Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2312

March 30,2010                                                               Rabi Al-Thani 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Nuxurka Shirarkii  Madaxwayne Rayaale La Kala Yeeshay Xalay Madaxdhaqameedyada & Masuuliyiinta Maamulka Dawlada Ee Gobolka Awdal, Iyo  Marxuum Maxamed Xasan Mataan Oo Aas Qaran Loo Sameeyey

Boorama, March 30, 2010 (Haatuf) – Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo doraad u kicitimay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa shalay ka qayb galay aaskii marxuum Maxamed Xasan Mataan oo si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha galbeed ee magaalada Boorama, isagoo dhinaca kalena kormeer ku soo maray Jaamacada Camuud, Cusbitaalka Alxayaat iyo warshada samaysa Shaambooga ee magaalada Boorama.

Marxuumka oo maydkiisa ay diyaaradi ka soo qaaday dalka UK isla markaana ay 2:30-kii keenta   garoonka  Aadan Isaq Airport, oo ay la socdeen maydka marxuum Maxamed Xasan Mataan, qaar ka mid ah qaraabadiisa, oo ay ka mid tahay , ooridiisa, iyo laba carrura oo uu dhalay iyo laba wiil oo ay walaala ay yihiin.

Isla waqtigii ay diyaaradu soo caga dhigatayba, waxaa halkaas ku diyaar ahaa, boqolaal qof, oo uu ka mid ahaa, Madaxwaynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, Xubno wasiiro ah iyo saraakiil kale oo fara badan oo ka socotay xukuumada iyo golayaasha baarlamaanka.

Marxuumka ayaa waxaa salaadii janaasada  ku tukaday tobonaan kun oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo dalka dibadiisaba, taas oo si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha magaalada Boorama.

Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa isla  shalay booqasho ku tagay xarunta Jaamacada Camuud iyo Cusbitaalka Alxayaaat ee magaalada Boorama.

Wafdiga madaxwaynuhu intii ay booqashada ku gudo jireen waxa qaybaha kala duwan ee Jaamacada warbixin ka siiyey gudoomiyaha jaamacadaas Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, oo uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay, oo tilmaamay in arday gaadhaysa 2,800 arday oo iskaga kala yimid dalka gudihiisa iyo dalalka dariska ahi ay wax ka bartaan Jaamacada Camuud.

Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo sidoo kale booqasho ku tagay xarunta Cusbitaalka Alxayaad ayaa goobtaasi warbixin kaga dhagaystay masuuliyiinta Cusbitaalkaasi Alxayaad.

Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ayey ilo xogagaal ahi noo sheegeen inuu xalay kulamo la yeeshay masuuliyiinta maamulka iyo hay’adaha amaanka ee gobolka Awdal. Iyadoo dhinaca kalena tibaaxuhu sheegayaan in madaxwayne Rayaale uu shir gaar ah la yeeshay odayaasha iyo madaxdhaqameedyada gobolka Awdal oo ilo wareedyadu tilmaameen inuu kala hadlay xaalada guud ee gobolka Awdal iyo guud ahaanba marxalada ay Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso.

Dhinaca kale ilo wareedyo ka ag dhaw socdaalka uu madaxwayne Rayaale wakhtigan xaadirka ah ku joogo magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in laba maalmood oo kale uu sii joogi doono, lana filayo inuu kulano kala gaar gaar ah la kala yeesho beelaha ku dhaqan deegaanada gobolka Awdal, hase yeeshee ilaa hada si rasmiya looma oga mudada uu qaadan doono socdaalka uu ku joogo madaxwaynuhu gobolka Awdal.