oo kii ugu dambeeyay dhintay 23-kii bishan March.carruurtii waa la daweeyay waxa kale oo jira boqolaal carruur ah oo bukaan socod ah oo laga talaalay xanuunkan." Axmed Xasan Goolle, wuxuu sheegay in bulashada ku dhaqan tuulada Toon laga mamnuucay inay ka cabaan Balliyada iyo dhaamamka oo uu xusay in xanuunkani ka dhashay biyo wasakhaysan oo deegaanku cabi jireen. Isku duwuhu wuxuu sheegay in carruurta ku dhaqan tuulada iyo jiida hoos timaadda ay hayso nafaqo darro baahsani waxaanu haayadaha samo falka iyo ganacsatada Somaliland ugu baaqay inay kaalmo raashin ah la soo gaadhaan carruurta iyo bulshada deegaankaasi. Isku duwuhu wuxuu sheegay tuulooyinka degmada Sallaxlay oo dhami aanay lahayn xarumo. |